“In Lagu Mucaarido Mashruuca DP World Anigu Diiday, Haddii Ay Wax Ka Qaldan Yihiinna Waxa Ka Xun In Gebi Ahaanba La Waayo”

0
34

W/Q: Cali Gurey

cali gurayTaa nasiib darro ka wayni ma jirto aniga xagayga. Reer baa cadhaysan oo taageeradooda lagu helayaa in la diido maalgashiga Berbera ha diido oo isagu ha ku helo ka ku helayaa; lakiin aniga taariikhda ii gelimayso in aan ka soo horjeedsaday Maalgashiga DP World mar hadii aanan arkayn wax dhaama oo aan ku doorsado. Hadalka Xildhibaan Siciid iyo inta xisbigiisa ah ee qaylada dheer afka gacanta wada saartay hiil ha u qaadato cidii ay hiil u noqonayso aniga hadalkaygana ha u qaato ka u qaadanayaa in aan ka hiiliyay. Taariikhda ayaa sheegi doonta.

Mashruucan kuwa dheefta gaarka ahi ugu jirto, way jiraan eh, anigu kuma jiro oo mucaarid baaban ahay. Hadii la waayo lafteedana anigu wax gaar ah kuma waayayo. Xataa hadii la diidayo oo reernimo lagu diidana waa haduu sii go’ay. In badan oo runta og ayaan ku dhici karin inay ka badheedhaan oo meel cad iska taagaan lakiin anigu waan qaldanaan karaa balse weligay wax aan qabo ma qarsan oo ugama waabanin waxa lagu moodi, waxa loo qaadan, hebel iyo reer habel baa ka cadhoon. Mar kasta hadana hadii aan qaldanahay waxaan ogolahay in la i saxo.

DP WORLD PROJECT

In la ogolaado Mashruuc wax ka qaldan yihiin waxa ka sii xun in la diido oo gebi ahaanba la waayo. In la ogolaadaa maaha xaaraan maqdac ah, ee waa talaabo xaga wanaagsan loo qaaday, hadii uu ka badbaadi karo musuqmaasuq, qabyaalad, eex iyo qaraabo kiil marka uu bilaabmo wejigiisa fulintu oo ah ta aniga werwerka ugu wayn aan ka qabo waayo waxan madaxa ku hayaa sidii loo fashiliyay Mashruucii Sahanka Saliida ee GENEL.

Berbera cid aan u haynin wax u dhaama Mashruuca DP World ka dhegaysan maayo aan diidno hadaynu Somaliland waayo waa kanna ha la waayo ku kalena ma hayno eh dan ma u tahay Somalind iyo gaar ahaan Berbera. Anigu maya ayaan leeyahaye bal kuwa leh haa ha inoo faahfaahiyaan khayrka inoogu jira hadii aynu diidno aynu kuba raacno eh.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh masuuliyiinta xukuumadda ee kolna reer la faqaysa kolna dhalinyarada jaamacadaha qaar ka soo naqaysanaysa kol dad ay si gaar ah wax ugu laabeen oo odayaasha dhaqanku ka mid yihiin adeegsanaysa waxa ka fiican inay badheedho oo wax garadku iyaga iyo inta ag joogta uun maaha muxaafid iyo mucaaridbana way leeyihiin wax fahamsiiso oo lagala doodi karo. Waxa kale oo jira kuwa aan siyaasiyiinta ahayn oo aqoonyahan ah muxaafid iyo mucaaridka aan midna ahayn kana aqoon badan oon xisbiyoba ku jirin iyagana waynu leenahay waanay buuxaan dalkana way joogaane maxa indhaha looga lalinayaa oo xalaal duhur baa qashayaaye loogu bandhgi waayay ee loogala warwareegayaa. Niman xilal aanay ku haboonayn haya oo la wada yaqaano cid ay wax u sheegi karaan iyo cid wax ka dhegaysanaysa midna ma jirto. Sida ay dadka wax ugu sheegi karaan oon ahayn inay kala xadaan oo kolba in gaar ula faqaan kol kaleba intii isku reerka ahayd ardaayo u sii kala guraan oy isku diraan waxan ahayn garan maayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here