“Jananow hore waxad noogu sheegtay inaanu wixii cabasho ah kula soo socodsiino, laakiin albaabkii baad naga furi weyday, markii aanu sida qudhaanjada kugu warwareegnayna waanu kaa tagnay” Guddoomiyaha Iskaashatada Booyadleyda
Hargeysa:(Hubaal)-Iskaashatada Booyadleyda u dhaamisa caasimadda Hargeysa, ayaa qaylodhaan ka muujiyey tacaddi ay sheegeen inay ku hayaan ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland oo ka amar qaadanaya taliyaha guud ee ciidanka Booliska Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Hoggaanka iskaashatadan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa eedeeyey taliye Cabdilaahi Fadal, waxana ay shaaca ka qaadeen in awaamiir uu soo saaray keeneen tacaddi xadka ka baxsan oo loo geysto shaqadii ay umadda harraadan u hayeen.
Xubin kamid ah guddida iskaashatada Booyadaha Biyaha, ayaa shaaca ka qaadday inuu taliye kaga baxay heshiis uu hore ula galay oo ku salaysnaa inay xidhiidh ka wada sameeyaan wixii tabasho ah ee ay tirsadaan, waxana uu xusay inay tahli kari waayeen inay kulamo la yeeshaan,“Jananow haddii aad qodob soo saartay shan kale ayaa lagu daray, gaadiidleyduna haddii ay baabuurta dhigaan adigaa ka masuul ah, hore waxad noogu sheegtay inaanu wixii cabasho ah kula soo socodsiino, laakiin albaabkii baad naga furi weyday, markii aanu sida qudhaanjada kugu warwareegnayna waanu kaa tagnay” ayuu yidhi xubin kamid ah iskaashatada Booyadleyda magaalada Hargeysa.
Xubintan oo hadalkeeda sii wadata, ayaa xustay inaan la joogin waqtigii cashuurta lagu caydhsan lahaa Booyadaha biyaha dhaamiya, isaga oo farta ku fiiqay inay xataa xuduudda Ethiopia xaaladda jirta darteed biyaha u qaadaan oo galaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Mar haddii aanan ninka madaxda ii ah cabashadayada ugudbin karayni baabuurta cadhadooda idinkaa ka masuu ahe waxaad doontaan ka yeella, xilliga lagu jiraana waa xilligii baabuurta cashuurta laga deyn lahaa oo xataa dawladda Ethiopia, ayaa xuduudeedii noo furtay oo tidhi dadka u dhaamiya, idinkuna lacag baad ka raadinaysaan.”
Xurgufta dhextaalla ciidamada nabadgelyada waddooyinka iyo taliska ciidanka ayaa muddo badan soo taxnayd, waxana ay ciidamadu dirawallada Booyadaha ku eedeeyaan inay qayru-masuuliyiin yihiin, isla-markaana si xadka ka baxsan u wadaan gaadiidka, taas oo sababta shilal tiro badan oo dhaca.