Amuuro Siyaasadeed Oo Maareeyaha Wakaallada Biyaha Ilowsiiyey Xilkii Uu Ummada U Hayay Iyo Isbahaysiga KULMIYE Oo Saameeyey Aaminsanaantiisa
Hargeysa (Hubaal)- Maareeeyaha wakaallada biyaha ee Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa la weriyey in uu ku xidhan yahay xubno kamid ah wasiirradii xukuumadda ka fallaagoobay ee dabayaaqadii bishii 10aad ee sanadkan xilalkii ay xukuumadda ka hayeen iska casilay, kuwaas oo uu xidhiidho hoose iyo wada shaqayn taxadirani ka dhaxayso. Ibraahim Siyaad Yoonis oo lagu tiriyo xubnaha faro ku tiriska ah ee siyaasad ahaan ka talo qaadan jiray illaa haddana ka talo qaata wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii uu xilka hayay door miisaan leh iyo awood muuqata ku lahaa qaranka, kuwaas oo isaga ka amar qaadan jiray, isla markaana badankoodu xilalkii ay hayeen qaarkood ku raalli geliyeen rabitaanka wasiir xirsi oo ay hal mar isla casileen isaga, ayaa wararka Wargeyska HUBAAL ka soo gaadhay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo uu dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Maareeyaha Wakaalladu waxaa ay tibaaxxeen in uu weli ku xidhan yahay isla markaana uu waabeyda iyo talada ka qaato shakhsigii kaalinta ku lahaa magacaabistiisii oo ah Xirsi cali Xasan. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in maadaama oo maareeyuhu taabacsan yahay garabkaas ka fallaagoobay xisbiga KULMIYE uu ku dhaqmo hadba shaxda ay ku waajahayaan xukuumadda ay ku mucaaradeen.
Masuulkan oo dhinaca kale lagu tiriyo xubnaha faro ku tiriska ah ee aan mabda’ ahaan aaminsanayn qorshaha siyaasadeed ee madax weyne Siilaanyo ugu talo galay in lagu dhiso xisbul xaakimka KULMIYE lagana caawiyo diyaar garowga musharraxiintiisu ugu jiraan doorashada, waxaana dadka aragtidan aaminsani ay u sibir saarayaan doodooda in Maareyaha Wakaalladu uu gooni socod kaga suntan yahay shaxda siyaasadeed ee xukuumadda KULMIYE, taasina ay summad gaar ah u yeeshay xilkiisa iyo waajibaadkii loo igmaday oo uu kaga mashquulay arrimaha siyaadeed.
Muuqaallo Maareeyaha Ku Xidhiidhiyey Huwanta caalwaaga ah ee Iska Casishay Xukuumadda/KULMIYE
Kulamo daahan oo aan ajandahoodu cadayn ayaa maareeyaha wakaalladu iskaga kala dab qaaday garabka iska casilay xukuumadda iyo qaar ka mid ah madaxda xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo dhowr jeer kulamo ku yeeshay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Mid kamid ah kulannadaas ayaa maareeyuhu xafiiskiisa kula yeeshay hoggaanka sare ee xisbiga UCID, kuwaas oo uu hormood u yahay guddoomiye Feysal Cali Waraabe kaasi oo sida ka muuqata sawirro ah oo muujinaya kulankan oo horaantii bishan December dhex meray labada dhinaca, sawirrada waxaa kamuuqda guddomiyaha xisbiga UCID Feysal cali Waraabe oo ka soo baxay xafiiska maareeyaha kadib markii uu soo dhamaystay shirka uu la galay.
Muxuu Ahaa Shirku, maxaase uu daarnaa?
Qaar kamid ah hawl wadeennada wakaallada iyo dadka ka ag dhow maareeyaha ayaa HUBAAL u sheegay in kulankani ka dembeeyey socdaal aan la dareemin oo 48 saacadood ka hor maalinta la kulmay uu maareeyuhu kaga soo laabtay magaalada Burco halkaas oo uu ku sugnaa wasiirkii hore ee madaxtooyada oo isaga ay wada hadallo iyo xidhiidho dhex mareen guddoomiyaha UCID. Halkaas oo maareeyuhu ka soo qaaday farriin ku dhereran wejiga labaad ee wada hadalka labada dhinac oo kulankooda uu maareeyuhu xafiiskiisa ku marti qaadey guddoomiye feysal. Kulankan ayaa dhinaca kale warku ku marag uga dhigay siyaasadda garabkan iyo kaalinta uu ku leeyahay maareeyhu.
Isbeddelka Adeega Wakaallada iyo Cabashada Dadweynaha
Dhinaca kale dadweynaha iyo macaamiisha ku xidhan wakaallada biyaha ee Hargeysa ayaa saluug weyn ka muujiyey habacsanaan iyo kala daadsanaan maamul oo in dhawaaleba ka muuqata wakaallada biyaha ee Hargeysa. Kadib markii ay soo food saartay adeeg xumo iyo qancin la’aan ku dhereran waajibaadka ay qaranka ugu suntan tahay. Qaar kamid ah macaamiisha wakaallada oo Wargeyska HUBAAL xidhiidho la soo sameeyey ayaa ka deyriyey xaallada maamul ee ay wakaallada iyo niyad xumo ay kala kulmeen maareeyaha kadib markii ay marar badan ku hungoobeen xafiiskiisa oo uu amma ka maqan yahay amma hoosta uga xidhan yahay. Cabashada dadkan ayaa imanaysa xilli ay hore farta loogu godayay dheelli ka muuqda wakaallada iyada oo markii horeba ay reer Hargeysa wehel u ahaayeen surmi iyo soojeed hungo huwan oo ay habeennada biyaha ay sugayaan ku dhafaraan.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli aanay weli hanaqaadin wada shaqayntii maareeyuhu la lahaa guddidii 11 xubnood ka koobnayd ee madaxweyne Siilaanyo ka soo xulay indheergaradka bulshada ee uu u magacaabay in ay la socdaan kana war hayaan mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa ee maamulka Wakaalladu gacanta ku hayay, kaasi oo dadku u dheg raariciyeen shaqadooda hase yeeshee aanay illaa hadda wax war ah ka helin meel ay arrimahii marinayaan iyo waxyaabah u hirgelay.