Jigjiga (Hubaal) – Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo muddo laba maalmood ah socday ayaa lagu shaaciyey isku shaandhayn lagu sameeyey xukuumadda uuhoggaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee Kililka Shanaad Ee Itoobiya. Shirkan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I Maxamad Rashiid Isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamud cumar waxaa halkaasi lagu shaaciyey liiska isku shaandhaynta golaha wasiirrada/xoghayeyaasha maamulka Jijgjiga, kuwaas oo ka kooban 25 xubnood iyo 4 guddoomiye gobol. Waxaanay kala yihiin:
- FartuunCabdi Mahdi, Xoghaya/Madaxa maalliyada ee DDSI
- Axmed Cabdi, Wasaaradda Biyaha ahna xubin guddida fulinta.
- Cabdixakiin Cigaal Cumar, madaxa xafiiska PCDP ahna xubin golaha dhexe.
- Sucaad Axmed Faarax, Meesheedii lagama badalin [lama sheegin xilka ay haysay].
- Khadar Cabdi Ismaaciil, Madaxa xarunta golaha dhexe ee XDSHSI.
- XamdiAadan Cabdi, Wasiirka Caafimaadka ahna madax weyne kuxigeen.
- Suldaan Kheyre, wuxuu noqday xubin guddi fulin ah wuxuuna joogayaa xafiiskiisa
- Maajid Maxamed oo ahayd wasiirka xafiiska xoolaha waxa loo bedelay wasiirka madaxtooyada
- Cumar Maxamed,isagu waxaa uu joogayaa meeshiisii [lama shaacin xilkauu hayay]
- Ibraahim Cali Wuxuu noqday wasiirka sayniska iyo tiknoolojiyada
- Baashe Cabdi Ismaaciil Wuxuu nqoday wasiir ku xigeenka xafiiska sayniska iyo tiknoolojiyada
- Fuaad JaamacWahaabi wwaxaa loo magacaabay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska
- Maxamad Rabiic Xaaji Cabdiqaadir,Wasiirka Daakhiliga
- Cabdillaahi Garbo waxauu noqday xoghayaha xafiiska ka hortagga iyo u diyaar garawga masiibooyinka
- Haaruun Yuusuf Cabdi,wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka iyo wershadaha
- Marwo Raxma maxamud halkeedii ayay joogaysaa
- Mudane C/mahad maxamed cabas wasiirka horumarinta xoolo-dhaqatada iyo reer guuraga
- Mudane gamaal Farax warmooge madaxa xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI
- Mudane ibraahin aadan mahad wuxuu joogi meeshiisii
- Mudane C/Jamal axmed qaloonbi meeshiisii ayuu joogaa
- Mudane jamaal cismaan qorane wuxuu noqday xubin gudi fulin ah
- Mudane miig bile waxa loo badley xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI
- Eng. Asad cumar wuxuu joogaa meeshiisii
- Mudne rashid jamac sheer wuxuu noqday wasiir kuxigeen
- Mudane xasan aadan xasan wasiir kuxigeen.
Gudomiyeyaasha gobolada ee cusub
- Mudane cabdi casiis Ahmed Habiye oo ahaa Gud degmada shabeeley ayaa waxa uu noqdey gudoomiyaha gobalka qoraxay
- Mudane Muxumed Xassan suufi oo ahaa mayarka maamulka magaalada dhagaxbuur wuxuu noqdey Gudomiyaha Gobolka jarar
- Mudane Xabiib Adan oo ahaa gudoomiye degmo waxa uu noqdey gudomiye Gobol
- Mudane maxamed cali oo ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka faafan waxa uu noqdey Gudoomiyaha gobalka dhawa.
Isku Shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dhawaan raysal wasaaraha cusub eedalka itoobiya Abaya Ahmed booqadiisii u horreysay ku tegey deegaanka Soomaalida Itoobiya ,taasi oo uu ku soo afjaray colaadii u dhaxaysay qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.