ka hor ayay ahayd markii aan ku arkay qaar ka mid ah Joornaalada iyo mareegaha afka soomaliga lagu qoro maqaalo taxane ah oo uu qoray Maxamed Cabdi Daauud summadna uu uga dhigay Muyuusiga Iyo Heesuhu Ma Xaaraanbaa!
Maalmo ka hor ayay ahayd markii aan ku arkay qaar ka mid ah Joornaalada iyo mareegaha afka soomaliga lagu qoro maqaalo taxane ah oo uu qoray Maxamed Cabdi Daa’uud summadna uu uga dhigay Muyuusiga Iyo Heesuhu Ma Xaaraanbaa!
Taxanahaa qoran kolkii aan dul istaagay waxa iisoo baxay inuu ahaa maqaal qoraalkiisa aan aad looga fiirsan isla markaasna aad moodo in arrimo kale oo badan ay dabada ka riixayeen sidaan dib ka sheegi doono
Dhanka kale qoraalkan waxa si aad u cad uga muuqata inaan wax baadhitaan ah laga samayn qoraalkiisa sida dhaqanka u ah dadka wax qora oo uu
ka mid yahay qoraagu, iyada oo arrinkaasi ka muuqanayo sida uu Ina Daa’uud martida ugu yahay hal wadaad kaliya bilawga ilaa dhammaadka qoraalka taasina waa mid kasoo horjeedda milgaha qoraalka iyo cadaaladda wax qorista, mudnaan lahaydaa inuu Ina Daa’uud dhawro oo uu ixtiraamo maskaxda akhristaha oo aanu u qorin qoraal oo kasoo guuriyay waraaqo ku qoran luqad kale.
Waxa iyaduna aan indhaha laga qarsan karin in qoraalkan ay ka muuqato cadaawad iyo cadho badan oo qoraagu uu u qabo cid gaar ah iyo waliba weerar ba,an oo uu ku qaadayo ciddaas isagoon meel saarin waxa uu ku haysto sida aan dib ka sheegi doono
Markii aan intaas iyo inkaloo la mid ah dhaayaha saaray ayaan u holladay inaan qalinka qaato oo arrimaha uu qoraagu sheegay si aqoonaysan oo baadhitaan ku ladhan yahay aan uga jawaabo aniga oo aaminsan arrimaha uu ka hadlay qoraagu inbadan oo ka mid ah inaanu aqoon u lahayn amaba uu si badheeh ah isu diidsanayo.
Sidoo kale waxaan akhristaha soo hordhigi doonaa dhawr arrimood oo ku saabsan taariikhda iyo diinta oo uu ka beensheegay Maxamed Cabdi Daa’uud, Sidaas iyo bilow wacan
Qodobka Koowaad:
Waxa uu qoraagu ku ballaysimay qoraalkiisa xadiis laga sheegay Mucaad Bin Jabal markii nabigu uu u diray dalka yaman in uu nabigu waydiiyay “Maxaad yeeli doontaa haddii garsoor lagu waydiiyo” iyo jawaabtii uu mucaad bixiyay, waxa uu hadaba intaa sii raaciyay qoraagu isagoo muujinaya fahanka wanaagsan ee uu quraanka iyo xadiiska u leeyahay “Marka si fiican oo xeel dheer loo fahmo Quraanka iyo xadiiska nabiga intiisa sugan, waxa af-yeelanaya fahamka dhabta ah ee diinta Islaamka”
Waxa su’aashu ay tahay tolow ma baadhay Maxamed Cabdi Daa’uud xadiiska uu soo qaatay inuu sugan yahay iyo in kale? Mise kol haddii halkii uu rabay uu ula socdo baadhitaan uma baahna?
Akhriste xadiiskaa kor ku qoran ee qoraagu uu hadalka ku bilaabay waxa kutubtooda kusoo saaray Imam Axmed, Daarami, Abu Daauud iyo Tirmidi waxana culimada xadiiska ee la yaqaan ay tilmaameen inuu yahay xadiis sanadkiisu (dadka is-daba taxan ee midba kakale kasoo qaaday) liito oo aan sax ahayn qofka u tiiriya Nabi Muxamadna uu yahay mid ku been abuurtay Rasuulka NNKH
Ibn Xasm oo ah ninka uu qoraagu martida u ahaa maqaalkiisa ayaa isna xadiiska markuu ka hadlayay waxa uu ku sheegay inaanu xadiiskaasi ansixin waxana ku jira sanadkiisa Al-xaarith Bin Camar oo ah nin aan la aqoon, waxana uu sii raaciyay Ibn Xasm in xadiiska ay ku jiraan niman reer Ximsi ah oo aan la magacaabin, isku soo xooriyoo waa xadiis aan jirin ee Ina Daa’uud muxuu ka yeeli tolow?!!
Qaybtaa waxaan ku xidhayaa “Biyahaan horaantoodu arkaa dabadoodu waa huubo”
Qodobka Labaad:
Waxa uu qoraagu soo qaatay Sh Maxamed Al Qasaali iyo kitaabkiisa “Sunaha nabiga sida ay u kala arkaan dadka xadiiska bartay iyo kuwa ku sifoobay fahmo-badnidu” waxana uu sheegay inuu kitaabkaasi ku guulaystay abaal-marinta khayriyada boqor Faysal oo uu qoraagu sanado badan ka shaqaynayay, intaas kadib wuxuu weerar ku qaaday mad-habka uu ku magaacabay wahaabiyada oo uu yidhi waa mad-hab lacagi dabada ka riixayso
Wahaabiyada uu sheegayo qoraagu waayo tolow? Magacani halkuu ka yimi? Yaa bixiyay? Maxay aaminsan yihiin? Waa su’aalo badan oo u baahan in laga jawaabo si qofku uu u garto xaqiiqada dhabta ah ee ciddan weerarku ku socdo, waxaanan filayaa su’aalahaas iyo kuwa la mid ah hadii qoraaga la waydiiyo inaanu jawaab u helayn ee kaliya cid nacayb laabtiisa gubaysaa ay u gaysay inuu sidan u weeraro.
Qodobka Saddexaad:
Waxa intaas kadib uu qoraagu u gonda dagay arrimo aad u xaasaasi ah oo uu sheegay inuu kitaabkaasi qoray waxana ka mid ah “arrimaha dumarka iyo diinta, xijaabka dumarka, markhaatiga haweenka, wuxuu kaloo sheegay in kitaabkaasi ifinayo beenta lasoo wariyay ee ah “Jin Baa Dadka Gala, iyo Nabigaa la sixray oo la saameeyey”, wuxuu sii wadaba wuxuu kusoo gunaanadayaa “Muusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraanbaa Mise Waa Xalaal”
Anigoon aad ugu sii dheeraanayn waxaan si fudud isu dul taagi doonaa dhawr qodob oo hadalkaas ku jira, marka laga yimaaddo arrimaha haweenka oo aanan fahmin meesha uu ka taagan yahay qoraago isna aanu cadayn waxaan wax yar eegi doonaa arrimahan:
1. Wuxuu yidhi “beenta lasoo wariyay ee ah Jin Baa Dadka Gala”, waxaan leeyahay Ina Daa’uud been maaha waa arrin ku sugan Quraanka iyo xadiiska nabiga labadaba, haddii uu dood ka qabo qoraagu waqti kale ayaanu u dhigane aan hal xadiis soo qaato waa xadiiska uu wariyay Cismaan Bin Caas athaqafi waxa uu yidhi “waxaan uga ashkatooday Rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee inaan quraankii ilaawayo, kadib gacantiisa ayuu nabigu laabta igaga dhuftay waxana uu yidhi “Shaydaanoow kabax laabta Cismaan” saddex jeer ayaanu sidaas sameeyey waligay danbana quraan maan illaawin.
2. Wuxuu yidhi “beenta lasoo wariyay ee ah Nabigaa la sixray oo la saameeyey”, waxaan leeyahay ina Daa’uud malaha tafsiirka Quraanka waayahaa maad akhriyine cilmiga sheega soo degitaanka aayadaha Quraanka waxa lagu sheegay in labada suuradood ee “Qul acuudu birabi naas iyo Qul acuudu birabil falaq” ay kusoo dageen kolkii nabiga yuhuuddu ay sixreen waa sida uu sheegay Imaamka wayn ee tafsiirka Imaam Suyuudi waxa kale oo xadiis saxeex ah oo Imaam Bukhaari uu warinayo ku sugan in Caaisha Ilaahay haka raali ahaadee ay tidhi “Nabiga waa la sixray jeeroo uu ka gaadhay inuu u maleeyo inuu waxyaabaha qaar samayeeyey isagoon samayn…” Intaas kaliya maaha ee haddii uu aqoon u leeyahay Ina Daa’uud ama uu dood ka qabo aynu dib ugu dhiganno waqti kale.
3. Muyuusiga iyo heesuhu ma xaaraanba waa qaybta Mucda u ah qoraalka uu Maxamed inala wadaagay waana halkii aynu u soconay waxaanan u gaar yeelaayaa Qoraal goonni ah oo kan ku xigi doona haddii Rabbi ogalaado
Maqaalkayga qaybta koowaad waxaan kusoo afmeerayaa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu isku qaaday wax aanu aqoon u lahayn waxana uu ka been sheegay taariikho kooxo iyo dad hore oo adduunka soo maray sida marka uu leeyahay isagoo faahfaahin ka bixinaya Ibn Xasm Al-Andalusi “Wuxuu ka tirsan yahay af-hayeen iyo Mujadidna u noqday Mad-habka la yidhaa “Daahiri” ee u heelan cilmiga axaadiista iyo ururintooda” waxaan aad u laayabay tolow Ina Daa’uud ma garanayaa waayo Daahiriya? mise waa uun iska dheh oo qoraalka ku buuxi, mase ogyahay tolow in mad-habkani yahay mid dhanka fiqiga ka faallooda ee aan ahayn mid xadiiska shaqo iyo shuqul toona ku leh!!
Maaha arrimahan aan soo tilmaamay oo kaliya meelaha uu dhex fadhiistay Ina Daauud ee waxa jira arrimo badan oo warfaafinta iyo meelo la isugu yimaaddo uu ka yidhi oo dib ugu noqosho u baahan
Akhriste waa inoo maqaalkan qaybtiisa labaad ee “Muyuusigu Waa Xaaraan…”
Rabbi Xaqqa hayna waafajiyo .. Raxmadda Rabbina haydin rushayso
Xamse M. Cumar-Kujoog