GUDDAHA KA AKHRISO: Sababaha uu u cuskaday iscasilaadiisa agaasime waaxeed wasaaradda warfaafinta,wacyigelinta,dhaqanka iyo dalxiiska oo xilkii uu ka hayay wasaaradaas gebi ahaanba baneeyay
Hargeysa (Hubaal)- Agaasimihii waaxda Farsammadda ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Axmed Saleebaan Maxamed (Ina-Saleebaan Weyne) ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay wasaaradaasi, ka dib markii uu u adkaysan waayay mulaaqa iyo shaqo xumida uu gacmihiisa ku sameynayo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Agaasimaha waaxda Farsamadu waxa uu qoraalkiisa istiqaalada ah oo uu u gudbiyay Wasiir Abdillahiu Cukuse ku sheegay sida aan looga rajo qabin in wasaaradu ay hagaagto illaa inta uu joogo Wasiirka Warfaafinta oo caadaystay inuu si ficil ah ugu gabood falo, shaqaalaaha iyo madaxda wasaaradda uga hooseysaba.
Halkan hoose ka akhriso nuqul ka mid ah warqadii is casilaadaasi oo ay shabakada qarannews heshay, waxana ay u qornayd sidan hoos ku xusan