HALKAN KA AKHRI: Taxanaha Qormooyinka Falanqaynta ah Ee Wargeyska OGAAL Oo uu Doorkan Cinwaan Uga Dhigay “Somaliland: Dhooy, Dhooy, Dhooy, Dhooy, Dhooy!!!!”
“….Inaadeerkay oo ordaya ayaa ii yimi oo igu yidhi, inaad naftaada la baxsataa waa jaanis, Sidaas darteed, goor aan hadhna ahayn, habeen-na ahayn ayaan ka soo cararay”.
“…Shalay waxaan dadka ugu necbaa kii nasteexa ii ahaa ee runta ii sheegayay, maantana isagaan dadka ugu jeclahay, kuwaan shalay ugu jeclaana waan ugu necbahay”
“Dabcan qof kasta oo madax ah waxa wanaagiisu ku jiraa, inuu dhegaysto dhaliishiisa oo uu saxo inta uu kursiga ku fadhiyo, una arko toosin waxtar u ah marka dhaliishiisa si waafaqsan wanaaga loogu soo gudbiyo”.
Hadaad qurux badan tahay, oo aad garanayso quruxdaadu siday ku sii jiri lahayd, hubaal bilcdaadu way sii jiraysaa. Laakiin hadaanad garanaynin sidaad u sii bili lahayd, isla markaana aad iska basrin waydo waxyaabaha qurux tirka kuu horseedaya, quruxdaadu sii jiri mayso. Ma hurtada ka danbaysaana waa inay fool xumo bilicdaada dumaasho. Haatan Somaliland wax ay leedahay weji qurux badan, hogaamiyayaashii soo marayna midba meel buu dhabankeeda soo gaadhsiiyay. Madaxweynaha waqti xaadirkan taladda hayaanna meeshii ay taalay markuu talada la wareegay kor buu uga hinjiyay, marka loo eego waxqabadkiisa. Hase yeeshee taa macnaheedu maaha, dhaliil ma laha. Waayo, qof shaqeeyay oo hawl gacanta kula jiraa khalad wuu gelayaa, waxna way ka leexan karaan, balse waxa muhiim ah inuu dhaliishiisa dhegaysto, dabadeedna saxo. Sidaa daraadeed, dadka dawladda dhaliilaa waxay rumaysan yihiin, in maamulka KULMIYE leeyahay gol daloolooyin badan oo aanuu kii Udub lahayn, isla markaana dhaliilo uu lahaa kii Udub, uu ka nabadgalay kan Kulmiye.
Sidoo kalena ay jiraan dhaliilo badan oo ay wadaagaan xukuumadihii Somaliland soo maray ilaa waqtigan. Kuwaas laga siman yahay waxa ugu wayn ku dhaqan la’aanta sharciga. Musuqa iyo maasuqa ayaa isna la tilmaamaa inuu yahay caado layskaga mid yahay. Sidoo kale eexda iyo cadaalad darada ayaa iyana ah qodob kale. Labadan ugu danbeeya iyo xumaan kasta oo ku taxanba waxa koriya ama barbaariya, isticmaal la’aanta sharciga. Laakiin haddii sharciga siduu warqadda ugu qoran yahay loo fuliyo, oo madax mijo loo sinaado, la arko madaxweyne, wasiir, taliye iyo madax uu qabtay, waxa la yidhaahdaa xumaantu way gaajootaa, aakhirkana hadaan laga jimcin sidaasay ku dhimataa.
Hase ahaatee, hadduu qabto oo keliya dadka jilicsan, taa macnaheedu kama dhignaan karto cadaalad, balse waa ta loo badan yahay ee dunida habsaantay oo dhami ka siman tahay. Mar haday sidaa tahayna, shar oo dhami waa fayras firfircoon oo shaqaynaya, soomaalidana dhaqan ahaan wax baa u dheer oo qalooca la mataaneeyay. Hase yeeshee quustu xal maaha, ee waxa muhiim ah in la saxo hadba inta la awoodo. Waayo, waxa jira, boqolaal dhaliilood oo aan kuwa waawayn ee dagaalka adag u baahanba ahayn, balse lagu toosin karo amar iyo talaabo la qaado. Tusaale ahaan, hab maamuuska dawliga ah ee madaxdu, ma wuxuu u baahan yahay halgan dheer oo la galo iyo malaayiin doolar oo la kharsh gareeyo, mise waa wax ku siman in warqad cad lagu qoro oo la yidhaahdo, kala danbaynta maamuuska xukuumaddu waa sidaa..
Xiligii Soomaaliya, gaar ahaan waagii millaterigu xukumayeen, marka laga tago madaxweynaha iyo ku xigeenka, wasiiradda waxa maamuuska koowaad lahaa, wasiirka cadaaladda, ka labaadna Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, sidaasay isu daba joogeen. Somaliland dhawr iyo labaatankan sanno ee jirtayna waxa la malayn karaa, in wasiirka madaxtooyadu leeyahay xurmada koowaad ee golaha wasiiradda, hase yeeshee, ma kala cada inuu jiro (protocol) qoran iyo in kale. Sababtoo ah hadduu jiro lama arkeen shaqaalaha oo mijo iyo madax kala hororsanaya madaxweynaha hareerihiisa marka sawiradda laga qaadayo, iyadoo masuuliyiintii xaqa u lahayd midba meel kale taagan yahay. Si taa loo suuliyana waxa loo baahan yahay, in la dejiyo hab maamuus qaran(national protocol) oo qoraal ah, oo wasiir kastaaba og yahay halka uu kaga jiro.
Khibradii Mukabera
Maykal Mukabera wuxuu mar madaxweyne ka ahaa wadanka Burundi ee xaruntiisu tahay Bujunbura. Sheekadan kooban oo aan ka soo dheegtay nin aanu saaxiib nahay oo ay Mukabera ku kulmeen magaaladda Muqdisho 1979, waqtigaas oo uu magangelyo siyaasadeed ugu noolaa soomaaliya kadib markii laga tuuray taladii dalkiisa, waxay muujinaysaa aragtidiisii labadaa xili. Markii uu talada hayay dadka intii uu ugu jeclaa iyo kuwii ugu necbaa. Sidoo kale markii la riday kadib wixii iska bedelay jacaylkiisii iyo nacayb kiisii hore. Wuxuu yidhi, “ Markii aan kursiga ku fadhiyay ee aan talada hayay dadka waxaan ugu necbaa Inaadeerkay. Ninkaasi muddo markuu iga maqnaadaba mar buu ii iman jiray. Laakiin weligii war farxad leh iimuu keenin. Mar kasta dhibaato iyo waxaasaa jira iyo waxaasaa khaldan ee iska hagaaji, wax aan ka naxo uun buu ii keeni jiray. Waan karhay, waan la coloobay. Berigii danbe markuu soo galaan rag kale oo dawladda ka tirsanaa oo aan aad u jeclaa, dhegaysiga warkoodana xiisayn jiray u yeedhi jiray, si aanuu u helin jaanis uu wararkaa naxdinta leh iigu sheego, ama talo igu siiyo. Sababtoo ah markuu warka I siiyo talana wuu ii raacin jiray. Laakiin waxaa dheg uma lahayn. Hase yeeshee saaxiibadaan xilalka u magacaabay kuwaan ugu jeclaa waxay ahaayeen, kuwa iigu dhaw dhaw. Waxaan ku jeclaaday wax kale may ahayn ee waxay ii sheegi jireen war farxad leh. Dadkii waa maqsuud, jacaylka iyo maxabada ay dawlada u qabaan waad yaabaysaa, madaxweyne lagaa jecel yahay weli Burundi ma soo marin, maalin walba carab malablayaashaa ayaan hadalkooda ku seexdaa. Anigoo is biday oo isla booday oo beentaa rumaystay, runtiina been u haysta ayaa waqtigu korkayga yimi oo xaqiiqdii I hor timi. Inaadeerkay oo ordaya ayaa ii yimi oo igu yidhi, inaad naftaada la baxsataa waa jaanis aad weli haysato. Sidaa darteed, goor aan hadhna ahayn, habeena ahayn ayaan ka soo cararay.
Shalay waxaan dadka ugu necbaa kii nasteexa ii ahaa ee runta ii sheegayay, maantana isagaan dadka ugu jeclahay, kuwaan shalay ugu jeclaana waan ugu necbahay. Haatan waxaan u malaynayaa duruuftaan shalay ku jiray inay ka jirto Soomaaliya, Maxamed Siyaad na ay dhegihiisa haystaan hoojiyayaashii hog seega iga dhigay”.
Dabcan qof kasta oo madax ah waxa wanaagiisu ku jiraa, inuu dhegaysto dhaliishiisa oo uu saxo inta uu kursiga ku fadhiyo, una arko toosin waxtar u ah marka dhaliishiisa si waafaqsan wanaaga loogu soo gudbiyo. iyadoo falanqaynta wargeyska Ogaal ee dhinaca wasiiradda iyo dhaliilaha jira aanu gadaal ka soo celin doono, xog ururin socota awgeed, hadana waxaanu qormadan ta xigta, haddii Eebbe idmo ku lafa guri doonaa, xeerarka is barkan ee diiwaan gelinta madaniga ah iyo ta cod bixiyayaasha oo u muuqda mawduuc muran wayni ka aloosan yahay. Sidaa aawadeed, waxaanu qormooyinka danbe ku soo bandhigi doonaa wixii jira, si dadku u fahmaan waxa socda….