“Innagu [Madbacada qaranka] Maanaan Odhan V8 Noo Iibi ee Wixii Aynnu Ballanqaadnay Baynnu Oofinaynaa”

0
17

Maareeyaha Madbacadda qaranka Oo Masuuliyiinta Dhigggiisa Ugu Faanay Qaabka Uu Uga Faa’ideystay Mashaariicda dawaladdu bixiso

Hargeysa (Hubaal) Mareeyaha madbacadda qaranka Somaliland, Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ku faanay in mashaariicda lagu maaglgeliyey wakaaladda madbacadda qaranku aanay uga faa’iideysan inay soo iibsadaan baabuur V8 ah iyo waxyaabo kale oo la mid ah, sida hay’adaha kale ee dawladdu oo iyagu qandaraasyo ku darsada soo iibsiga baabuur qaaliya oo V8 ka mid yahay.

Maxamuud Raage Ibraahim oo shalay ka hadlayay munaasibad abaalmarin lagu guddoonsiinayay xubno shaqalahaa madbacadda ah oo ugu hawlkarsanaa shaqada sanadtii tegay ee 2019 ayaa sheegay in mashaariicda madaxweynuhu siiyay wakaaladda madbacadda qaranka, aanu u adeegsan inuu soo iibiyo basas shaqaalaha lagu qaado, isla markaana aanu baabuur qaaliya, sida V8 ku darsan qandaraasyada, balse uu taasi beddelkeeda uga faa’ideeyay qalabaynta madbacadda oo mashiinno cusub ku soo kordhiyey iyo dhisme cusub oo loo dhisayo.

“Innagu (Madbacadda qaranka) gaadiid kamaynaan soo iibsan, ku maanaan odhan V8 noo iibi agaasimaha baanka oo wuxuu ka mid yahay maalgelinta wakaaladda madbacadda qaranka, waanu iibsan karaynay oo waanu waydiisan karaynay, maaliyaddaanu ku darsan karaynay. Waa soo lugaysaan (Shaqaalaha) oo gaadiid ma lihidin idin keena oo guryihiina idinka soo qaada, maynaan odhan basas ha laynoo soo iibiyo. Wixii aynnu ballanqaadnay baynu oofinaynaa, ballantii aynu qaadnay oo ahayd in qalab iyo dhisme loo galiyo wakaaladda madbacadda qaranka ayaynu iibsanaynaa, waxa soo hadhayna badeecad loogu beddelo. Waxaanan u mahadcelinaynaa madaxweynaha qaranka iyo madaxweyne-ku-xigeenka” ayuu yidhi Mareeyaha madbacadda qaranka Somaliland, Maxamuud Raage Ibraahim

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here