“Immikaba Hala Ogaado Hadhow Yaan La Odhan Xukuumad Baa Cid Xidh-Xidhay, [Annagu] Ma Ogolaan Karno Xisbi…..”

0
55

Cabdiraxmaan-Seylici oo Farriin Hanjabaadi Ku Ladhan Tahay Hawada U Mariyey Axsaabta Siyaasadda, Amarna Siiyey Komishanka Doorashooyinka

“ Komishanku Waa Siidhi-Wadaha Rasmiga Ah Ee Kala Hagaya Ummada,  Amarkana Waxaa Ay Ciidanku Ka Qaadanayaan Komishanka, Cidii Xad Gudubta  Waxaa Ay Komishanku U Amran Yihiin Inay…..”

saylici

Hargaysa(Hubaal)Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay subax kormeer kusoo maray goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo ay maanta si rasmi ah qaybintoodu uga bilaabmatay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Hay’adda shaqaalaha dawladda oo ay ka socoto kaadh qaybintu isagoo halkaasi kula kulmay madaxda axsaabta qaranka iyo saraakiisha ugu saraysa koomishanka doorashooyinka oo goobtaasi ku sugnaa, shaqaalaha goobta ayaa madaxwayne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha sharaxaad ka siiyay qaabka ay u socoto kaadh qaybintu.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo goobtaasi warbaahinta kula hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta ku dhaqan labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer inay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda waxaanu yidhi “Aad baan uga mahad celinayaa sida ay komishanku u diyaariyeen hawshan, waxan jecelahay in aan halkan fariin uga diro bulshada ku dhaqan labada gobol ee Maroodi-jeex iyo togdheer inay xil iska saaran qaadashada kaadhka codbixinta”ayuu yidhi Madaxwayne ku-xigeenku.

“Waxaa kale oo aan adkaynayaa arrinta nabadgalyada, iyada ooay I agjoogaan wasiirkii amniga qaabilsanaa iyo jannanadii ciidammadu, komishankii qarankuna innalajoogo, waxaan adkaynayaa muddada ay hawshu socoto xilku [ammaanku] wuxuu saaran yahay komishanka qaranka waa siidhi-wadaha rasmiga ah ee kala hagaya ummada, lama ogolaan karo mana ogolaan karno xisbi olole ka dhex wada [kaadh qaybinta] ama mid calaamado xisbi wata, amarkana waxaa ay ciidanku ka qaadanayaan komishanka, cidii ku xad gudubta ee olole ka dhex waddana waxaa ay komishanku u amran yihiin inay amraan ciidammada, hadhow yaan la odhan xukuumad baa cid xidh-xidhay  ama xisbi mucaarid ah iyo ku muxaafid ah xidhaye hala ogaado, maanta tartan innoo dhexeeyaa ma jiro ee ujeedo isku mid ah ayaynu u soconnaa”. Sidaa ayuuyidhi Md. Saylici

Intaa kadib  Madaxwayne ku-xigeenka ayaa soo kormeeray goobo kale oo si habsami ah uga socotay hawsha qaadashada kaadhka codbixinta doorashoyinka inagu soo foolka leh iyadoo ay bulshaduna si nidaamsan u qaadanayeen kaadhka codbixinta dorashada .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here