Isaga Oo Ciyaartoy Abaal-marinaya Ayaa Kabuhu La Siibteen Oo Uu Madaxa Ku Istaagay

0
42

Madaxa xidhiidhka kubada cagta ee dalka Australia Frank Lowsy ayaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa cusbitaal ku yaala dalkaas,kadib markii uu ku simbiriraxday kaabad lasoo dhigay koobkii uu gudoonsiinayay kooxdii ku guulaysatay tartanka horyaalka dalka Australia oo ciyaarta kama dambeystu dhexmaraysau kooxaha Melbourne Victory iyo Sydney FC. Inkastoo uu 84 jirkani uu ka badbaaday dhaawac halis ah oo kasoo gaadha garoonka kooxda uu ku gudoonsiinayay koobka horyaalka AAMI Park ayaa hadana muuqaalka qaabka uu u dhulka ugu dhacay mr Lowsy uu in badan dadkii ku sugnaa garoonka ka qoslisay,waxaana la arkayay Mr Frank oo dhulka hal Mitir sare uga kacay kuna soo noqday dhulka isagoo madaxiisu dhinaca dhulka u jeedo halka ay cagahiisuna ay cirka ama kor u jeedeen.

during the 2015 A-League Grand Final match between the Melbourne Victory and Sydney FC at AAMI Park on May 17, 2015 in Melbourne, Australia.
during the 2015 A-League Grand Final match between the Melbourne Victory and Sydney FC at AAMI Park on May 17, 2015 in Melbourne, Australia.

Mr Lowsy,oo ah ninka aas-aasay suuqa laga dukaamaysto ee Global Chain of westfeild shoping Mall ayaa daawadayaasu ku qaylinayeen soo dhaweyntiisa balse markii uu qaybtii u horeysay ee kaabada fuulay ayaa markeliya odayga cagaha dhulka looga laabay,oo ay mashaqadani dhacday,waxaana markeliya istaagay dhawaaqii 30,000 oo daawadayaashii goobta ku sugnaa. Waxyar kadib ayaa shaqaalihii caafimaadku kusoo cararay xagiisa,waxaana Ninkan Bilyaneerka ahi uu waxyar kadib la hadlay daawadayaashii iyo masuuliyiintii iyo weliba ciyaartoydii “waxaan halkan u mahad celinayaa qof kasta oo dareen ii muujiyay iyo intii taageerada iila soo gurmatay markii aan ku siibtay kaabada,waxaan u malaynayaa inuu qof kastaaba uu naxay sida aniga oo kale,laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan caafimaad qabo garabka ayaa inyar iyar kala baxay waanan kasoo kaban doonaa maalmo yar kadib” ayuu yidhi ninkan Bilyaneerka ah ee kaabadu la siibatay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here