Imaaraadka Oo Noqday Dalkii Ugu Horreeyay Ee Kaalmo Caafimaad soo gaadhsiiya Samaliland

0
13

Waa Noocma Qalabka Caafimaad Ee Imaaraadku Ugu Deeqay Somaliland ?

 

Hargeysa (Hubaal) Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa mucaawinadii ugu horaysay ee gurmadka xanuunka Coronavirus soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kasoo degtay Diyaarada nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka, islamarkaana siday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hortago  xanuunka Covid 19.

Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyada, Diinta iyo Awqaafta oo halkaasi ka hadlay ayaa  sharaxaad ka bixiyey Agabka caafiamad ee ay soo dhiibtay Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta oo noqotay Dawladdii ugu horaysay ee Somaliland soo gaadhsiisa gurmad caafimaad, wakhti dalalka aduunku iska daa inay cid caawiyaane ay diideen yihiin in dalkooda ay ka baxaan agabka caafimaadku.

Wasiirada  ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ugu mahad celiyey mucaawinada soo gaadhsiyeen, iyagoo sheegay inay garwaaqsanayaan xili dunidu kala xidhan tahay in Dawladda Imaaraadka ay Somaliland soo gaadhsiiso iyadoo Dawladdihii adduunyadu kala boobayayaan qalabkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa isagoo Sharraxaya Qalabkankan Caafimaad wuxuu yidhi  “Waxa Sharaf noo ah Maanta inaanu guddoono Deeq Qalab Caafimaad ah oo ah kii lagula dagaalamayey iyo Qalabkii lagama maarmaanka u ahaa in lagula dagaalamo Xanuunkan, kaasi oo ay noo soo dirtay Dawladda Imaaraadka Carabta, aad iyo aad baanu ugu Mahad-naqaynaa Xukuumad iyo Shacabba. Waa Dawladdii ugu horraysay ee ka soo jawaabta Codsigeenii ahaa inaynu Dalalka Caalamka ka helo taakulo la xidhiidha xanuunkan..”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here