Isku Dhac Khasaare Geystay Oo Dhexmaray Boolis Somaliland ah Iyo Ciidamo Ethiopian ah Oo Soo Xad-gudbay

0
42

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dhaawac Gaadhsiiyey Mid kamid ah Askartii Ethiopian-ka ahayd ee Baadhashada ka wadday gudaha Somaliland

Hargeysa:(Hubaal)-Subaxii hore ee shalay ayey is-rasaasayn laxaad leh oo qaddar kooban socotay ku dhexmartay ciidamada Booliska Somaliland iyo weliba ciidamo tiradooda lagu sheegay oo ka tirsan ciidamada K

Taliyaha qaybta Booliska ee deegaankaas Md. Axmed Maxamuud Guutaale oo arrintan faahfaahin ka bixiyey ayaa sharraxay sida uu iska hor imaadkaasi u dhacay, “Siddeeddii subaxnimo ciidamo katirsan kililka shanaad oo laba askari ahaa, ayaa xuduudda Somaliland usoo tallaabay, waxana saldhigga lagu soo wargeliyey inay dad ku baadhanayaan deegaanka Garbo-haadlay oo qiyaastii 3-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Wajaale, waxana ku baxay ciidamo boois ah, markii ay goobtii tageenna labadii askari rasaas bay oodda kaga qaadeen ciidankuna wuu u jawaabay, meeshuna xadka Somaliland bay ahayd oo ay dad ku baadhanayeen, arrintaasina khalad dhacay bay ahayd”

Rasaastii la isdhaafsaday, ayaa waxa ay ku dhacday mid kamid ah ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee dhibaatada ku jirey, waxana ay rasaastu ka asiibtay misigta oo heer jabniin gaadhay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Gabiley oo warbaahinta la hadlay.

Ciidamadii Booliska Somaliland, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan labadii askari oo midkood dhaawac yahay, iyaga oo cisbitaalka Wajaale geeyey askarigii dhaawaca ahaa oo daaweyn loogu sameeyey.

Sida ay saraakiisha xukuumadda u qaabilsan deegaankaasi warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka socday maamulka kililka shanaad ee Ethiopia, ayaa iyaguna meesha tegay oo xaqiiqsaday in meesha wax ka dhaceen ahayd dhinaca xuduudda Somaliland, waxana lagu wareejiyey labadii askri ee midkood dhaawaca ahaa, iyaga oo garwaaqsaday xad-gudubka ay askartaasi sameeyeen.

Dhawaanahan waxa soo noqnoqonayey tallaabooyin xad-gudub ah oo ay ciidamada kililka shanaad ee Ethiopia ku samaynayeen xuduudda Somaliland, balse waa markii ugu horraysay ee ciidamada Somaliland ay tallaabo ka qaadaan ciidamadaas, isla-markaana ay dhaawac gaadhsiiyeen ciddii soo xad-gudubtay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here