Waxa Ay Indhaha Ka Lalliyeen Kalsoonidii Ay Odayga Xisbiga Ku Qabeen
Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Ka Hadlay Xaallada Ku Geddaaman Furitaanka Shirka Golaha Dhexe+Saamaynta Uu Mawqifkoodu Ku Yeelan-karo Mustaqbalkooda Siyaasadeed Iyo Midabada Is Burinaya Ee Murankooda
Hargeysa-(Hubaal)-Shir xalay todobadii iyo badhkii cawaysnimo loo ballansanaa in uu ka dhaco qasriga Madaxtooyadda oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ku dhexdhexaadinayay dhinacyada khilaafku ka dhex taagan yahay ee xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa baaqday, kaddib markii xubnihii matalayaay garabka isbahaysiga musharaxiintu ay qaadaceen kuna gacan saydheen in ay kulankan ka soo qeyb galaan, sidaana waxa Hubaal, u xaqiijiyay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow madaxtooyada.
Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha qaadacay ka qeyb galka kulankan caawa baaqday ee matalayay garabka lsbahaysiga musharaxiintu ay kala ahaayeen Guudooiye ku xigeenadda Labaad iyo Seddexaad, ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyo Xildhibaan Waabeeye, Cabdikariin Xannif, Iyo Xildhibaan Cali Aw Yuusuf. Illaa si cad umay shaacin xubnaha kulankan qaadacay sababaha dhabta ah ee ku kelifay in ku gacan saydhka in ay kulankan ka qeyb galaan.
Dhinaca kale, waxa xarunta qasriga madaxtooyadda ee la qoondeey in uu kalulnkani ka qabsoomo xalay ka soo xaadiray oo kaliya xubnihii matalaayay hogaanka sare ee xisbiga oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweynaha xisbiga, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf.
Diidmadda kulankan ayaa noqonaysa markii labaad ee ay garabka musharixiinta u matalayay kulankani ay qaadacaan madasha uu Madaxweynaha Somaliland, ku dhexdhexaadinayay labada dhinac, isaga oo madaxweynuhu hore u kulamo gaar gaar ah ula soo yeeshay dhinacyadan xisbiga ee khilaafku ka dhaxeeyo.
Dinaca kale wararka aanu ka helayno garabkan ayaa tibaaxay in Maanta ay xubnaha isbahaysigu ku ballansan yihiin hadhimo, ka qabsoomi doonta Crown Huteel, taas oo ilo wareedyadu hoosta ka xariiqeen, in muhiimadeedu ay tahay, inay ku shaaciyaan mawqifkooda cusub, ee ku wajahan gogosha madaxweynuhu u dhigay ee lagu wada hadashiinayay labada dhinac.
Kulankan qadada ah ayaa la sheegay in garabkani ay ku qaadaci doonaan, dhexdhexaadinta madaxweynaha, iyadoo hore loo wariyey in ay kalsoonidoodu gaadhay heer ay madaxweynaha ka aamin baxeen dhexdhexaadintiisa, iyagoo mawqifkoodu ka dhigan yahay mid ku jiqsii ah, oo ay ugu talogaleen inay ku labadibleeyaan, habsami u socodka shirka 5aad ee golaha dhexe, oo agaasinkiisu meel wacan marayo ilaa hadda.
Geesta kale, tallaabadan ay ku qaadaceen garabkani, waanwaanta laga islaaxinayo xisbiga guddihiisa, ayaa guul usoo hoyn karta hoggaanka xisbiga iyo guddoomiye Muuse Biixi, isla markaana taas beddelkeeda xulufada ka durkinaysa taageerayaashii xubnaha golaha dhexe.
Geesta kale warsaxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u magacaabay guddi loogu magac daray guddida hubinta arrimaha cabashadu ka taagan tahay ee shirka golaha dhexe. Warsaxaafadeedkaas oo lagu magacaabay guddi shan xubnood ka kooban isla markaana lagu ogaysiiyey hoggaanka sare ee xisbiga ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Xubnaha Gudida:-
Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Ku: Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka
Ku: Mudane, Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga
Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC
Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin: Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe. Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo. Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto. Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan. Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh”.