“Imaaraadku Wuxuu Uu Noqon Doonaa Dalka Mustaqbalka Fog Mandaqadda Geeska Afrika U Hayn Doona Mindida Daabkeeda”

0
221

Wakaallada Wararka Ee Associated Press Oo Warbixin Dhumuc Leh Ka Qortay Hirdan Saddex-geesood Ah Oo Ka Socda Mandaqadda Geeska Afrika iyo Loollan U Dhexeeya Dalalka Carbeed, Itoobiya Iyo Turkiga

New york (Hubaal/AP) – Wakaaladda Warbaahinta ee The Associated Press oo Xarunteedu tahay Magaaladda New York ee Dalka Maraykanka, ayaa warbixin xiiso leh ku lafa gurtay, Hirdanka Saddex Geesood ah oo dhinacyadda Siyaasadda Quwadda Milatari iyo Dhaqaale ah oo Mandaqadda Geeska Afrika ay ku loo lamayaan Waddamadda Carbeed ee Sucuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ahi hogaaminayaan, halka dalalka Geeska Afrika ku yaala oo Itoobiya ugu horeyso ay caddaadis Siyaasaddeed dareemayaan isla markaana  Waddanka Turkey-gu uu Muqdisho Saldhigii Milatari ee ugu weyna ka dhistay. Warbixintan ay qortay Wakaaladda The Associated Press ee Dalka Maraykanka laga leeyahay oo ka mida Hay’addaha Warbaahinta Caalamka ugu weyn, waxay diriiradda ku saartay Warbixinta ay ka diyaarisay Hirdanka Siyaasaddeed iyo Danaha iska soo horjeeda ee Bogcadda Geeska Afrika ku dhex maraaya Dalalka Carbeed iyo Dalka Turkiga oo Saldhigyo Milatari ku kala leh Waddamadda Somaliland, Somalia iyo Eritrea, waxaana sido kale Wakaaladu ka faalootay in ilaa iyo hada ay ku gacan sarayso loolankaasi dalka Imaaraadka oo Sucuudiga ay xulufeystaan isla markaana isku siyaasad yihiin oo Saldhigyadda Milatari ee uu ku leeyahay Magaalo Xeebeedyadda Berbera oo Somaliland ku taala  iyo Maarsadda Assap oo dalka Eritrea ku taala hadana ku guulaystay in uu maamulo Dekedda Berbera oo Maalgashigii ugu balaadhnaa ay Shirkadda reer Imaaraad ee DP World mudo 30 Sanno ah Somaliland kula gashay. Mr Umer Karim oo ah Cilmi Baadhe  Baadhis badan ka sameeyey umuuraha iyo Xaaladdaha dalalka Bariga Afrika gaar ahaan Mandaqadda Geeska Afrika isla markaana ah Bare wax ka dhiga Jaamacadda Ingiriiska ku taala ee University of Birmingham oo ka hadlaayey doorka ay Sadhigyadda Milatari ee Geeska Afrika ay ka sameysatay dawladda Imaaraadku ka qaadanayso awoodeeda Milatari ee Mandaqada ay ku yeelan doono isaga oo arinta ka hadlaayeyna waxa uu yidhi ” Imaaraadka Carabtu maaha oo kaliya inay noqdaan isku xidhaha ku meel gaadhka ee mandaqada Geeska Afrika iyo Waddamada ku yaala,  laakiin waxay noqonayaan maxsuulka mustaqbalka fog ka arimin doono mandqadda Geeska Afrika”. Dhinaca kale Guddoomiyaha Geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda Caalamiga ee the International Crisis Group mr Rashiid Cabdi oo isaguna wax laga waydiiyey hirdanka dhinaca Milatariga ee dalalka Muslimka ah gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo Berbera Saldhig Milatari ka sameystay iyo dalka Turkey-ga oo Muqdisho Saldhigii ugu weyna ee Milatari ka dhistay waxa uu ka yidhi “Kama heli karaan meel kaga haboon ama uga wanaagsan (Inay Saldhigyo Milatari ka sameystaan) Quwaddaha waddamada Carbeed oo aan ka ahayn dhulka Somalida, taasi waxay sharaxaysa hirdanka xamaasadeysan ee ay ugu jiraan (EUA Iyo Turkey) quwaddahani iyo Danaha ay ka leeyihiin Saldhigyadda ay ka furanayaan Berbera iyo Muqdisho”. “Waxaanu Shaki ku jirin in Dalka Eritrea yahay mid ku raad jooga sidii uu Dhulbadhaha Calaalamka u noqonlahaa, waxaanan leenahay waxaanu noqonaynaa kuwo  dib isku horumarin ku jira, waxaanu hada door wax ku ool ah ka ciyaara Siyaasadda mandaqada Gobolka, waa na la ogaada dareemay imika, wax kasta oo ay reer Galbeedku naga aaminsan yihiin, ugu yaraan dalalka Carbeed ee Jaarkayagu waxay noo la macaamilaan si xaqiiqo ah”. Khabiir u dhashay waddanka  Itoobiyaan  kana  faalooda Siyaasadda iyo Danaha dalkiisa Itoobiya iyo ta waddamadda  Bariga Afrika oo lagu magacaabo Mr  Mehari Tadele oo wax laga waydiiyey danaha dhaqaale iyo Milatari ee dalalka Carbeed ay Mandaqada ku soo kordhinayaan waxa uu yidhi “Muranka ka jira Mandaqada Gacanka Cadmeed iyo xulufadda uu hogaamiyo Sucuudiga iyo Talaabooyinka ay qaaday  Imaaraadka Carabtu ee ah in aanay gacanta ku hayn doonin maamulista Dekedda Berbera oo kaliya balse ay sido kale Saldhig Quwaddeeda Milatari ah inay  ku yeelan doonto marinka ugu weyn ee Geeska Afrika, waxay caddaadis Siyaasaddeed ku keeni doonta dalka Itoobiya”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here