Is-bedelka Iyo Horumarka Uu Ku Tallaabsaday Garsoorka Somaliland W/Q:  Xuseen Fadal

0
100

Garsoorka Somaliland waxaa uu ku talaabsaday Is-bedel balaadhan oo dhinacyo badan leh, laga soo bilaabo markii ay talladda dalka ku guulaystay dawladda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) badhtamahii sanadkii 2010kii, Madaxwayne Siilaanyo wuxuu Guddomiyaha Maxkamadda Sare u soo magacaabay bilawgii sanadkii 2011kii GARYAQAAN YUUSUF ISMAACIIL CALI wakhtigaas ayaanu soo bilaabmay is-bedelkaGarsoorku. Guddoomiye Yusuf Ismaaciil wuxuu wax wayn ka bedelay Garsoorka iyo sidii uu u shaqayn jiray, ugu horeyn waxaa uu magacaabay Garsooreyaal Dhalinyaro ah oo ka soo qalin jabiyey Jaamacaddaha Dalka, waxaana la eryey dhamaan Garsooreyaashii ay cabashadda badani ka taagnayd.

Wakhtigaa waxaa Garsoorka soo galay dhiig cusub oo ah dhalinyaradda aqoonyanka ah ee damiirkoodu nool yahay, waxayna wax wayn ka bedeleen cabashaddii taagnayd ee dhinaca dadwaynaha, waxay dardar galiyeen dhamaan dacwadahii yaalay Maxkamaddaha oo marka hore aad u jiitami jiray wakhti dheerna qaadan jiray in go’aan laga gaadho, Bulshadduna aad ayey u soo dhawaysay arrintaasi.

garyaqan-xuseen-fadal

Sidoo kale waxaa is bedel ku yimid dhinaca Mushaharka garsoorka oo kor loo qaaday, iyadoo Wasiirkii Maaliyadda ee wakhtigaasi MUDANE MAXAMED XAASHI CILMI uu dhamaan Mushaharkii Dawladda oo dhan uu labban laabay, garsoorkuna uu ku jiray shaqaalaha loo labbanlaabay Mushaharka, taas oo kor u soo qaaday niyadii Bahda Garsoorka, tusaale ahaan qofka marka Baahidiisa la daboolo wuxuu u shaqaynayaa si niyad samaan ah.

garyaqan xuseen fadal

Waxa kale oo ka mid ahaa Is-bedelka la taaban karo ee uu Garsoorku ku talaabsaday in kor looqaaday tayadii iyo aqoontii Bahda Garsoorka waxaana la bilaabay Mushruucii dib u habaynta Garsoorka , dhamaan Garsooreyaasha waxaa loo Furay Tabobaro kor loogu qaadayo aqoontooda, waxaana ka mid ahaa kii Tabobarka Garsoorka oo ay ka soo baxeen Lix dufcadood (Judicial Training Program) , tabobaradaas waxaa kala fuliyey Jamaacadda Hargaysa gaar ahaan Kuliyadda sharciga oo tabobartay ilaa saddexdufcadood oo ka socda Garsoorka dalka oo kala dambeeyey, waxaana laga soo xulaayeys addexdaasi dufcadood Garsooreyaashii shaqadda hayey,  iyo Wasaaradda Caddaaladda oo iyaduna tabobartay ilaa saddex dufcadood oo garsooreyaal cusub ah oo qaadanayey tabobar soconaya sanad, markay sanadkaa dhamaystaana la hawlgalinayey, halkaana waxaa ka soo baxay is-bedel wayn oo aanhore u jirin.

Sidoo kale waxaa ka mid ah is-bedelka dambe eeuu ku talaabsaday Garsoorku in Guddiga caddaaladda oo ah Hay’adda Maamusha Garsoorka in aad looga shaqaysiiyey, waxaa la sameeyey in Garsooreyaasha loo sameeyo mid walba File u gaar ah, sidaa si la mid ah waxaa la magacaabay Guddi kormeer iyo dabagal oo shaqadoodu tahay in ay kormeeraan oo dabagalaan cabashadda dadwaynaha ee dhinaca Garsooreyaasha, sidoo kale waxa la sameeyey in la kaydiyo garsoore kasta go’aamadiisa si looqiimeeyo Xukunadda uu soo saaray iyo sida uu sharciga u dabaqay, halkaana waxaa ka soo baxay isla xisaabtan iyo in qof walba lala xisaabtamo laguna abaal mariyo wixii uu mutaysto, haddii ay tahay dalacsiin ama hoos u dhigid, waxaa kale oo la ansixiyey xeer nidaamiye lagu maamulo garsoorka oo ah Xeerka anshaxa iyo anshaxmarinta Garsooreyaasha iyo Xeer Ilaaliyeyaasha.

Waxaa kale oo ka mid ah is-bedeladdda Garsoorku sameeyey in mar kale kor loo qaaday oo loo kordhiyey Mushaharkii, waxaana arrintaa aad uga shaqeeyey Guddomiyaha Maxkamadda Sare Mudane PRO.AADEN XAAJI CALI AXMED oo loo magaacaya xilka Gudoomiyenimo Bishii MAY EE 2015KII, taas oo kor u sii qaaday niyadii Garsoorka, Guddoomiye Aaden X.Cali waxaa kale oo dib u soo nooleeyey RajadiiGarsoorka oo ahayd in la heli karo garsoor xor ah oo lagu kalsoon yahay, waxaa kale oo uusameeyey Gudoomiye Aaden Dirayska Bahda Garsoorka oo iyana kor u qaaday haybadii iyo sharaftii Garsoorka Dalka JamhuuriyaddaSomaliland, dirayskaas oo ka kooban kii Garsooreyaasha, kii Xeer Ilaaliyeyaasha iyo kiiQareenadda oo dhamaantood kala duwan.

Iyadoo Garsoorka Dalka JamhuuriyaddaSomaliland uu wakhtiyaddan dambe kutalaabsaday is bedel dhinacyo badan leh waxaa kale oo aan ka xusi kartaa is-bedelkaa in dib habayn badan lagu sameeyey xafiisyadii iyo agabkii lagu shaqaynayey iyo waliba Bilicdii Maxkamadaha, taasina waxay muhiim u tahay in Garsoorku helo meel uu ku shaqeeyo iyo agabkii uu ku shaqayn lahaa si uu u guto hawsha culus ee uu umadda u hayo.

Taas tu la mid ah Guddoomiye Aaden X.Cali oo ah Shakhsi ay Taariikhdu xusi doonto wixii uu Garsoorka ka qabtay, waxa uu u magacaabay Guddoomiyeyaal rag dhalin yaro ah  oo aad u firfircoon oo wax badan ka qabtay Garsoorka Dalka Tusaale ahaan waxaa uu Gudoomiye Aadenu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargaysa Axmed Dalmar Ismaaciil oo ah Shakhsi dhalinyarro ah wax badanoo la taaban karo qabtay isla markaana ka go’aangaadhay dacwado baddan, sidoo kale waxaa loo magacaabay Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka M/Jeex Hargaysa Mawliid Cabdi Muuse oo isna ah nin dhalin yaro ah oo wax badan ka bedelay Xafiiska Xeer Ilaalinta indhahii caafimaad qabaanaay arki karaan Isbedelka iyo hormarka uugaadhsiiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka M.Jeex Hargaysa, sidaa si la mid ah waxaa loomagacaabay Maxkamadda Degmadda Hargaysa Gudoomiye C/rashiid Maxamed Xirsi Beergeel oo ah nin hawl kar ah oo qabtay wax badan, Gudoomiye Beergeel waxa uu qabtay waxaa lagadheehan karaa Maxkamadda uu maamulo iyo isbedelaka uu ku sameeyey ee dhinaca horumarka ah,  waxaa kale oo jira Rag kale oo badan oo dhalinyaro ah oo loo magacaabay xilal sare oo Garsoorka ah, balse waxaan sadexdaa Masuul u soo qaaday waxay ka shaqeeyaan Caasimadii Dalka oo ah muraayadda dalka ee laga dheehankaro isbedelka socda. Aniga shaksi ahaana farxadwayn ayey ii tahay in Rag dhalinyaro ah oo aqoon-yahan ah ay xilaalkaas hayaan, waxayna tusaale wanaagsan u yihiin dhamaan Dhalinyaradda (Role Model).

Is-bedelkan dambe ee uu ku talaabsaday Garsoorka Somaliland intii uu hogaaminayey Gudoomiye Pro. Aaden X.Cali oo aanan halkan ku soo koobi Karin waxaa kale oo ka mid ah arrinta Madax banaanidda Garsoorka ee dhinaca Maamulka Miisaaniyadda iyo Maamulka shaqaalaha Bahda Garsoorka ee dhawaan Madaxwayanaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyougu wareejiyey Maxkamadda Sare ee dalka, taasoo ah guul aad u wayn maxaa yeelay, maantaGarsoorku marka uu samaysanayo Miisaaniyadiisa isaga ayaa soo diyaarsanaya soona sheeganaya baahidooda waana arrin guul u ah Guud ahaan  Garsoorka JSL , waxaanan ku hambalyeynayaa Gudoomiye Aaden X.Cali Axmed dedaalka badanee uu arrintaasi ka gaystay.

Ugu dambayn Garsoorka Somaliland ee uu madaxda u yahay Pro.Aadem X. Cali Axmed wuxuu ku talaabsaday Mudadaii uu xilka hayeyhorumar balaadhan oo dhinacyo badan leh oo cid waliba ay dareemi karto, waxaanan rajaynayaa in uu halkaa ka sii wadi doono, waxaananGudoomiye Aaden kula talin lahaa in uu kudhiirado samaynta Xeerka Xuquuqda Garsoorka, haddii uu Xeerkaas ku guulaystona wuxuu baaldahab ah ka galayaa Taariikhda Garsoorka Somaliland, in Garsoorku hagaago oo uu hore u maro waan ku faraxsanahay Anigu, waxaanan u rajaynayaa Guul iyo horumar guud ahaan Garsoorka Somaliland.

Garyaqaan:  Xuseen Maxamuud Fadal.

Email: Qabile88@gmail.com

Hargaysa Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here