“Waan Hambalyaynayaa Axmed Ismaaciil Samatar, Waxaanan Jecelnahay Inuu Wax Badan Ku Soo Kordhin Doono Qaranka Iyo Xisbigaba, Cali Khaliifna Waxaan Leeyahay…..”-Eng. Feysal Cali Waraabe,
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali WAraabe ayaa Markii u horreysay ka hadlay aragtidiisa ku wajahan in Axmed Ismaaciil Samatar ku biiro xisbiga talada Hayo ee KULMIYE. Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sheegay inuu hambalyo u dirayo Axmed Ismaaciil Samatar waxaanu yidhi “Haddu Xisbigii talada Hayay ee kulmiye Ku Biiray waan Hambalyeenaynaa, waxaa weeye qofku markuu akhriyo xeerka iyo markuu eegay shaqadooda hadduu kaa door biday waanu Hambalyeenaynaa, Meel shishe muu tagine saddexdeeni xisbi qaran mid ahaan ayuu tagay, waxaan jecelnahay in uu wax badan ku soo kordhin doono Qaranka iyo Xisbigaba..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe. Gudoomiye Faysal ayaa ku Biirista Prof Smatar ee KULMIYE ku tilmaamay tusaale fiican, isagoo ugu baaqy Cali Khaliif Galaydh in uu joojiyo Dagaalka oo uu Prof Samatar ku daydo .“ Waxaanay noqon doonta tusaale fiican insha allaah, Cali Khaliif-na waxaanu leenahay iska daa dagaalka iyo in adoo da’daa ah hub qaadato, oo Axmed Samaar ku Dayo ..” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo shalay Wareysi siiyay Star TV. Ugu Danbeyntii Gudoomiyaha ayaa cod dheer ku sheegay in ay haboontahay in la isku ixtiraamo aragtiyayaha .“ Qofku aragtidiisa xor-buu u yahay, in lagu ixtiraamana xaq-uu u leeyahay ..”