Iska Hor-Imaad Ciidanka Booliska Iyo Dad Shicib ah Kudhex Maray Deegaanka Botor

0
153

ASTAANTA

Kalabaydh (Hubaal) Wararka ka imanaya Deegaanka ceelasha Biyaha ee magaaladda kalabaydh Oo ka tirsan  Gobolka Gabiley ayaa waxa ka dhacay Iska hor Imaad xoogan oo dhexmaray ciidmada booliska iyo dada deegaanka. Khilaafkan ayaa sida ay noo sheegeen dad goobjooge ah wuxu ka bilowday kadib markii ciidamo ka yimid dhinaca magaalada Gabiley  Amar dirir iyo cago juglayn ku bilaabeen dadka ku xeeran ceelasha biyaha kuwaasi oo xiligaa ku guda jiray in waraabiyaan delaga ay beertaan ayaa waxay ciidamadii goobta tagay ku amreen in ay joojiyaan biyaha ay u  isticmaalayaan waraabinta beeraha iyagoon wax sobob ah u sheegin maadaama xukuumadu hore heshiis ula gashay dadkaas xiligii la qodayay ceelasha oo ahaa in ay inta qoys ee  beerahooga laga qoday ceelasha abaal ahaan loo siiyo waraab dhinaca beeraha ah.

Sidoo kale gadoodkan  kadhashay amarkan maamulka Gabilay duldhigay beeralayda Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee botor ayaa sobobay in gacmaha iskula tagaan dadkii deeganka iyo ciidamadii booliska ee amarkan qabay  kaasi oo sida wararkani tibaaxeen ay markii danbe sobobtay in dhaawac fudud la gaadhsiiyo qaar kamida saraakiishii hawlgalkan watay Balse maamulka gobolka Gabiley ayaa xoojin ciidan culus  u dalbaday  fulinta amarkan  oo ay bixiyeen maamulka Gobolka Gabilay  waxayna  sobobtay in si arxandaro ah loo ugaadhsado dadkii deegaanka ee xukuumadu amarka duldhigtay, waxaana goob jooge u waramayay shabakadan wararka ee Wajaalenews sheegay in  la soo qab qabtay dad tiradoodu kor u dhaafayso 30 qof islamarkaana waxaa gabi ahaan dadkii loo soo dhaadhiciyay dhinaca caasimada Hargaysa iyadoo loo qaybiyay sedex saldhig oo kamida kuwa caasimada Hargasa  sida saldhiga dhexe , saldhiga xaafada iftin iyo sidoo kale saldhiga koodbuur,

Dhanka kale deegaanka Kalabaydh ee gobolka Gabiley ayay xiligan ka taagan tahay xaalad cakiran iyadoo wali ay ku sugan yihiin ciidamo faro badan iyo badhsaabka gobolka Gabiley Waxaana laga Cabsi qabaa in ay kacdoono culusi ka dhacaan maalinta bari magaalooyinka Gabilay iyo kalabaydh hadii aanay dawladu go,aan degdega ka gaadhin.

Xigasho: Wajaalenews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here