Muqdisho (Hubaal) – Waxa Shalay Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ka bilaabmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 4-aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe. Imtixaanka Shahaadiga ah ee 2015-2016-ka, ayaa Guud ahaan waxa Somaliand u fadhiistay Shan iyo Labaatan Kun Afartan iyo Lix Arday, kuwaasi oo Imtixaanka ku gelaya Iskuullo ka badan 300. Waxaana sannadkan Maamulka Imtixaanaadku sheegay in la soo kordhiyey Qalab lagu baadhayo Ardaydu marka ay galayaan Fasallada Imtixaanaadka lagaga qaadayo.
Guddoomiyaha Imtixaanaadka guud ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo Saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka Imtixaanka sannadkan loo galaayo ama uu u bilaabmay iyo qaybaha ay kala yihiin. “tirade ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga hoose dhexe waa shan iyo toban kun boqol afar iyo toban (15,114) oo arday oo ukala baxa 9,167 oo wiilasha ah iyo 5,978 gabdhaha ah. Tirade u fadhiisatay dugsiyada sare waa 9,901 oo ukala baxa 6,493 wiilasha ah iyo 3,408 gabdhaha ah. Tirada u fadhiisatay labadaba marka laysu geeyo 25,46 arday” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Imtixaanaadka guud ee Somaliland Daa’uud Axmed ayaa sheegay Qalab lagu baadhayo Ardayda marka ay galayaan Fasallada Imtixaanaadka lagaga qaadayo. “waxa kaloo sannadkan nagu cusub qalab lagu baadhayo ardayda imtixaanka fadhiisanaya oo lagula dagaalamyo Mobile-ka oo haddii loo baahdaba xiisadiiba mar lala galayo” ayuu yidhi guddoomiyaha imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Gadhweyne, ugu Ugu dambayn wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Yuusuf Cismaan Garas iyo agaasimaha Guud Mr. Abiib oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dardaaray waalidiinta radaydaasi inay guntiga dhiisa iskaga dhigaan sidii ay ubadkooda uga ilaalin lahaayeen wax kasta oo wax u dhimaya waxbarashadooda.
Ardaydan sanadkan u fadhiisatay imtixaannaadka iyo kuwii kal hore u fadhiistay marka lays barbardhigo waxaa ay is dheer yihiin laba kun iyo shan iyo toban arday [2015]. Sida uu wasiiru dawlihii hore ee wasaaradda waxbarashada Somaliland haatanna ah wasiiru dawlaha cusub ee wasaaradda duulista hawadu Md. Axmed Nuur Faahiye uu warbaahinta u sheegay 5tii bishii June ee kal hore 2015kii, ardaydii u fadhiisatay sanad-dugsiyeedkii kan ka horreeyey ee 2014 ilaa 2015 waxaa ay dhammaayeen afar iyo labaatan kun oo arday [24000], kuwaas oo isugujiray 14000 oo dugsiyada hoose dhexe ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah. Mr. Faahiye oo xilligaas ka hadlaya amuurtaasina waxaa uu warbaahinta u sheegay “ Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah waxa u fadhiisan doona 24 kun oo arday, kuwaasi oo iskugu jira 14000 oo dugsiyada hoose dhexe ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah”ayuu yidhi Wasiirul dawlihii xiligaas ee waxbarashadu.
Haddaba marka lays barbar dhigo sannadkan iyo sannadkii hore ayaa waxa laba kun iyo shan iyo toban (2015) arday ay ardayda sannadkan ee shalay u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee 2015-2016 dheer yihiin kuwii kal hore ee 2014-2015.