Aniga oo ka mida dhalinyarada ku nool magalada berbera ilaa hadan aan ku jirin midka mida ururada siyaasada waxaa galabta jeclaystay in aan dareenkayga TA INTAN LEEGI MAAHA IS CASILAAD EE WAA QARAN CEBAYS LAGANA HADHI MAYO KA U SAREEYA IYO KA U HOOSEYA,
QARANKUNA WAA JIRAYAA WALIGII
aniga oo ka mida dhalinyarada ku nool magalada berbera ilaa hadan aan ku jirin midka mida ururada siyaasada
waxaa galabta jeclaystay in aan dareenkayga ku soo gudbiyo qolaal iyada oo ay igu kaliftay in aan maqaalkan qoro markaan arkay xaalada uu dalkuu maraayo oo ah abid tii ugu xumayd oo ay ka dhaceen xaalado aan hore uga dhici jirin kuwaasi oo ay ka kow ahaayeen xukumadii oo shacabkii soo doortay ee u heelanaa dheg jalaq u siin weyday oo ay noqotayba in ay xukumadii umadii dhegaysanba waydo oo masuulkasta oo xukumada ku jiraaba sida uu doono uu yelay sidoo kale ay dhacday in ay xukumadii u joojinwaydo golihii sharci dejinta oo ay wax leeleen sharcidejintuu ay iyaduu iska banaysatay, taasi oo imankana maraysa in xukumada lafteedi dhegaysanwayday dabaded ay dhacday in wasiiro iyo masuuliyiin badan oo kale is casilaan.
taasi oo aan leeyahay wasiirada maanta sidaa u dhaqmaaya waa kuwaan shalay lahaa maaha dad qadiyad leh oo qarankuuma baahna madaxweynee xilka ka qaad wasiir hebel dhegaysanwayday shacbigii qarankani lahaaye dee adaanu kaa rabnaa dadkii oo midaysan iyo dalkii oo midaysan.
kuwa le waanu is casilanayna waxaan leeyahay qarankuu waxba idiin noqon maayo waxii intaa ogaada berina laydinkaga tagimaayee waa laydin xisaabin tani maaha is casilaade waa qaran ceebayse waxay leedaa laydin marin waanay iman maalintaasi haddii la sii noolaado.
GOLAHA GUURTIDA, GOLAHA BAARLAMAANKA, GOLAHA IYO CUUQAASHA IYO WAXGARADKANA waxaan leeyahay dalka ha la badbaadiyo oo dhexda ha loo xidho adkaynta qaranimada oo fadhiga ha laga kaco.
Qaranimaduu waa Muqadas.
Qore: Aqoonyahan :
Ismaaciil C/laahi Cilmi ( ismaaciil dheeg)
dheeg99@hotmail.co.uk