“…[Immika] Gudoomiyaha Xisbigu Waa Madaxweynaha, Gudoomiye-ku-xigeenkuna waa Maxamed Kaahin, labadooduba waa….”

0
40

“Xisbiga KULMIYE Waa Xisbi Laga Dhextartami Karo, doorasho markay timaadana qofkii doonaa wuu is sharraxi Karaa  [Guddoomiyaha], waxaanan qabaa….”

Hargeysa(Hubaal)  Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo kamida Mudanayasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland lagana soo doortay Gobolka Togdheer oo shalay qaar kamida warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa,  arrimo Ay Ka Mid Yihiin warar aan illaa hadda suuqa u soo bixin oo ku saabsan damac siyaasadeed oo uu ka qabo in uu isu sharraxo guddoomiyaha mustaqbalka ee xisbigaKULMIYE Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii, jagadaas  oo uu hadda hayo madaxweynuhu. Xildhibaan Obama waxaa kale oouu ka hadlay  Muhiimada Marsada Berbera u leedahay Geeska Africa, sidoo kalena Bogaadiyey Heshiisyadii uu Madaxweynaha JSL lasoo galay Waddanka Imaaraadka Carabta, dhanka kale waxa uu Xildhibaanku Jawaab siiyey Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu soo jeediyey Doorashada golaha Wakiiladu ay noqoto mid qaranka u gowsa Aqoonsi Caalami ah, waxaana uu beesha Caalamka ugu baaqay inaanay dhegaha ka furaysan Aqoonsiga Somaliland

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo warbaahintu su’aalo waydiisay ayaa sheegay inaanu ahayn Musharax u taagan Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Mustaqbalka,, waxaana uu Bulshada ugu baaqay inay Muxaafid iyo Mucaaridba inay taageeraan Dawladda, si loo gaadho Himilada uu qaranku higsanaayo,  isla sidoo waxa uu xusay in Dekeda Berbera ay ka faaidaysan doonaan 100 Milyan oo ah Shacabka Waddanka aynu Jaarka nahay ee Itoobiya, kuwaasi oo ay Berberi u noqon doonto Suuq Ganacsi.l

Xildhibaanka oo ka hadlaya Muhiimada Dekeda Berberi ugu fadhido Geeska Africa ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu  u qaadanay Go’aankaas Siyaasadeed inaynu Berbera iibino  oo aynu ka iibino Istiraatijiyada iyo muhiimada ay leedahay, si ay ula jaan qaado oo ay Dekedaha kale ula tartanto Maadaama aynu isla qaadanay inay bogcad fiiacan ku taalo waa inaynu Tartan gelinaa sida dawladaha kale, sida Jabuutu u tartamayso sida Mombasa u tartamayso, Maadaama ay ku taalo bogcad muhiimada oo Baabul Mandabkaas ah oo aynu wada garanayno runtii faaidada ugu weyn Eeriyadan oo ah Baabul Mandabku marinkaasi laga galo baddeena adduunyadoo dhami isugu timaado halkaasi, maadaama ay Jaziirado yar yar oo fara badan oo iyaguna muhiima ay Berbera agteeda tahay oo ka mid tahay Biriim , Addubaad, Dahlaka, Xiniish ilaa laga gaadhayo suwayska meelahaa muhiim ka ah ayey horta Berberi ku taalaa, Sida Dhulka Waddooyin u leeyahay Cirkuna uu Ruudis u leeyahay ayey Badduna Ruudis u leedahay, waxay ku taallaa Malta Istiriin waa dariiq caana oo Baasifik Ooshiyaanka ku gelinaya”

Maxamed Cali Xirsi waxa uu ka hadlay Muhiimada Heshiisku leeyahay  sidoo kalena waxa uu faah faahiyey Faaida balaadhan ee laga dhaxli karo Hanaanka Horumarka Waddoyinka iyo Xuduudka aynu la wadaadno Itoobiya waxaana uu yidhi  “Waxa heshiisku muhiim inoogu yahay waxa ka mida maadama aynu tartan gelinayno maadaama ay 14-kaas Dekedood ay tartan la gelayso waa inaynu u khidadaynaa wax aan kuwan kale  haysan aynu keeno, waxaa inoo dhismaaya Waddo Habaas Ilaa  Diridhabe 650KM oo Xuduud ah baynu wada leenahay oo xuduud 650-kaa KM baan furayaa, Gorayo-cawl ilaa Aw-barre  waddaa iiga soo furmaysa oo xuduudayda soo gelaysa oo aan doonayo inaan Laami ka dhigo, maaha qasab in Togwajaale xidhiidh loo socdo, laakiin Hawdkaa ninka degan xaq buu u leeyahay inuu xuduudiisa halkan kusoo xidho oo uu bagaashka ka qaato waa suuq kuu furmaya, Wajaale iyo Faan-Faan iyo Heher iyaduna waa furmaysaa waa waddo, Baligubadle Dhagax-buur iyo Nagob intaasiba waa ii furmaysaa, Ina Guuxe iyo Awaare ayaa ii furmaya Laan-mulaaxo ilaa Duruqsi baa ii furmaya, Jaraar Barri ila Qoraxay baa ii furmaya, Shabeelle iyo Af-dheer baa ii furmaya, Balidhiig iyo Buuhoodle wadadooda xuduuda ayaa iyana ii furmaysa Doolley, Qoray iyo Af-dheer intaasiba waa Waddooyin jira oo aynu xuduud wada leenahay, intaasiba waa camirmayaan oo 5-ta Milyan ee Soomaali Itoobiyaanka ah ee Kilidhka ku nool meesha keliya ee ay wax ka cunayaan ee Baayac-mushtarka ka keensanayaan waa Berbera”

 

Dhanka kale waxa uu jawaab ka bixiyey dhawaaqii kasoo yeedhay Baarlamaanka Soomaliya kaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid gef ku ah qaranka Somaliland  ” Ninka ka hadlaya ee heshiis laalaya dee horta dalka ha yimaado oo haduu xukumo dalka ha laalo wuxuu laali karayo, heshiisyada ha diido haduu diidi karayo haduu soo geli karo hasoo galo  laakiin annigu waxaan qabaa Dawladda Soomaaliya ee aynu Walaalahay nahay waxay caddaysatay inay Cadaawad u hayso dalkan iyo qarankan, wakhtigii baa lasoo gaadhay reer Somaliland ay si  Siiriyees ah ay arrimaha Soomaliya uga hadli lahaayeen, waxaan raacsanahay in la joojiyo Wadda hadalka, waxaan raacsanhay in ay taabato qadhaadhka ay 27-ka Sannadood ay ku hayeen inay iyaga laftigooda taabato”

Xildhibaanku waxa kale uu sheegay inay haboon tahay in Heshiiska Rasmiga ah la keeno Golaha Wakiilada si loo ansixiyo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa ” Golaha waa in la keenaa waan aaminsanahay in golaha la keeno, golahana wax noo diidayaa ma jiro, waxay ku xidhan tahay Gudoomiyaha oo Warqad  Madaxweynaha u qora oo yidhaahda noo keena heshiiska, laakiin anigu waxaan qabaa heshiiskaas waynu ku guulaysanay waa go’aan siyaasadeed  waana lagu guulaystay meel fiicana wuu marayaa”

Obama oo Saxaafaddu waydiisay inuu ka mid yahay musharaxiinta u tartamaya mustaqbalka Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ayaa sheegay inaanu isagu u tartamayn balse marka ay timaado qofkii is sharaxayaa uu xaq u leeyahay  ” Anigu u tartami maayo wakhtigeedana hala gaadho imikay dawladani bilaabantay Gudoomiyahu waa Madaxweynaha Gudoomiye ku xigeenka Xisbiguna  waa Maxamed Kaahin, labadooduba waa laba oday oo aad u waa weyn, doorasho markay timaadana xaq  baa loo leeyahay oo qofkii doonaa wuu is sharaxi karaa laakiin anigu shekhsiyan nin isu sharaxaya haba yaraatee maba ihi waxaanan qabaa marka ay timaado cidii isu sharaxaysa way furantahay oo xisbigu waa xisbi laga dhex tartami karo”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here