Xoghayaha Guud Ee Ururka NAFAQO Oo Sheegay In La Marin Habaabiyey Isu Soo Dhawayntii Labada Dhinac+ Jawaab Uu Ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeedhay Maayar Ku Xigeenka Hargeya
Hargeisa-(Hubaal)-Xoghayaha guud ee Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, Maxamed Cabdi Maxamuud (Foorastari), ayaa xalay sheegay in aan weli si rasmi ah xal looga gaadhin khilaafkii ka dhexeeyey iskaashatada Nafaqo iyo shirkada lagu wareejiyey kawaanka hilibka ee Maandeeq, balse uu jiro dhex dhexaadin ay xukuumaddu ka gashay arrintaas oo iskaashatadooda lagaga codsaday in ay ku meel gaadh u bilaabaan shaqadii ay hore u joojiyeen.
Xog hayaha guud waxaa uu sheegay in arrintooda guddi loo saaray isla markaana laga dhur sugayo natiijada ay keenaan, hase yeeshee waxa uu naqdiyey hadal warbaahinta uu siiyey ku simaha maayarku oo uu sheegay in uu u dhignaa mid dhabarka ka jebinaya waanwaantii loogu jiray in xal laga gaadho khilaafkan. ”Waxaanu ayaan daro ah oo aanu aad ula yaabnay in ku simaha Maayarka caasimada Hargeysa, ahana Maayar ku xigeenka caasimadu, in inta uu warbaahirta soo fadhiisto uu yidhaado xalkii khilaafkii ka dhaxeeyay Labada Shirkadood ee NAFAQO, iyo MAANDEEQ, waa la dhameeyay,” sidaa ayuu yidhi xoghayaha Nafaqo oo u warramay Hadhwanaagnews.com, waxanau intaa ku daray “Waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu weli dhammaan xalintii khilaafku, balse shirkadda hiliblayaasha ee NAFAQO ay tixgelisay oo ay aqbashay codsi uga yimi Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, kaas oo ay Urrurka NAFAQO, kaga dalbadeen in si ku meel gaadh ah ay Urrurka hilibyaashaasha NAFAQO, dib ugu bilaabaab shaqada, inta la baadhayo waxyaabahan khilaafka dhaliyay, waxaanay madaxdaasi noo sheegeen in xalinta khilaafkan loo soo xuli doono oo ay galayaan masuulyiin sare ee ka tirsan Wasaarada daakhiliga, dawlada hoose ee Hargeysa, iyo Urrurka Nafaqo, taasina ay keentay in inta ay guudiggan loo saari doono xalinta khilaafku ay baadhitaanadooda dhamaysanayaan in urrurka hiliblayaasha NAFAQO, ay si ku meel gaadh ah dib ugu bilaabaan Shaqada, markaa waxaan mar labaad halkan ka cadyanayaa in aanay waxba ka jirin hadalka uu Maayar ku xigeenku ku sheegay in la soo af-jaray oo la dhameeyay khilaafkan”.
Xoghayaha guud ee Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, Maxamed Cabdi Maxamuud (Foorastari), oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo yidhi,
” Waxa wax lala yaabo ah in Maayar ku xigeenka, oo ah ku simaha Maaayarku, aanu kala garanayn oo ay iskaga qaldan tahay shaqooyinka ay kala qabtaan Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, iyo shirkada MAANDEEQ, waana waajib maadaama uu yahay Maayar ku xigeen, ku sime Maayar ahi in uu fahmo shaqada ay qabato shirkada Maandeeq, iyo shaqada ay uu qabto urrurka MAANDEEQ, waxaana Maayar ku xigeenka hadalkiisa uu ku sheegay isaga oo leh shirkada qaliinka xoolaha ee Maandeeq, waxaanan u sheegayaa in Shirkada Maandeq, aanay xoolaha qalin, balse waxay leedahay gaadiidka xoolaha la qalo lagu qaado, waxanay nadiifisaa goobta xoolaha lagu qalo, laakiin xoolaha waxa qala Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, Markaa waa ayaan daro in Maayar ku xigeenka oo hada ah ku simaha Maayarka oo ah masuulka u saereya dawlada hoose iyo golaha deegaanka magaalada Hargeysa in aanu kala garanaynba shaqada ay kala leeyiihiin ee ay qabtaan labadan shirkadood khilaafku ka dhex jiro, ee NAFAQO, iyo MAANDEEQ, sidaa awgeed, anaga oo si weyn u ixtiraamayna codsigii Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha booliska, waxa aanu aad uga xunahay oo aan ahayn wax meesha leeg oo la aqbali karo in Maayor ku xigeenku uu ka been abuurayo kulankii xalay sida ku meel gaadhka ah la isula afgartay in inta arrinta khilaafka labada dhinax dhalisay la baadhayo in ay NAFAQO ay si ku meel gaadh ah shaqada u sii bilowdo, waana wax lala yaabo in uu yidhaado maayar ku igeenku waa la xaliyay oo waa la soo af-jaray khilaafkii, Markaa waxaanu halkan ka cadaynaynaa in hadalka noocaas ah ee maayar ku xigeenka ka soo yeedhay in uu dhabarka ka jabinayo oo carqalad ku noqonayo xalintii khilaafkan lagu demin lahaa, waxaanu hadalkan maayar ku xigeenku uu u muuqdaa ama uu yahaba go’aan aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ka soo horaysiiyay arrin aan xalkeedaba weli la guda gelin.”
Xoghayaha guud ee Urrurka NAFAQO, waxa uu farta ku fiiqay in hadalkan ka soo baxay Maayar ku xigeenku uu soo degdejiyay tuhun ay qabeen Maayar ku xigeenka, waxaanu ydhi
”Markaa hadii aanu nahay Urrurka hiliblayaasha ee NAFAQO, markii aanu maqalnay hadalkan aan salka iyo raadka toona lahayn ee uu ka dhawaajiyay Maayar ku xigeenku, waxa noo cadaatay hadii aanu Urrurka NAFAQO, nahay tuhun aanu hore u qabnay oo ahaa in aanu Maayar ku xigeenku arrintan dhex ka ahayn, ee uu dhinac yahay, sidaa awgeed, Guddida loo xulan doono baadhitaanka xalinta khilaafka ka dhaxeeya laba shirkadood waxa uu yahay mid ay ku soo kala cadaynayaan in shirkada Maandeq ay ku sugan khasaare iyo in ay lacag badan oo xad dhaaf ah hesho. Sidaas oo ay tahayna, waxaanu halkan ka bayaaminayaa in go’aankii iyo mowqifkii uu Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, uu ka taagnaa khilaafkan in aanay weli waxba iska badalin ee uu sidiisii hore yahay. sidaa awgeed, Annaga oo ah masuuliyiintii sarsare ee Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, kuna hadlaya magaca iyo masuuliyda Urrurka Hiliblayaasha NAFAQO, waxaanu u mahadnaqaynaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Taliyaha ciidamada booliska, sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhex khilaafkan, iyo guddiga ay sheegeen in loo xil saari doono baadhista khilaafkan si xalka loo helo. Maayar ku xigeenkana waxaanu leenahay waxaad tahay masuul sare oo ka mid ah hay’addaha ay arrintani khusayso, mana aha khilaafkii xalintiisa aad adigu qeybta weyn ka ahayd in aad adigu hagardaamayso oo aad dhabarka ka jebiso.” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, Maxamed Cabdi Maxamuud (Foorastari),