Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Muddo Kordhintii Golahoodu Sameeyey Ku Tilmaamay Mid Distoori Ah, Beesha Caalamkana Farta Ku Goday
Hargeysa (Hubaal)- Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) ayaa Ka hadlay wada hadallada u socda Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta Mucaaridka ah ee lagaga wada tashanayo khilaafka ka dhashay Muddo kordhintii guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Wakiillada.
Xaaji Cabdi Waraabe oo Shalay Waraysi Kooban Siiyey Weriyaha ROYAL TV uga warrama Hargeysa Weriye Feysal Maxamed Aadan (Fifa), waxa Xaajigu Meesha kaga saaray in Labada dhinac ee is hor fadhiyaa ay isku af gartaan Go’aan ka dhan ah Qaraarkii Guurtidu Cimriga ugu dheeraysay Xukuumadda. Sidoo kale waxa uu farta ku goday dhawaaqyada kasoo yeedhay Beesha Caalamka oo uu ku tilmaamay mid aan dan ugu jirin dawladnimada Somaliland isaga oo taas beddelkeedana ku eedeeyey Beesha Caalamku inay hagratay aqoonsiga Somaliland. Ugu Horeynse waxa Cabdi Waraabe u mahadnaqay baaqii ay Madaxtooyadu ku fidisay gogosha wada hadalka, iyo ogolaanshihii Mucaaridku kusoo dhaweeyeen “Marka hore Madaxweynaha oo fidiyey gogosha wada hadalku wuu mahadsan yahay, Xisbiyada Mucaaridka ah ee aqbalayna waa mahadsan yihiin, dabeecaddii la innagu yaqiinay weeye, murankuna wuu imanayaa, waa se in aan lagu kala tegin ee laga wada hadlaa, maantana meel cidhiidhi ah baynu maraynaa. Waxan idinku wacdiyayaa si wanaagsan ha loo wada heshiiyo” sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf, waxaanu intaa ku daray “Annagu Guurti ahaan xukunkii aanu ridnay mid aanu xaq u leenahay buu ahaa, in Guurtidu meesha ka baxdo in qalinkeedu soo galo, labadaas [mid ahaan] weeye”. Mar uu Xaajigu ka jawaabayay su’aal weriyuhu ka weydiiyey haddii labada dhinac isla meel dhigaan qaraar ka duwan ka ay Golaha guurtidu ansixiyeen, sida ay ula muuqato, waxa uu yidhi “waxba laga beddeli maayo, go’aanka aanu ridnay ee sida aanu u dhignay bay u socon doontaa oo lagu heshiin doonaa”. Dhinaca kale Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu ka hadlay dhawaaqyada laga soo weriyey Beesha Caalamka ee ku wajahan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, waxaanu yidhi “ waxba yaan la isu qar-qarin ee Caalamku ma ogola inaynu dawlad noqoba, iyagaa Koonfur gacanta ku haya, iyaga ayaa ictiraafkeennii gacanta ku haya, [Laakiin] xagga Illaahay bay ka iman doontaa kolka Caalamku ina ictiraafayaa, iyaguna danteena ma wadaan. Innagana laynoo yeedhin maayo dawladnimadeena oo Macalin macalin laynoo noqon maayo, wixii inna dhex mara ee [khilaaf ahna] inaynu hadal iyo isu soo dhawaanshiyo ku dhamaysanaa weeye”. Gebo gabadii waxa Xaaji Cabdi Waraabe talo siiyay hoggaanka dalka iyo madaxda siyaasadda gaar ahaanna mucaaridka waxaanu yidhi “ Dawladda raggeenaa u madaxda ah ee haddii aad isu tagtaan [Mucaaridka] hadalka wanaajiya oo heshiiya, Hadalkana abbaara”