Cabdicasiis Maxamed Samaale Oo Ka Hadlay Qaraarkii Shalay Qalinka Lagu Duugay Ee KULMIYE, Kuna Adkaystay Hankiisii Musharraxnimada
“Waxaan Ka Mid Ahay Dadka Marxaladihii Uga Adkaa Kala Soo Dabbaashay KULMIYE, Taasina Waxay Isiinaysa Inaan Wax Badan Ku Leeyahay Xisbiga….Waxaan Mar Kale Ku Celinayaa Inaan Ahay Musharrax U Tartamaya Madaxweynaha Xisbiga”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in uu taageersan yahay qaraarkii laga soo saaray khilaafka KULMIYE. Cabdicasiis Samaale oo xalay waraysi kooban gurigiisa ku siiyey Telefishanka Star ayaa soo dhaweeyey waanwaanta la sheegay in madaxweynuhu ku dhexdhexaadinayo musharraxiinta KULMIYE. Garabka uu hogaaminayay Muuse Biixi Cabdi iyo garabka uu hogaaminayay Maxamed Biixi Yoonis, ayaa heshiis ka gaadhay khilaafkii Xisbiga, waxayna isku raaceen in dib u eegis lagu sameeyo wixii hawlaha qabanqaabada shirka golaha dhexe laga qabtay, sidoo kalena guddi hogaanka xisbiga ka koobani qabanqaabiso shirka golaha dhexe, islamarkaana shirka golaha dhexe noqdo mid lagu tartamo. Musharax Cabdicasiis Samaale oo kulankaasi ka maqnaa ayaa telefishanka Star u sheegay inuu ku qancay natiijada kulankaasi “ Waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo go’aanka xisbiga gudihiisa lagu gaadhay oo runtii aanan joogin oo khilaafkii xisbiga ka jiray lagu dhammeeyay. Waxaan jecelahay inaan taageerayaashayda u sheego inaan boqolkiiba boqol aniguna raali ku ahayn go’aankaasi, inkasta oo aanan goobta joogin oo aan ka maqnaa, aanan ogayna runtii munaasibadaas xarunta xisbiga ka dhacaysay,” ayuu yidhi Cabdicasiis. Qoddobka xusidda mudan ee Md. Samaale ka dhawaajiyey ayaa ah in aanu mawqifkiisii is beddelin isla markaana uu weli u taagan yahay musharraxa Madaxweyanah dhexdiisa. Waxaanu Yidhi. “Waxaan ka mid ahay musharraxiinta Xisbiga Kulmiye, ee hoggaanka dalka u tartamaya, waxaan ka mid ahay aasaasayaashii xisbiga Kulmiye, waxaan ka mid ahay dadkii xisbiga kala soo dabbaashay marxaladihii uga adkaa ee ka soo qeyb qaatay shirarkiisii iyo ollolayaashiisii, intuba waxay i siinaysaa in aan wax ku leeyahay xisbiga” sidaa ayuu yidhi Md. Samaale waxaanu intaa ku daray “ Waxaan u sheegayaa taageerayaashayda in aan raalli ku ahay arrintaas maanta [shalay] xisbiga dhexdiisa ka dhacday, iyo Guddidda afarta xubnood ah ee hoggaanka xisbiga ah oo lagu daray ama la taliye looga dhigay Wasiirka gaashaan-dhigga Saaxiibkay Cadami, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa farxad baanan u arkaa”. Md. Samaale waxaa uu ayiday in madaxweynuhu soo dhex galo xisbiga “Tallaabooyinkaas u dembeeyey ee madaxweynuhu qaaday oo ay ka mid tahay khudbadii ugu danbaysay ee markii uu dalka yimi uu ka jeediyay madaarka, oo aan ku hambalyaynayo, taas oo ku sheegay in xisbiga dhexdiisa uu ka dhacayo tartan xor iyo xallaal ah”. Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. Sidoo kale waxaa uu mar kale ku celiyay in uu yahay Musharax u taagan tartanka Madaxweynenaha ee Xisbiga Kulmiye dhexdiis, waxaanu yidhi, ”Waxaan mar kale ku celinayaa in aan anigu runtii ka mid ahay Musharaxiinta xisbiga ee u tartamaya Madaxweynaha haddii Allah yidhaahdo maalmaha dhow ee soo socda”, ayuu yidhi Mr Samaale.