INDIA: Awr Qudha Ka Jaray Ninkii Lahaa Oo Waqti Kulul Ku Illaaway Geed Uu Ku Xidhay

0
63

Hargeysa (Hubaal)-Awr cadhooday ayaa qudha ka jaray ninkii lahaa, kadib markii uu madaxa ka qaniinay, isla markaana inta uu kor u qaaday dhulka ku dhuftay, iyadoo falkan naxdinta leh dhacay waqti ninka dhintay isku dayey inuu awrkiisa ka furo geed uu ku xidhnaa maalin dhan, xilligaas oo cadceedduna aad u kululayd.

Sida lagu baahiyey wargeyska Times of India ee ka soo baxa dalka Hindiya oo MK soo xigtay xalay, falkan ayaa ka dhacay waddanka Hindiya oo xaraaradda kulaylka qoraxdu aad u sareeyo maalintii Sabtida ee toddobaadkan, waxaannu Awrku qoorka ka jabiyey ninka isku dayey inuu ka furo xadhig geed ugu xidhnaa, halka uu sidoo kale dabar kaga xidhay lugaha si aannu uga baxsan, balse, maalintii oo dhan ayuu awrku ku xidhnaa goobta oo kulaylkuna aad u sarreeyo.awr

Ninka dhintay, ayaa la sheegay inuu gurigiisa ku qaabilay dad marti u ahaa oo saacado badan la joogay, isagoo xilli dambe xasuustay in awrkiisu ku xidhan yahay meel u dhaw gurigiisa, laakiin markii uu u baxay inuu ka furo xadhigga, una kexeeyo meel qabaw oo hadh ah, ayuu Awrku weerar ku qaaday, waxaannu isla markiiba qabtay madaxa, isagoo kor u dhuftay, kuna tuuray dhulka, iyadoo daqiiqado gudahoodna naftu ka baxday ninka Hindiga ah.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in awrku aad u gaajooday, dhibaatana ka gaadhay kulaylka xooggan ee waqtigan ka taagan degaanno badan oo dalka Hindiya ah, waxayna arrintan muujinaysaa in sida xooluhu amma geelu cadaawad ugu qaado dadka leh haddii ay dhibaato gaadhsiiyaan, taasoo sababi karta inay halis geliyaan nafta bani’aadamka.

Sida saxaafadda Hindiya faafiyey ilaa 16 qof ayaa u geeriyooday kulayl xad-dhaaf ah oo ka jira degaanno badan oo dalkaas ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here