Is Sharaxaada Labaad Ee Madaxweynuhu Waxay Kala Saari Lahayd Inta KULMIYE-nimada Aaminsan & Inta Kursiga Ku Gaadhaysa

0
43

By: Cumar M.Faarax

Maalin Dhawayd ayaan Siciid Ibraahim Dool (Guray) oo ah Nin hal-abuur jiitay ah oo dhalinyarro ah, waxaan ka guntay maanso aanu duubin, hase yeeshee ay ku jireen tuduc uu bulshadda ku baraarujinayo in aanay hanfadeyaal noqon oo kolba aanay siyaasi qarad leh iska soo xambaaran, waxaanu yidhi

 “Tiyaatar Dugaag Qabsaday

Bulshadda Tubaneey Su’aal

 Dhurwaayadda kuu Tartamay

 Adaa Tayga U Xidhoo

 Dhammaan Sacabka u Tumee

 Kee baad Taashka u sidaan?”

Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE, waxa dhawaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi u cayimay inuu magaaladda Hargeysa ka qabsoomo 10 bisha November ee fooda innagu soo haysa. Waxa si aan rasmi ahayn kaadiriinta xisbiga iyo Hoggaankiisuba ku shaqaynayaan oo laabta ku haystaan war aan rasmi ahaan loo xaqiijin Karin oo  ay jecel yihiin in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulayo inuu mar kale qaato muddo xileedkiisa labaad ee doorashadda madaxtinimadda , xisbiga dhexdiisana aanay cidi kula tartamin. Warkaasi mooyi meel uu ka soo baxay iyo waxa ka jiraba.  Waxase Hargeysa ka socda ma garanayo magaalooyinka kale ee dalka inuu gaadhayo olole ifafaalihiisu xanaf yeelan karo oo u dhaxeeya Baar-qabyo KULMIYE ka wada tirsan. Waxa illaa imika fagaareyaasha siyaasadda lagu gorfeeyo laga hadal hayaa tartameyaal u ordaya murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga oo  kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe. Waxa kale oo suurto-gal ah in tartameyaashu intaas ka sii badan karaan ama marka shirka la gaadho inay sida ay isku neef ogol yihiin iskugu sii tanaasuli karaan.   Maalinba maalinta ka dambaysa, waxa sii kordhaya xiinka iyo xanafka tartanka xisbiga KULMIYE dhexdiisa oo labada xisbi ee mucaaridkuna isha ku hayaan inay ka heli karaan fursado duul-duulka iyo dil-dilaac ay quudareynayaan inuu ka dhasho loolanka Xisbul xaakimka.   Waa run oo KULMIYE waa xisbi dabeecadiisu dimuqraadi tahay,  awoodna u leh inuu xakameeyo oo mideeyo damacyadda baarqabyadda xerada kuwadda  jira oo Micidoodu halis gelin karto  mustaqbalka xisbiga.shirweynaha kulmiye3

Maxay Tartameyaashu ka siman Yihiin?

 Marka ay Doodu halkaas Marayso waxa is-weydiintu tahay haddaba  afarta xubnood ee loolanka ku jiraaba maxay ka siman yihiin? Xubnahani waxay ka siman yihiin inuu mid waliba ku odhanayo “Haddii Madaxweynuhu isa-soo taago mar labaad,   waan u daynayaa”. Haddii kalena “Calafkayga ayaan ka qaadayaa.” Balse, dad badan oo KULMIYE rejo ka qaba ayaa aaminsan in bad-baadada xisbigu ku jirto in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shantii sannadood ee xukuumadiisu xilka haysay wax weyn qabtay uu haddana mar labaad muddo xileedkiisa  kalka labaad   isu soo taago doorashadda madaxtinimadda  ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto 28 March 2017. Si uu ummadda ugu sii shaqeeyo,  xisbigana ka samato-bixiyo in khilaafyadda  muuqdaa ay ka dhigaan sidii tusbax furmay oo kale. Haddii kale,  oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo  uu ka tanaasulo  inuu mar dambe isa soo sharaxo, waxa loo baahnaanayaa inuu noqdo gar-soore Siidhigiisu tuf  yeelan karro. Waxaan uga socdaa inuu dhinacyadda hir-damaya u xaq-sooro,  oo uu dhex-dhexaad u noqdo  isla markaana doorashadda  xisbul-xaakimku  ahaato  mid tartan hufan oo xor  iyo  xalaal ah.

 KULMIYE  Ma u Dhigi Karaa Rikoodh Cusub  Axsaabta  Kale Ee Somaliland?

Marka laga shiidaal qaato dhaqanka dimuqraadiyadda, waxaa  xisbiga KULMIYE  saaxadda  siyaasadda Somaliland uu ku soo kordhin karaa rikoodh cusub oo ummadda reer Somaliland ay mahadiso.  Waayo xisbiyadda Qaranka inta badan tartan hufan looma galo Murrashaxnimadda madaxweynaha, iyadoo   xisbi kastaa  u qoondyo  hal qof. waxaanay ahayd  in sida axsaabta caalamka  xisbi kastaa  dhexdiisa uu tartan is-reeb reeb ah oo afkaar waddaniyadeed iyo xisbinimo ku dhisani ka dhex dhaco. Waxaa  ummadda u soo bixi lahaa Hoggaamiye xisbigu soo Shirabay oo la soo shaan-dheeyay, hadhowna waxaa  tartami lahaa saddex Murrashax oo mid waliba uu kifaax dheer u soo galay inuu martabadda murrashaxnimo ee xisbiga soo gaadho. Xisbiga KULMIYE dhaqankaas dimuqraadiyadda billaya ma  u baallaleyn karaa xisbiyadda Somaliland!.

KULMIYE Maxaa u Horseedi Kara Bur-bur?

KULMIYE waxa uu ku burburi karaa iyadoo hal murrashax oo keliya oo aan ahayn Madaxweyne Axmed Siilaanyo xisbiga looga dhigo Murrashax,  iyadoo aan marka hore la samayn munaaqisho iyo isku tanaasul la isku laab-xaadho.  Haddii murrashaxiinta tartameysaa ay dhexdooda ka sii heshiin waayaan,  waxaa  xisbiga bad-baadadiisu ku jirtaa  in Madaxweynuhu uu mar kale isa soo taago.   Waxaana  halkaasi ka soo bixi lahaa oo la ogaan lahaa  Murrashaxiintan Yaacaysa  inta KULMIYE-nimadda aaminsan iyo inta doonaysa in ay  kursiga uun ku gaadhaysa.

Qalinkii: Weriye Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here