Imaaraadka Carabta oo sheegay inuu Xukuumaddii Hore Ee Xasan Sheekh Maxamuud Kala Heshiiyeen Dekedda Berbera.

0
36

“Arrinta Dekedda Berbera Waxay Ku Dhacday Isfahan Cad Oo Aan La Yeelannay Dawladihii Hore Ee Soomaaliya.” Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Anwar Maxamed Qarqaash

Dubai (Hubaal) Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane. Anwar Maxamed Qarqaash oo waraysi Siiyey Laanta Af Carabiga ee BBC ayaa ka sheekeeyey  dariiqii ay Dekedda Berbera usoo mareen iyo cidii ay wada hadallada kala yeesheen.

Wasiiru-dawlaha ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka Carabta iyo Xukuumaddii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ay heshiiska Dekedda Berbara ka wada haldeen, waxaanu intaas ku daray in aanay jirin heshiis toos ah oo ay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada galeen, laakiin’se ay fududeeyeen sidii kulamo ay yeesheen madaxda labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya], waxaanu sheegay inay ku kulmeen Magaallooyinka Dubai iyo Abu Dhabi.

Wasiir Anwar waxa kale oo uu sheegay sababta keentay ay tahay mar haddii imaaraadka carabtu aqoonsan yahay siyaasadda Soomaalida in aanay ka reebin dhinacyadda horumarinta, gargaarka iyo kaalmada Somaliland oo uu ka sameeyo, isagoo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xidhiidhna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. ayuu yidhi.

Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban “qol xidhan”: “Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tidhaahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xidhan. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhammaanayso. Waa in arrintu cadaataa” ayuu yidhi wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Iimaaraadka Carabta.

Xidhiidhka labada dhinac ayaa sii xumaanayey taniyo markii todobaadkii hore ay dawladda Soomaaliya la wareegtay lacag 10 malyan oo Doollar ku dhow oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.

Sidoo kale tababareyaal milateri ayaa muddo ku xannibnaa garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, kuwaasoo markii dambe loo ogolaaday inay ka dhoofaan.

Hadal uu soo saaray Iimaaraadka carabta ayuu ku sheegay inuu joojiyey hawlihii uu ka waday Soomaaliya, waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu qalab kaga qaadanayo xerada tababarka milateriga ee Jen. Gordon.

Waxaa kale oo Iimaaraadka carabtu uu joojiyey hawlihii uu ka waday isbitaalka Sheekh Saayid ee magaalada Muqdisho.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here