Imtixaanadkii Shahaadiga Ahaa Ee Fasalada Afaraad Iyo Sideedaad Oo Maanta Dalka Si Rasmi Ah Uga Bilaambay Iyo Masuuliyiinta Waxbarshada Oo Ka Warbixiyey

0
59

Hargeysa(Hubaal) -Imtixaanadkii Shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee dugsiyada sare iyo Fasalada Sideedaad ee Dugsiyada Hoose ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka gudihiisa.

imtixaanaadka

Masuuliyiinta sar-sare ee Wasaarada Wax barashada Somaliland oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magalaada Hargeysa ayaa waxaa ay ka warbixiyeen qabsoomida imtixaanadka iyo sida oo kale tirada Ardayda ah ee sanadkan u fadhiisatay

“Maanta waxaa bilaabmay oo bishu 21-tahay Imtixaanadii shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee Dugsiyada Sare ee fasalad Sideedaad ee Dugsiyada Dhaxe,waxaana ay ka bilaabmeen dalka darif ilaa darif tirada maanta imtixaanada u fadhiisanaysa maanta hadaan si guud idiinku sheego waa 7779-Arday oo dugsiga sare ah ayaa u fadhiisnayaa dugsiyada dhaxena waxaa u fadhiisanaya 13320-Arday”Ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax(Gadhwayne)

Wasiirka wasarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in meelkasta imtixaanadku ay ka socdaan,waxaana ay tidhi:

“Meel kasta oo xuduuda Somaliland ah Imtixaankii si wanaagsan ayaa uu uga socdaa waa ilaahay mahadii”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here