“In Maanta Uu Cilmi Innooga Yimaado Addis Ababa, Xamarna Xabbadi Innaga Timaadaa Waa Nabsi”

0
50

Eng Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hubaal):-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay qodobo la xidhiidha midawgii Xamar, faraqa u dhaxeeya Xamar Iyo Adis ababa ee reer somaliland ku qiimayn karaan, fikirka Somali weyn iyo qodobo kale oo xiiso leh. Gudoomiyaha Ucid oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacada Addis Ababa Medical College ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dariiqada loo mari karo ictiraafka somaliland. faysal cali waraabeUgu horayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya midawgii Xamar iyo soonaha shanaad ee Ethiopia ayaa waxa uu yidhi “Waxaad ogaataan in wixii ina geeyey Xamar inaanay ahayn inaynu doonano muus laakiin waxay ahayd inaynu Ethiopia xoog u doonano aynu ku qabsano soonaha shanaad, shanta somaliyeedna waxa ugu muhiimsan soonaha shanaad, soonaha shanad waxa uu inagu yahay sida ay ruushka ku tahay bariga Ukrain, dadkeena 60% ayaa ku nool xil ayaana inaga saaran, waxaanay ahayd inaynu helno oo cudud qaadano shanta somaliyeedna isku keeno.” Sidoo kale waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe sheegay faraqa u dhaxeeya Adis Ababa iyo Xamar ee ay reer somaliland ku qiimayn karaan waxaanu mar kale yidhi “Wuxuu ilaahay qadaray maanta in Addis Ababa cilmi inooga yimaado Xamarna xabadi inagaga timaado waana nabsi, imikana hadii soonaha shanaad maalin xadka laynaga xidho waynu dareemaynaa laakiin Xamar 25 sanadood ayeynu ka maqnayn oo cidi may dareemin sidaas ayaanay inoo kala jiraan, muuskii Xamar wuu iska yimaadaa wax kale oo khayr lihina kamuu iman jirin.” Gudoomiye Faysal waxa kale oo uu ka hadlay fikirka Somali Weyn waxaanu sheegay in fikirkaas dhamaaday waxaanu yidhi “Marka aad maqashid Somali weyn waxay soo baxday sanadkii 1945 markii dagaalka labaad ee aduunku dhamaaday waxaanay ahayd fikrad uu waday ingiriisku oo uu doonayey inuu ku qabsado shanta somaliyeed ee geeska Afrika, Djabouti, Somaliland, Somaliya, Soonaha Shanaad iyo NFD, reer Somaliya waxay u badaleen Somali weyn waxaanay ka dhigeen somaliland iyo Somaliyadii Talyaaniga markaa wax Somali weyn la yidhaahdaa ma jirto, Somali weyn himiladeedi waxay dhamaatay 1977-kii markii aynu Ethiopia dagaalka ku qaadnay ee laynaga soo saaray ee laynagu yidhi xeerkii aduunka ayaad jabiseen maalintaas ayaa dhas biinka lagu tuuray qolo kastaana waa taas meesheedii ku badhaadhay.” Ugu danbayntiina waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka hadlay dariiqada loo mari karo ictiraafka somaliland waxaanu yidhi “Maanta dalkeena hadii aynaan qaadan go,aankii Burco lagu gaadhay jaamacadahaas maynu yeelaneen waayo waa laynoo talinayey nin loo talinayaana waxba qabsan maayo, imikana inaga ayaa talin doona waxaanan rajaynayaa inuu dalkeenu noqdo dal waara oo aduunka ka qayb gala ictiraafkana helna, waxaynu ku helaynaa ictiraafka inaga oo gacmaha is wada qabsana oo is jeclaana ilaahayna u mahad naqna, ictiraafkana ilaahay ayaa haya ee maraykan ma hayo, ilaahay amarkiisa hadii aynu raacno oo aynu iska dhaafno fusuqa,xasadka iyo qabyaalada ictiraafka wuu keeni doonaa waanu ku qasbi doonaa adoomadiisa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here