sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo ka imanaya xagaa iyo barriga AFRIKA,gaar ahaan Magaaladda Nairobi ayaa sheegaya, inuu dalka ku soo fooleeyahay TALIHII QAYBTA LIX IYO LABAATANAAD ee qoboladdii Waqooyi Galbeed la isku odhan jirey,GENERAL MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN oo uu soddog u ahaa M.SIYAAD BARRE.
safarkan Morgan ayaa ka dhashay socdaalkii ay dhawaan ku yimaadeen odayada dhaqanka SOMALIA, DALKA SOMALILAND,codsigii ay odayadu u gudbiyeen Madaxweynaha ayaa waxa ka mid ahaa in Xukuumadda somaliland ay saamaxaad u fidiso dhammaanba ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto iyo darajakasta oo uu lahaan jireyba,waa sida hadalka loo dhigaye,codsigaa oo u muuqda mid ay xukuumaddu qalinka ku duugtay,ayaa markiiba waxa ka soo jawaabey oo soo codsadey SH MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN oo sida ay waraku sheegayaan ka soo kicitimaya dhinaca NAIROBI isagoo soo maraya DALKA aynu jaarka nahay ee ETHIOPIA kana soo galaya Magaalo xuduudeedka Togwajaale ee Gobolka Gabiley.Gobolka Gabiley oo baryahanba noqdey Waddo halaqmareen ayaa dadbadani is weydiinayaan GODOBAHA intan le’eg waxay ku muteysatey,dhowr bilood ayaa laga joogaa markii SH FAARAX uu dhaqax-dhigey Xarun AGoomaha Togwajale loo dhisi doono balse Toddobaad ka dib lagu war helay in SH Faarax ay ku daba joogaan Wardoonka caalamku,taasi oo keentay in suaalo laga weydiiyo ciddii maalin uun sallaantey SHEEKHA,hadaba Dedweynaha reer Gabiley ayaa su’aalo badan iska weydiinaya sobobta keentay 25 SANO dabadeed in GENERALKU dib ugu soo laabto DALKAN isaga oo la magac baxay SH MAXAMED SICIID XIRSI,Waxa iyana yaab noqotey maalinta uu ku soo beeganyahay oo ah 31 may oo xusuus gaara u leh SOMALILAND iyo HARGEYSABA,waxa iyana yaabka yaabkiisa ah MUJ,YUUSUF CABDI GABOOBE oo ku xidhan Jeelka Gabiley,waxa iyana xusid mudan in kaantroolka caabudla laga celiyey MUSHARAXA XISBIGA UCID Jammaal Cali Xussen,si kastaba ha ahaatee waxad moodaa in midnimaddii Somalia la yidhi xagaa iyo Gabiley Ha laga soo alamiiteeyo,
ALLAHA u naxariistee MAXAMED X IBRAAHIM CIGAAL ayaa laga hayaa ,jibbaad lixdankii koonfur ina geysey, imikan jibbo ayeynu ku soo noqoney,billaahi calaykum hadalkaasi miyaanu maanta taagneyn,ma qiirada odayaashii dhaqanka Somalia lagu soo dhaweeyey ayaan arkeynaa ,ma SH UMMAL iyo sida xukuumad iyo shacab aan loo kala hadhin,ma sh MORGAN ayaan isna maqleynaa ma MAYDAAN MAYDII AHAYN ma inagaan waxba fahmeyn,isku soo wada xoori oo waxan aad uga walaacsanahay Badhasaabkan da’da yar ee daacadda ah ee ay ka go’antahay in uu Gobolka Goboladda Gaadhsiiyo ee maalin walba wafti aan la ogoysiin maalinba DEGMO lagu soo wareejinayo,waxaan ku tallin lahaa arimaha Gobolka FARAHA HA LOOGA QAADO
BY MUSTAFA SH TELL 4466752