Imaamka Guud ee Beelaha Somaliland Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar ayaa ka hadlay xaaladaha ka oogan dalka iyo xaaladaha ka taagan Golaha Wakiillada Somaliland ee ay soo abaabuleen Golaha Guurtida iyo Madaxtooyadu waxaanu si kulul u weeraray Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha Somaliland. Imaam Khadar oo soo saaray war-saxaafadeed uu arrimahaasi kaga hadlayaa waxa uu yidhi
“Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland kuna fadhiya kursi qaranka ku culus oo ummadda kala badbaadin jiray, waxa uu marar badan la saftay Madaxweyne Siilaanyo, arrintaasina waxa ay keenaysaa in laga aamin-baxo Golihii Guurtida oo ah marjac loo noqdo marka la is-qabto. Golihina waxa uu noqday mid u af-duuban guddoomiyaha oo aan dhex ahayn. Haddii ay dalka wax ka dhacaan, Saleebaan kama hadlo wax aan dantiisa, danta qoyskooda iyo danta Siilaanyo ahayn.
Maadaama oo uu Saleebaan dhexda u fadhiistay Xeerkii ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen oo uu tallaabo sharci-darro ah qaaday isaga oo aan la tashan Golaha Guurtida, keligiina uu soo celiyay isaga oo aan awood u lahayn in uu soo celiyo Xeerka ay Wakiilladu ansixiyeen, waxa aan ugu baaqayaa Xildhibaannada Golaha Guurtida in maamuus ka xayuubin lagu soo oogo Saleebaan-gaal. Dalkuna kuma dhisnaanayo inay sharci-darro isku Madaxtooyada iyo Guurtidu.
Xidlhibaannada Golaha Wakiillada ee caloosha loo buuxiyay, isla markaana masaariifta ka dhiganaya mooshin ka dhan Guddoonka Golaha Wakiillada ee ka daba-qaylinaya xeer ay anxiyeen sidii dhacday dhawr jeer oo hore waxa habboon in la mariyo Xeerka Anshax-marinta Golaha Wakiillada Somaliland. Haddii aynu tixgelin weyno shuruucda aynu dhigannay, waxa halis ku jiraya dhismaha iyo badbaadada qaranka Somaliland.
Ugu dambayntii waxa aan dadweynaha Somaliland, dhallinyarada, aqoonyahanka iyo dadka maskaxda caafimaad-qabta ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan sidii dalka looga samata-bixin lahaa kooxdan dalka qabsatay. Haddii aanu nahay Imaamyada Somaliland, waxa aanu hormood ka nahay wanaagga iyo horumarka Somaliland”
Allaa Mahad Leh
Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar, Imaamka Guud ee Beelaha Somaliland
Xafiiska Golaha Imaamyada ee Hargeysa