Isbahaysiga Talada Haya Ee Ethiopia Oo Doortay Hoggaamiye Cusub

0
53

Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay guddoomiyaha isbahaysiga talada haya ee dalka Ethiopia, wuxuuna noqonayaa Raisul wasaaraha cusub ee dalkaas, waxa uu baddalayaa Hailemariam Desalegn. kaas oo bishii lasoo dhaafay si kadis ah ugu dhaqaaqay in uu xilka isaga dagay , dalka ayaa hataan ku jira xaalad dagdag ah taas oo looga gollahaa in lagusoo afjaro mudaharaadyo dawladda looga soo horjeedo oo socday ku dhawaad saddex sanadood.

 

Maalmo dhowr ah oo ay socdeen doodo adag iyo wada xaajoodyo, hoggaamiye yaasha isbahaysiga xukunka hayaa waxay u doorteen Dr Abiy in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub, waxa uu kasoo jeedaa qawmiyadda Oromada ee ugu tirade badan dalkaas. Taas oo ahayd xudunta mudaharaadyada looga soo horjeedo dawladda tan iyo sanadkii 2015.

 

Waxa uu iminka qaban doonaa xilka Raisul wasaaraha, kadib markii goluhu ay aqbaleen iscasilaaddii Raisul wasaarihii hore, hailemariam Desalegn.

 

Dr Abiy ayaa loo arkaa inuu yahay siyaasi firfircoon oo leh aqoonsi tacliineed iyo mid military, waxa uu shahaadada doctorate ka haystaa jaamacadda Addis Ababa wxuu sidoo kale Shahaadada Master-ka ka qaatay jaamacado ku yaal dalalka Maraykanka iyo Britain.

 

Wuxuu hore usoo noqday wasiir kamid ah Golaha wasiirrada, wuxuu sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa in dhidibada loo aaso hay’ada sirdoonka ee dalkaas.

 

Hase ahaatee dadka dhaliilsan ayaa shaki galinaya in loo ogolaan doono in uu awood u yeesho in uu meel mariyo isbaddaladda ay dalbanayaan dadka dimuquraadiyadda u ololeeya.

 

Boqolaal dad ah ayaa ku dhintay kuwa kaloo fara bandanna waa la xiray tan iyo markii mudaharaadadu ay ka bilowdeen dalkaas ku dhawaad saddex sano ka hor.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here