Hargeysa (Hubaal)-Ururka ay bahoobeen Basaslayaasha ka shaqeeya caasimadda Hargeysa ee City Bus, ayaa kulan soo dhaweyn iyo isbarasho ah u qabtay Hoggaanka cusub ee ururkaasi dhawaan doorteen, waxana Munaasibad kooban oo ay ku qabsadeen Hutel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, ay ku faahfaahiyeen Hawlaha Horyaalla Hoggaanka cusub ee dhawaan la cumaamaday. Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii Hoggaanka Cusub ee iskaashada Basaslayda City Bus loogu garab geli lahaa Hawlaha horyaalla, isla-markaana dhiirrigelintooda wakhti loo siin lahaa, ayaa waxa Hadallo ka jeediyey Xubno tiro badan oo iskaashata kamid ah, saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Waaxda Dawladda Hoose iyo waliba Hoggaanka cusub laftooda, waxana si midaysan loogu baaqay in Hawlaha horyaalla hoggaanka hareeraha loola qaban lahaa. Skeekh Xasan oo kamid ah Xubnaha Iskaashata Basasleyda Magaalada Hargeysa oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa si weyn usoo dhaweeyey hoggaanka cusub ee dhawaan ururka loo doortay, waxana uu cabasho xooggan ka muujiyey waddo-xumo haysata gaadiidka Basaska oo aanay cidina waxba ka qabanin, “Basasku waa Wadnaha Somaliland, adeegga ay bixiyaanna Guri kasta oo Somaliland ah wuu saameeyaa, iyadoo ay sidaa tahay waxa na haysta dhibaato aad u ballaadhan oo dhinaca waddooyinka ah, Magaalada Hargeysa afar waddo oo gudba ayey lahayd oo waa la haystaa waxana ay u baahan yihiin dibu xorayn, Hal waddo oo ah midda wadnaha ah, ayaa bannaan tiina waxa la yidhi Hal jiho oo kali ah halloo maro, taasina dhibaato weyn bay nagu haysaa oo haddaanu basasleyda nahay kama maarmi karno, gaar ahaan xilliyada Roobabku da’aan oo aanu caddibaad badan kala kulanno. Qolada deegaanka gaar ahaan Maayarka waxanu marti uga nahay inay waddada jihooyinkeeda kale la furo, haddii kale Waddooyinka xidhan la furo oo gaadiidka waddooyinka loo banneeyo.” Ayuu yidhi Sheekh Cumar. Farxaan Maxamed Cilmi oo isaguna Xubnaha City Bus kamid ah, ayaa isaguna ku dheeraaday Taariikh dheer oo halgan iyo shaqoba iskugu jirta oo ay Basasku lasoo mareen shacabka Reer Somaliland, waxana uu bulshada ku baraarujiyey inay abaalka Basaska wax badan ka ogaadaan. Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska, gaar ahaan waaxda Dawladda Hoose oo halkaasi ka Hadlay ayaa daraaran weyn ujeediyey hoggaanka cusub ee Iskaashatadu doorteen, waxana ay ku waaniyeen inay isku dayaan inay isku dayaan sidii Basaska loogu samayn lahaa hannaan kaltan ah oo kooxiba maalin gaar ah baxayso, waxana ay tilmaameen in habkaas wax badan laga dheefi doono, isla-markaana waddooyinka Cidhiidhiga ah lagaga bixi doono. Nuur Xaashi oo isaguna Iskaashatada Basaska katirsan oo hadal dhinaca Baahida iyo dhibaatada basaska haysta ka Hadlay, ayaa sheegay inay dhib badan ku qabaan agabka Basaska lagu dayactiro oo qiimihiisu qaaliyoobay, isla-markaana aanay haysanin cid ka caawisa, waxana uu codsaday in Dhibka waddada si weyn wax ka qabashadiisa dawladda Hoose iskugu hawsho. Guddoomiyaha Cusub ee Iskaashatada City Bus Cabdiraxiim Maxamed Yuusuf, Ku-xigeenkiisa Rashiid Daa’uud Aadan iyo Xoghayaha cusub Aadan Diiriye Cigaal oo madashaas lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa Xubnaha iskaashatada City Bus iyo Shacabka kaleba ka codsaday inay Xilka ay qaadeen ugu duceeyaan sidii ugu guulaysan lahaayeen. Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo Ugu Dambayntii Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inuu si xilkasnimo ah ugudan doonto xilka la saaray, isla-markaana uu dardar cusub gelin doono Hawlaha horyaalla, “Waxan idinnka codsanayaa inaad nagu garab gashaan Hawsha culus ee Naloo igmaday, idinka la’aantiina waxba qanan kari mayno. Inagoo isku duuban aynu ku dhaqaaqno hawlaha inoo yaalla, yeynaan isku eegin Hawsha oo aynu hareeraha qabanno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxiim Maxamed Yuusuf. Iskaashatada Basasleyda City Bus, ayaa si weyn loogu majiirtaa Doorka Toolmoon ee ay arrimahooda u qabsadaan, waxana ay caan ku yihiin inaanay wax xidhiidha inta badan la yeellan arrimaha Siyaasadda ee Dalka ka jira, iyagoo danahooda ku mashquula.