Is-Barbar-Dhiga Hargeysa Ee Ramadaantii 1991-Kii Iyo Ta Sanadkan 2016-Ka Iyo Xusuusta Waxyaabihii Aan U Soo Joogay Xilliyadaas

0
112

“Waxa Qorey: Cali-Xaraaro”

cali xaraaroAlle mahadi haka gaadhee muddodaas oo Rubuc qarani ka Badan waxaan ku Noolahay Magaalada Hargeysa, Ramadaantii sanadkii1991, Waxa ka mida waxyaalaha xusuusta Badan igu reebey. Hargeysa oo aan biyo lahayn iyo Qasabadaha ka yimaada geed Deeble lagana Cabo dhawr ceel oo Ku yaala Dooxa Hargeysa, Suuq ma jirin iyo meelo wax laga soo iibsadaa, Hargeysa oo aan lahayn laydh Ama koronto. Dadka xiligaa ku soomay waxa qudha ee Ugu darnaa waxay ahaayeen biyo ay ku Samaystaan Afurka iyo biyo ay cabaan Afurka. Saambuuse ma jirin, xabxabna ma Jirin, Hadaad hilib ku afurto iyo hadaad bariis Ku afurto isku mid ayey ahayd waayo Waxaan marnaba oolin kala doorasho. Arrimaha xusuusta mudan waxa ka mida Markay gaadho salaada makhrib waxa la Maqli jirey dhawaaqa rasaasta qoryaha Waaweyn taasoo lagu garan jirey in La Gaadhey xiligii eedaanka ka dibna waa la afuri jirey.

Waxa kaloo muhiima in masaajidka Keliya Ee laga eedaami jirey luguna tuken jirey Uu ahaa masaajidka Rusheeye ee ka soo Hor jeeda Kaalinta batroolaha (Cajeb), Dad aad u yar oo aan labaatan ka Badnayn ayaa Salaadaha makhrib Cishaa”i iyo Taraawiixdaba ku tuken jirey, Idaacada Hargeysa waxay taaley Halka imika madbacada qaranku Ku taalo Waxaanay hadli jirtey saacado kooban Hase yeeshee dadkuba may haysen Raadiyow ay Ka dhegeystaan qof qof ayaa dadka ka haystey raadiyow laga Dhegeysto sidaas awgeed ayaanay Idaacaduba qiimo badan u lahayn,. Waxa kaloo lama ilaabaan ah Hargeysa oo aanay jirin dukaano iyo Meelo laga iibsado dharka ciida, waxaan Xusuustaa Hargeysa oo salaadii ciidel Fidriga sanadkii 1991 lagu Tukedey Oo keliya masaajidka Rusheeye ee kasoo Hor jeeda Kaalinta batroolaha Cajeb oo Aanay Jirin meel kale oo lagu tukedey, Hargeysa oo shan meelood marka loo Qaybiyo afar meelood ay dunsentahay, Hargeysa oo madawga aad yaabayso. Hargeysa oo gaadiidka joogaa toban Aanay ka badnayn marka laga reebo Gaadiidka ciidamadu leeyihiin. Intaas hadaan ku dhaafo Hargeysa Dulmarkii bishii Ramadaan ee sanadkii 1991. Aan dul joogsado Hargeysa iyo bisha Ramadaan ee sanadka 2016. Hargeysa tirada masaajideda ku yaala Waxa lagu qiyaasaa 500 boqol oo Masaajid, Eedaanka salaada makhrib meel kasta Oo aad ka joogto waad ka maqlaysaa Waanad ku afureysaa, intaas oo Masaajidna waa lagu tukeneyaa Salaadaha makhrib cishaa”i iyo Taraawiixda.

Hargeysa waxay leedahay suuqyo kala Dawen iyo meelo aad ka heli karto Waxaad jeceshahay ama u baahato Lagama werwero biyaha afurka la cabo in Kastoo Ay jiraan xaafado aaney gaadhin Biyaha Ka yimaada geed deeble hadana Biyaha afurka ma waayaan hase yeeshee Waxa jira xaafado danyartu ku badan Tahay oo aanay weli gaadhin biyaha iyo Laydhkuba, welise dadka qaarkood ayaa Dooxa Hargeysa ka caba. Hargeysa maanta markaad habeenkii Dusha ka eegto iyo laydhka ka baxaya. Aad ayey uuga duwantahay Ramadaantii 1991, qofkii joogey Ramadaantii 1991, ee Maantana Hargeysa joogaa wuu Garanayaa kala duwanaashaha labada Ramadaan. Hargeysa gaadiidka dhex socda waxa Tiradooda lagu qiyaasaa ilaa boqol iyo Konton kun marka laga reebo kuwa Ciidamada. Dedaalka shacbigu si weyn ayuu uuga Muuqdaa is barbar dhiga labada Ee 1991-2016

Allaa Mahad Leh

Ramadaan Kariim

Qalinkii: Cali Cismaan Cabdi-libaax (Xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here