“Inaad Tayada Ilaaliso Waxa Ka Horraysa Inaad Heer-tayeedyo Yeellato Illaa Immikana Sheybaad Qarayn Maynu Helin”

0
34

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Oo   Sheegay Inaanay Qalabkii Tayada Baadhi Lahaa Haysan

hayada-dhawrista-tayadaHargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Md. Cali Maxamed Biikale, ayaa shaaciyey inaanay hay’adda uu madaxda ka yahay weli ku guulaysan inay dalka keento agab si buuxda loogu baadho waxyaabaha dalka soo gelaya oo ay cuntadu ugu muhiimsan tahay.

Guddoomiye Biikalo oo ka hadlayey madal ay hay’adiisu kulan-hawleed ku lahayd, ayaa hoosta ka xarriiqay inaan weli agabkaas dalka la keenin, balse ma uu xusin sababta ay ugu dhiirran waayeen inay qalabkaas oo baahi weyn waddanku u qabo u keeni waayeen.

Isaga oo arrintan ka hadlaya, ayaa waxa hadalladiisi kamid ahaa “ilaa imika maynaan helin shaybaadh qaran, ama qalabkii tayada lagu ilaalin lahaa, laakiin inaad tayada ilaaliso wax aka horrayso inaad heer-tayeedyo yeelato” sidaas waxa yidhi Md. Cali Maxamed Biikalo.

Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland oo la aasaasay isla markii uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay, ayaan ilaa maanta wax tallaabo ah hore u qaadin, waxana dalka si xawli ah loosoo geliyaa cunto, daawooyin iyo agab kale oo bilaa tayo ah, isla-markaana aan la aqoonsan Karin cidda soo saartay iyo meesha laga keenayba.

Halista ugu weyn ee umadda maanta haysata, ayaa ka taagan dhinaca cuntada, waxana si joogto ah waddanka maalinkasta usoo gala cunto caafimaadka bulshada halis ku ah, waxana muuqata inkasta oo ay xukuumaddani hay’addan abuurtay haddana inaan wax tallaabo ah hore loo qaadin oo ay hay’addani tahay mid fadhiid ah oo aan dalka waxba u qabanin muddadii ay jirtey.

Ma muuqdo wax isbeddel ah oo lagu sameeyey cuntooyinka iyo daawooyinka waddanka lasoo geliyo, waxana soo baxaya warar sheegaya in xataa raashin wakhtigiisii dhammaaday waddanka la keeno, isla-markaana meelo dekedda Berbera ku yaalla oo caan ah raashinka lagaga beddelo jawaannada ay taariikhdu ku xusan tahay, iyada oo agu shubo kuwo ay taallo taariikh aan weli la gaadhini.

Hadalka kasoo yeedhay hoggaanka  hay’addan, ayaa muujinaya inaanay weli dalka waxba u qabanin, iyada oo sii laba jibaartay fadhiidnimadeeddii, waxana xusid mudan in umadda lagu daawanyo raashin, Biyo iyo weliba cunto bilaa tayo ah oo lacago jaban lagu soo daldalanayo, iyada oo awood loo leeyahay in lasoo iibiyo agabka hawshaas oo dhan lagu qaban kari lahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here