Madaxweyne Siilanayo oo Istiqaalladii Wasiir ku xigeenka cusub ee Kalluumaysiga ka hadlay
“In Muwaadinka Qaran Loo Magaacaabo Xil Waa Maamuus [Haddana] Waxaan Soo Dhaweynayaa Go’aankaaga Ah In…..”
Hargeysa (Hubaal)- War-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynuhu Eng. Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa lagu sheegay aqbalaad uu madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay istiqaalladii wasiirku xigeenka cusub ee kalluumaysiga ee uu dhawaan magacaabay Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Warsame, kaasi oo ka cudur daartay inaanu xilkaas qaban karin. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal waxaa isaga oo dhamaystiran uu uqornaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Ujeeddo: Istiqlalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudane,
In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.