Gudaha ka Akhri Magacyada Xildhibaanno Beelaha Harti Kasoo Jeeda Oo Gucle ugu Jira Kursigan Iyo Sababaha Soo Dedejinaya Is-casilaadda Cirro
Hargeysa (Hubaal)-Sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay Ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Arrimaha Xisbiga Waddani, waxa dhawaan Xilka uu ka hayo Golaha Wakiillada iska Casili doona Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, kadib muddo dheer oo uu kursigaas kusoo fadhiyey. Warku waxa uu intaas ku darayaa in Guddoomiye Cirro wada-tashi iyo talooyin badan la yeeshay saraakiisha Xisbigiisa, isla-markaana uu xilligan ku qancay inuu gebi ahaanba ka tago Xilka Guddoomiyenimo ee uu Golahaas kasoo hayey iyo waliba Xubin-nimadaba, isagoo uban baxaya Arrimaha Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay oo haatan wajahaya Xaalad adag oo xagga horumarinta Barnaamijkiisa siyaasadeedka. Mudane Cirro waxa uu uu Go’aankan qaatay kadib markii uu soo dhammaaday Murankii dheeraa ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa yaallay, isla-markaana uu Xisbigaasi yeeshay Murrax Madaxweyne iyo Ku-xigeen, iyadoo taasi Guddoomiyaha ku dhalisay inuu gudo galo Barnaamijkii uu kula tartami lahaa Musharrixiinta Dhiggiisa ah oo haatan noqday qaar aan qarsoonayn oo la wada yaqaanno. Mudane Cirro waxa uu markii hore shaki badani kaga jirey Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo oo uu hore usii qorshaystay haddii uu musharaxnimadiisa kusii adkaysto inuu isaguna Kursigiisa kusii adkaysto ilaa ay Doorashooyinka dalka ka qarshaysani soo dhawaanayaan. Kadib markii ay dibadda usoo baxeen wararka sheegaya inuu Guddoomiye Cirro Kursiga Wakiillada maca salaamayn doono, ayaa waxa dhinacooda tartan aan qarsoonayn galay Xildhibaanno Golaha katirsan oo ay ka go’an tahay inay Kursigaas ku fadhiistaan, kuwaas oo kasoo jeeda Beelaha Harti oo aaminsan inay Kursigaas si gaar ah u lahaayeen ka hor Cabdiraxmaan Cirro. Xubnaha Guclaha ku jira ayaa isku garbinaya Ergooyin ay madaxweynaha ugu tegayaan, isla-markaana ugu sheegayaan inuu la raadiyo Guddoomiyenimada Golaha kadib is-casilaadda Cirro, waxana iyagoo isku duuban iyo iyagoo kala gaar ah madaxweynaha u laqimeen inay kursigaas iyagu xaq u leeyihiin, maadaama ay u arkaan in saami badan oo xagga kuraasta dalka ugu sarraysa ahi ka maqan yahay. Xubnaha Madaxweynaha sida gaarka ugu tegay ee la filayo inay kursigaas ku fadhiistaan waxa ugu cadcad Xildhibaan Saleebaan yuusuf Cali(koore)oo isagu olole ballaadhan ugu jira Kursigaas, waxana isagoo odayaal iyo waxgarad deegaankiisa kasoo jeedda wata uu madaxweynaha hordhigay hankiisa, waxana wararku sheegayaan inuu madaxweynaha ka helay waxoogaa madax-raaricin ah oo la xidhiidha inuu la jecel yahay kursigaas haddii uu bannaanaado. Mudane Koore oo kamid ah mudanayaasha ugu khibradda badan, isla-markaana wakhti dheer Golahaas kusoo jirey, ayaa isu arka inuu ku haboon yahay Guddoomiyenimada Wakiillada, isagoo ka faa’iidaysanaya Xidhiidh wanaagsan uu haatan la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, waxana loo arkaa shakhsiga ugu fursadda fiican xubnaha Kursigan doonaya. Xubnaha kale ee Kursigan u cararaya, ayaa waxa kamid ah Guddoomiye-ku-geenka koowaad ee Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ay wiiqeen Xurgufo ka dhashay khilaafkii dhawaan Kulmiye dhexdiisa ka qarxay, waxana uu tebaya Xidhiidhkii fiicnaa ee uu madaxweynaha la lahaa oo aan haatan jirin, balse waxa uu wadaa dhaqdhaqaaqyo uu Kursigaas ku raadsanayo. Waxana ololihiisa laga dareemayaa Beeshiisa dhexdiisa, waxana xubno siyaasiyiin ah oo uu shirar hoose la galay ugu bandhigay Rabitaankiisa arrintan la xidhiidha. Mudane Baashe oo haatan aan lahayn awooddii uu hore u lahaa maadaama ay madaxweynaha iyo Xisbigaba kala go’een, ayaa isu arka qofka ku haboon kursigaas, maadaama uu Shir-guddoon muddo dheer soo ahaa, isla-markaana uu Golaha fadhiyadiisa qaar badan oo kamdi ah soo guddoomiyeye. Baashe maxamed Faarax waxa ay wararka qaarkood sheegayaan inuu madaxweynaha ergo ugu dirsaday Arrintan darteed, balse lama hayo weli jawaab cad oo uu madaxweynuhu kusoo celiyey, waxase laga dhursugayaa sida maalmaha soo socda wax u dhacaan. Kursiga Xubnahani haatan doonayaan ayaa waxa hore ugu soo fadhiistan xubno ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ay kamid ahaayeen Axmed Maxamed Aadan(qaybe) iyo Waliba Axmed Cabdi Xaabsade, waxana ay ku doodayaan in la gaadhay xilligii ay heli lahaayeen Xaqaas muddada ka maqnaa. Fadhiyada soo socda ee Golaha oo lagu wado inay furmaan Maalinta Sabtida soo socota, ayaa lagu wadaa in wax badani ku kala caddaadaan, iyadoo Guddoomiye Cirro maanka ku hayo Qabyooyinka siyaasadeed ee horyaalla iyo waliba Su’aasha la xidhiidha labada xi loo ay dad badani wali is-weydiinayaan oo looga fadhiyo inuu meesha ka saaro.