Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa ku guul-daraystay in uu wax ka qabto cabasho heerkeedu shaqo joojin gaadhay oo ay iskaashatada hilibleyaasha ee NAFAQO ka sameeyeen qorshe ay dawladdu ku dhaxal wareejisay kawaanka qaliinka xoolaha ee Maandeeq kaasi oo loo gacan geliyey shirkad gaar ah. Dhaxal wareejinta kawaankan oo laba bilood ka hor dhaliyey gadood ay hilibleyaasha caasimadda Hargeysi ku joojiyeen shaqadii gawraca xoolaha ayaa WAsiirka arrimaha gudaha Somaliland oo soo dhex galay qaddiyadda lagu dhaxal wareejiyey kawaanka waxaa uu iskaashatada NAFAQO ku qanciyey in uu isagu arrintooda wax ka qabanayo sidaasi darteedna ay hawshooda wataan, waxaana hoggaanka NAFAQO iyo xubnaha ay matalaan wasiirka ka aqbaleen ergadiisa iyaga oo u sheegay in ay isaga ka war sugayaan wixii ay xaq u leeyihiinna aanay ka laaban doonin meesha la mariyey. Waqtigaas oo haatan laga joogo laba bilood iyo saa’id ayaa wixii intaas ka dembeeyey aanay waxba ka fulin ballanqaadkii Warancadde, kaaso o niyad samidii ay iskaashatadu ka qabtay dhexdhexaadinta wasiirka ay ku soo gorortay niyad jab.
Illo wareedyo Xogoggaal ah oo u dhuun dalloola dhaqdhaqaaqa suuqyadda sariibadaha hilibka magaalada Hargeysa, ayaa warkan oo aanu Hadhwanaagnews ka soo xiganay uu sheegay in ay socdaan abaabul xoog leh oo uu NAFAQO ku diyaariyay in ay mar kale ku dhaqaaqaan shaqo joojin, maadaama ay Wasiir Cali Waranncade ku guul daraystay in uu si caddaalad ah wax uga qabto cabashadooda, arrintaas oo saamayn xun ku yeelan doonta haddii aan la caymin nolosha dadweynaha ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo hareeraheeda, taas oo ka dhalatay Wasiir Warancadde oo, iska dhego mariyay in uu soo magacaabo guddigii uu iclaamiyay in uu u magacabaayo muddo ka badan laba bilood ka hor aanu weli soo magacaabin. taas oo ka dhalatay cabashadii Urrurka NAFAQO, ee hore u keentay shaqo joojinta, oo weli taagan oo aan waxba laga qaban haba yaraatee, taas suurtagal ka dhigaysa in saacad kasta ay suurtagal tahay in uu dib u bilaabmo shaqo joojin uu mar kale ku talaabsado Urrurka NAFAQO.
Hoggaanka Ururka NAFAQO oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dhaqdhaqaaqyada la weriyey ayaa ka gaabsaday in ay arrintaasi ka hadlaan. Dhinaca kale mar aanu xalay isku daynay in aanu khadka telefoonka kula xidhiidhno Wasiir Warancadde, si aanu arriimahan wax uga weydiino, ayaanay iyadana noo suurtagelin.