Isbahaysiga Shirkadaha Hargeysa Korontada U Shida Oo Lafta Iyo Dhuuxa Danyarta Kala Qaybsaday Iyo Adeegooda Oo Saameeyey Qoysas Aan Dhadhaaran

0
40

Gudaha Ka Akhri: Awaamiir La Yaab Leh Oo Ay U Yeedhiyaan Macaamiisha Sicir Ka Baxsan Awoodda Danyarta Oo Ay ku Qoondaysteen Lacag Aanu Qofku Istimaaciln

Hargeysa:(Hubaal)-Ganacsatada Korontada u shidda Caasimadda Hargeysa, ayaa circa kusii shareeraya Qiimaha ay ka qaadaan Dadkooda macaamiisha ah, waxana ay dhanka kale isu sii bahaysanayaan sidii ay Afka ugu dhigan lahaayeen dhammaanba shilimaadka ay bixiyaan Shacabka Magaalada ku nooli.

Qiimaha korontada ee laga qaado dadka macaamiisha ah, ayaa heer aad u sarreeya oo macaamiisha badankoodu aanay awoodi  Karin maraya, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa dhiig-miirashada ay mulkiilahayaasha shirkadaha korontada magaalada siiyaa ku hayaan Macaamiishooda oo u badan dad aan awoodi Karin lacagaha ay bilkasta ku waajibiyeen.kaah

Cuno-qabataynta ay shirkadaha korontada magaalada Hargeysa u shidaa ku hayaan macaamiishooda ayaa maalmahan si weyn u xoogaysatay, waxana inta badan shirkadihii yaryaraa oo markii hore tartan xoogan ku jirey isku bahaysteen shilimaadka danyarta, iyagoo samaystay  laba shirkadood oo awood badan, isla-markaana go’aan ku gaadhay inay jeebkooda ku ritaan dhammaanba qaddarka lacageed ee dadka caasimaddu ku bixyaan korontada oo  kamid ah shay’ada nolosha maanta lagama maarmaanka u noqday.

Inta badan shirkadihii yaryaraa, ayaa  samaystay laba shirkadood oo waaweyn kuwaas oo lagu kala magacaabo KAAH oo iyadu shidda Xaafadaha Bariga, Badhtamaha iyo Koonfrta Caasimadda iyo Waliba shirkadda kale ee AlMIS oo iyadu shidda xaafadaha Waqooyiga, Galbeedka iyo qaybo badan oo badhtamaha caasimadda ah, kuwaas oo qiimo gaar ah u goostay danyarta aan intooda badni helin nolol-maalmeedkooda caadiga ah.

Sida ay macaamiil qiimaha korontada ka cabanaya oo Wargeyska Hubaal Cabashadooda usoo gudbiyey sheegeen, waxa ay labadan shirkadood  mid waliba si iskeed ah u samaysatay qiime go’an oo ay ka qaaddo qof kasta oo Korontadooda isticmaala, iyadoo aan u eegaynin haynta Qofkaas, isla-markaana si khasab ah uga qaadaya lacago dheeri ah oo aanay saacadda qofka macaamiilka ahi sooba qorin ama aanu isticmaalin.

Dadka nala soo xidhiidhay, ayaa sheegaya in Shirkadda ALMIS ay khasab kaga dhigtay qofkasta oo macmuul u ah inuu Halkii Unit ku bixiyo Hal Dollar, iyadoo ay u dheertahay in qiimaha ugu hooseeya ee Bishii uu bixinayaa uu yahay $15(shan iyo toban dollar)taas oo ah arrin khasab ah oo aanu gorgortan ka geli Karin xattaa haddii isticmaalkiisu dhaafi waayo Hal unit oo kali ah.

Sidoo kale Shirkadda kale ee KAAH, ayaa sida qaar kamid ah Macaamiisheedu noo sheegeen, waxa ay Halkii Unit ku qiimaysaa Hal Dollar, iyadoo sidoo kale Macaamiisheeda ku khasabta inay si joogta ah bishii kasta ugu talo galaan bixinta $10-dollar oo lacag ah, haddii uu isticmaalkoodu Toban Unin ka yaraade, halka haddii ay ka badatana laga qaadayo Hadba wixii u isticmaalo.

Macaamiishu waxa ay noo xaqiijiyeen in marka laga yimaaddo qiimaha awooddooda ka baxsan ee ay korontadaas ku helaan, ay u dheer tahay dhibaato laxaad leh oo ah in Shirkadahani ku khasbaan inay saacado gaar ah soo iibsadaan oo ay ka hor istigaanaa inay rabitaankooda kusoo iibsadaan saacadaha ay korontada u isticlaamayaan, “Annaga shirkadda laydhka na siisaa, waxa ay nagu khasabtay inaanaan iibsan Karin saacadda aanu annagu doonayno, balse taas  beddelkeeda aanu iibsan karono nooc kaliya oo saacadaha Korontada ah, iyadoo sababtuna tahay inay saacaddaasi tahay mid dheeraysa oo Soo qoraysa xaddi ka badan wixii aanu isticaalnay, taasna waanu ku khasbanahay, waayo haddii aanaan sidaas yeelin Laydhka waa nalaga goosanaya.” Ayey tidhi mid kamid ah Macaamiisha shirkadda Laydhka ee KAAH oo magaceeda qarisay, maadaama ay si dhib yar korontadeeda u waayi karto haddii ay dhibka lagu hayo ka warranto.

Caasimadda Hargeysa kama jiro wax tartan ah oo la xidhiidha Korontada Shacabku u baahan yihiin, waxana Ganacsatada Naxariistu ka maqan tahay cidla ka heleen Suuq xor ah oo aan tartan lahayn, iyadoo taasina u suurtogelisay inay qiimihii ay doonaan oo aan cidina kula xisaabtamaynin ka qaadaan Shacab aan intooda badani dabkaba shidanin.

Dhibaatooyinka kale ee aan lacagta ahayn ee shirkadahani dadka ku hayaan, ayaa waxa kamid ah inay Goobo aan ku haboonayn iska dhigteen Mishiinada ay korontada ka dhaliyaan oo aad u gaboobay, kuwaas oo codkoodu dhibaato ku hayaan Dadka deegaanadaas ku dhaqan, iyadoo qaarkoodna goobo waxbarasho dhigteen mishiinadooda.

Hawlwadeenada Wargeyska Hubaal, ayaa waxa ay indhahooda kusoo arkeen Mishiin si aad u gaboobay oo cod dhibaato badan, kaas oo wax ka yar 4-Mitir u jira Dugsiga Naasa-hablood ee Degmada Gacan-libaax, waxana mishiinkaas iska leh shirkadda ALMIS, iyadoo Maamulka Dugsigaasina noo xaqiijiyeen inay dhawr goor cabasho gudbiyeen, balse aan cidina dhegaysan.

Qaar kamid ah Maaulka Shirkadaha Korontada oo maalintii shalay waraysi siiyey Idaacadda BBC-da, ayaa si badheedh carrabka ugu ballaadhiyey sicirka sarreeya ee ay korontada ku Bixiyaan, waxana ay caddeeyeen inay Qiimo-dhimista u sameeyaan oo kali ah dadka ganacsatada ah ee Maalka leh, iyadoo  meesha ka saaray doorkii dadka danyarta ahaa.

Dhinaca kale waxa meesha kasii baxaysa doorkii Hay’adda korontada ee Hargeysa ka ciyaari jirtey qiimo-bararka Korontada caasimadda, waxana Mamaamiishii ay dabka siin jirtey si tartiib ah ula wareegay shirkadaha gaarka loo leeyey ee isu bahaystay dhiigga iyo dheecaanka Umaddooda nolosha liidatada ku  nool.

Waxa iyaduna aan indhaha laga qarsan Karin in Qiimaha Shidaalka ee dalka la keenaa sii kordhayo, iyadoo aanay arrintaas wali Xukuumaddu ka bixin jawaab lagu qanci karo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here