Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Guullaha Xukuumaddiisu Ku tallaabsatay Iyo Qorsheyaashiisa Mustaqbalka Dhaw
“Soomaalidu Waxay Tidhaahdaa ‘Wiilka Abtigii U Duceeyo, Qardhaas Looma Dhigo!!!’, Aniguna Laba Duco Ayaan Helay Oo Qardhaas La’aanta Abtigay Baa Iigu Duceeyey, Waxa Kale Oo Aan Ku Darayaa ‘Guul Ma Gaadhi Waayo Wiilka Uu……”
Boorama- (Hubaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa qorshayaashiisa mustaqbalka dhaw iyo waxyaabihii xukuumadda uu hoggaamiyo u qabsoomay muddadii siddeeda bilood ahayd ee uu xilka hayey. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan maanta ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabinayeen arday ka baxday jaamacadda Cammuud, ayaa si gaar ah ugu dheeraaday guulaha la taaban karo ee ay xukuumaddu gaadhay muddadii ay jirtey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan ku taagan yahay fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey. Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu bulshada dib u xasuusiyey khudbad taariikhi ahayd oo uu waqtigii ololaha ka jeediyey jaamacadda Cammuud, waxaana uu si gaar ah ugu mahadnaqay hormoodka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, isaga (Madaxweynaha) macallin u ahaa waqtigii ardaynimadiisa, “Maalintii ololaha khudbaddii aan akhriyey waxan kusoo gebo-gebeeyey bahda Cammuud ha iska war hayso, ballantaas xaggiinnii waad ka fuliseen oo duco iyo codba waad ku darteen oo waaniga maanta halkan jooga, maantana waan ku celinayaaye bahda Cammuud ha iska war hayso, 8-bilood (Siddeed bilood) oo aan imika madaxweyne ahaa, waana maalintii iigu horraysay ee aan safar kaga soo baxo madaxtooyada, waxaana nasiib-wanaag kale ah inay ku beegantay qalin-jabinta Cammuud. Inuu macallinkaygii I garab joogo isaga oo intaaba dalka usoo tabcayeyna guul bay u tahay in ardaydiisii dalka hoggaamiyayaal ka noqdaan, anigana sharaf bay ii tahay inuu macallinkaygii weli yahay wershad soo saarta dadka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxana uu intaas ku daray “Camuud waxaan ugu mahad naqayaa oo aanu sheegayaa; Soomaalidu waxay leedahay maahmaah tidhaahda ‘wiilka abtigii u duceeyo, qardhaas looma dhigo!!!. Anigu laba duco ayaan helay, waxaanan ku darayaa ‘Wiilka macalinkiisu u duceeyaa, guul ma gaadhi waayo’, ducada horena hore ayaan u qaatay oo abtigay Xuseen xoog baa ii duceeyey oo tii qardhaas la’aantana waan qabaa”. Ayuu madaxweynuhu yidhi.
Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inuu ku taagan yahay fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday, islamarkaana uu bar-tilmaameed ka dhigtay sidii uu ammaanka dalka u xoojin lahaa, wasaaradaha qaranka ee muhiimka ahna tixgelin gaar ah u siin lahaa, waxaana uu yidhi, “Ballamihii aynu qaadnay waa inoo halkoodii siddeedii biloodna waxa aanu ku dedaalnay ugu horrayn xaggaynu wax ka dhaqaajinaa, dawladdana halla koobaa la yidhi, duruufo kalena waa jiraan, laakiin intii itaalkayaga ahayd waanu koobnay, markaynu ololaha ku jirneyna waxa aynu ku ballannay inay nabadgelyadu kow noqoto, nabadgelyadii uun baanu kow ka dhignay oo aanu xoogga saarnay, waxaana aanu ku xigsiinay inaanu xoogga saarno inaynu dalkeena dalag kasoo saarno, ugu horrayna waxa aanu muhimadda koowaad siinnay wasaaradda Beeraha oo ahayd tii ugu liidatay, maantana Wajaale waxa ugu beeran dhul gaadhay ilaa 11KM(Kow iyo toban) oo aanu filayno ugu yaraan 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) in cuntada dalka lagu cunaa kasoo bixi doonto. Xaaxi-na 900 oo Higtar ayaa ugu beeran, wasaaradda Beeraha iyo wasiirkeedana waxaan ku bogaadinayaa inay muujiyeen tijaabo cajiib ah oo sanadaha soo socda lagu dhiirran karo inaynu cunto inagu filan soo saari karno.” “si dalku u helo wado bari iyo galbeed iskaga gudubta waxa aanu doonaynaa inaanu wadooyinka dalka isku xidhno oo inaad Lawyo-caddo ka soo baxdo aad Ceelaayo Waddo Laami ah ku tagto ayaynu doonaynaa, taasna wixii kolba aynu haysano ayaynu isku tashan, Haddii inta ka horeysa aynu ceel shidaal ah helno, wasiirkii macdanta ayaa ila socda oo kolba meel qodqodayee ee kolba lix bilood baynu ku dhamayn doonaa haddii alla yidhaahdo. Wasiirka macdanta ayaan leeyahay waar maxaad soo saartay kolba meel baa la qodayaa uun baa la hayaaye. Mid kalena waan doonayaa inay jaamacaduhu ka qayb galaan xallinteeda. Oo tusaale ahaan berri ayaa la odhanayaa halkan u dhaxaysa Qol-u-jeed iyo Boorama aynu ceel ka sahamino, mid isagii ku bakhtiyaya meesha oo laga yaabo in toban sanno beer yar uu caruurta la dul fadhiyey ayaad odhanaysaa halkan shirkad baa sahaminaysa oo shidaal ka baadhaysa, isaguna qori ayaabu soo qaadanayaa isaga oo leh meeshayda maxaad ka doonaysaan, wallaahi inaan la taabanayn. Waxaan kadoonayaa inaan wax kasoo saaro oo aynu noolaano adna aad noolaato, may, ayuu ku odhanayaa. Meel qudha oo la yidhi hala baadho oo aan qori lagala hor imana garan maayo, taasina waa xanuun iyo shaki oo waxa uu is odhanayaa waa lagu dhacayaa, laakiin waxba is dhici mayno oo afar is yaqaanna ayaynu nahay oo Saleebaan iyo afar ay wada joogaan baa dadkan oo dhan macalimiin u ahaa, malaha immika ayaa la batay oo la fara badan yahaye ka jooga Laascaannood iyo ka jooga Ceerigaabo iyo ka jooga Allaybaday hebel iyo hebel baa la isu wada garanayaa markaa dad is dhici kara ma nihine shaki baa innagu dhacay. Tusaale ahaan WAjaalle ayaanu xoogga saarnay wasaaradaha oo dhami. Wasiirradana immika waxa lagu caayaa waa bakhayliin laakiin wax alla wixii ay hayeen waxaanu gelinay Wajaale iyo Beeraha markaa walaa qaylaad iyo walaa hebelloow soo dhawaw ma laha. Waxaanu nidhi ina Muumin Seedoow [wasiirka beeraha] haye [bilow] oo Saylici [madaxweyne ku xigeenka] ayaa furay, dabadeed qoladii reer Magaalo cad baa qaylisay oo jaqaaq tidhi, aniga ayaabay I soo maageenba, waxaan is idhi ma u jawaabtaa oo ma tidhaahdaa waaryaadha kuwan wadaa [hawshu] ma nacasyaa, haddaan anigu wato miyaanan qaban Karin yaad ka shakisan tahay. Hadana maalintii dembe qolo kale ayaa nagu xanaaqday oo tidhi wajaale ayaa cid la siinayaa, qolo ganacsato ah baa la wadaa, madaxweynahoow waad garanaysaa meesha…..Inaadeer waan garanayaa ee ma ka soo saarnaa meesha waxoogay, ma innagii baa kala shakinay, cishadii dembe ayaa midi rabshad sameeyay oo wasiirka ayay is maageen, hala soo xidho ayaana la yidhi, haddana [degmada] DILA ayay maalin jimce ah dhagaxaan wadada ku gooyeen, maxay ka mudaharaadayaan ayaa la yidhi, WAJAALE sow maaha wadadu ha is ka xidhnaataannu nidhi ooh ala hadlin, iyaga ayaa iman doona oo Wajaale way ka sokoysaaye…dabadeed laba iyo tobankii [saacaddu markay ahayd] ayaa rag waaweyn oo dawladda kamid ahi ay ii yimaadeen iyagoo leh way fududahay arrintu waxba ma xuma. Annaguna waxaanu nidhi ma wajaale aynu beerano oo aynu wax soo saarno ayaynu halkaa ku gaadhaynaa oo wadada u xidhaynaa, shakigeenii baa halkaa gaadhay soo maaha. Waxaan arrintaas ugu dheeraaday oo aanugu noqday waxay ka mid tahay dhibaatooyinka inna haysta ee loo baahan yahay inaynu ka baxno” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray,“Dardaarankeenu waxa uu ahaa in wasaaradaha dadka noloshooda taabta aynu xoogga saarno, sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana aanu labadaas wasaaradood u xulnay cid aqoontooda leh, wasiirka, ku-xigeenka, agaasimaha iyo haddii la heli karo kuwa ka hooseeya, waxaana ay bilaabeen qorshe culus oo ah sidii bay tacliinta qaranka iyo caafimaadka dalku noqonayaa shanta sano ee soo socota,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay tayeynta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, waxana uu bulshada u sharraxay ujeeddada laga leeyahay tababarrada loo furayo barayaasha, waxana uu yidhi, “Iskuullada waxanu doonaynaa in aanu geyno macallin ardayda dhaama oo wax u dhigi kara, sidaas darteed macallimiinta waxa laga rabaa inay soo gasho tababarka inta iskuulladu fasaxu yihiin, taas oo kale ayaana ka socota wasaaradda Caafimaadka.”
Waxyaabaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa sidii loo dhisi lahaa waddada isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Lawyacaddo, waxana uu sheegay inay waddadaasi bilaabmi doonta markay ay dhammaato waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo haatan gacanta lagu hayo, “Wasaaradda hawlaha guud iyo hay’adda waddooyinku waxa ay amar ku qabaan in waddada Ceerigaabo aan filayo inay sanad iyo badh ku dhammaan doonto inay qalabka, lacagta iyo miisaanka kusoo wareejiyaan waddada isku xidha Boorama iyo Lowyacaddo, ballanqaadyaduna waa inay qorshe ku socdaan, taasna waxa ku xigi doona Ceerigaabo iyo Badhan si dalku u helo waddo Bari iyo Galbeed iskaga gudubto” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.