HUBAAL KA DAAWO: Suldaan Mowliid Sabbeyso Oo Si adag Uga Hadlay Deegaanno Hadalhayntoodu Taagnayd Maalmahan + Farriin Uu U Diray Qaar Kamid Ah Madaxdhaqameedka Awdal
Hargeysa (Hubaal) Suldaan Mawliid Cali Ibraahim Sabbeyso ayaa ka hadlay deegaannada caasimada Hargeysa ee sida weyn loogu kala aragtida duwan yahay in laga qabto diiwaangelinta doorashooyinka iyo sidoo kale gobolladii lakala raacin lahaa. Suldaan Sabbeyso oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa waxa uu si gaara fariin ugu diray qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Awdal oo dhankooda si weyn uga hor yimid go’aanka xukuumadda kasoo baxay ee la xidhiidha in diiwaangelintu ka qabsoonto deegaannadaas.