“Islaamku Wuxuu Inna Farayaa In Qofka Iyo Qaranku-ba uu Yeesho Qorshe Uu Dakhligiisa Iyo Kharashkiisa Isugu Dheellitirayo”

0
95

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

Hargeysa(Hubaal):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inay Dhaqaalo aad u badani Dadka reer Somaliland kaga baxo Qaadka ama Jaadka ka yimaadda waddanka Itoobiya, kaas oo uu sheegay in Dhaqaalaha Dalka iyo Dadka kaga baxa ay uga wanaagsanaan lahayd inta la soo ururiyo in la gubo. Sheekh Maxamed, ayaa sheegay inay jiraan sababo badan oo Qofka ku xambaara inuu maalka Illaahay siiyey si xun u isticmaalo, loona baahan yahay in Qof walba ka digtoonaado, ku Xad-gudubka Hantida iyo Dhaqaalaha Illaahay siiyey inta uu doono ha ahaadee. Waxa uu Sheekh Dirir sidaas ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Masaajidka uu inta badan Khudbadaha ka jeediyey ee uu Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka dhigo ee Rusheeye oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlayey dhibaatada israafku keeno, ayaa sheegay in dadkeennu faqri ay ka cabanayaan, haddaad u fiirsatid Miyi iyo Magaalo-na, siday u noolyihiin Madax iyo Shacab aad yaabayso, waxaanu yidhi; “Dadkeenu faqri ayey ka cabanayaan, hadaad u fiirsatid hadaad u fiirsatid miyi iyo magaalo, dadkeenu siday u noolyihiin Madax iyo Shacab deeqdii Ilaahay inna siiyey sida aynu u maamulayno, innagoo haddana faqri ka baqanayna. Israafka, aynu dhaqaalaha badan ku bixinayno waxa ka mid ah balwada, Jaadka, Sigaarka, Khamriga iyo dad mukhaadaraadka isticmaala.” “Jaadka dhaqaalaha lagu bixiyo, daraasad aan sameeyey, magaalada Hargeysa keliya Sarriflayaashu waxay ii sheegeen in Laba Boqol oo kun ($200,000) (oo doollar) loo sarrifo Jaadka, maxaad u malayn magaalooyinka kale ee dalka, iyo deegaanada Miyiga? Oo xilligan noqday meelaha sida weyn loogu cuno Jaadka, maalin walba.” Sidaa ayuu yidhi Sheekhu. Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa sheegay inay Dalka iyo Dadka ay uga wanaagsanayd dhaqaalaha lagu bixiyo Jaadka, inta la soo ururiyo in la gubo, waxaanu Sheekha oo Sababahaas sharraxayaa, yidhi; “Dhaqaalaha dalka iyo dadka kaga baxa Jaadka waxa u wanaagsan inta laga soo uruuriyo bulshada isticmaasha in fagaare lagu gubo, sababtoo ah marka lacagtii la gudbo, waxa innaga khasaaray dhaqaale keliya, balse marka balwada Jaadka lagu isticmaalo, arrimo badan ayaa ku dhaafaya, dhaqaalahii, Caafimaadkii, Wakhtigii, Cibaadadii, Arrimahii Qoyska, miyaanay ka sahlanayn markaa inta lagacta gawaadhi lagu soo uruuriyo in dibedaha lagu gubo. Way ka sahlan tahay, marka la eego caqli ahaan, balse dadku taa way la yaabayaan, ta mirqaanka lama yaabayaan.” Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in israaf( maalkii oo six un loo isticmaalo) ku jirto dharka aynu xidhano oo aad u baan, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi; “Dharka aynu xidhano israaf ayaa ku jira, isagoo aad u badan, sida dharkii dumarka ee jidhkoodu muuqday, ama ku dheganaa, kuwa sawirada leh ee ganacsatadu leedahay caruurtaa xiisaynaysa, dawooyinka laysku cadeeyo dhaqaale badan ayaa qoysaska kaga baxa, waana kuwa Quraanka Ilaahay inooga digay.” Xad-gudub ayaa ku jira dhaqaalaha aynu ku bixino marka aynu faraxsannahay iyo marka aynu murugaysan nahay, siduu sheegay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, waxaanu yidhi; “Xad-gudub ayaa ku jira dhaqaalaha aynu u adeegsano marka aynu faraxsan nahay iyo marka aynu murugaysan nahay, waxay maraysaa xafladahii aroosyadu todoba xafladood, ama u fiirsada, ama ha u fiirsaninee, intuba jiibka dadka ayey ka baxayaan, waanay qeylinayaan, waa Yaradkii, Gabaatigii, Is-barashadii Dumarka, Xafladii dumarja, Xafladii Ragga, Xeedhada lacagtii lagu ridayey, marka geeri timaadana, waa la mid, xoolaa la qalayaa waa qori-qaadkii, xoolo kale waa axankii, fidahii, qaar kalaa la qalayaa asaydii baa la dhigayaa, qaar kale waa la quraamayaa, sida ayey u soconayaan. Xad-gudub kale ayaa ka jira xoolahii ummada oo ninkii masuul looga dhigay odhanayaa manta ayey ku soo gashaye, ayuu sheegay Sh. Dirir, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi; “Xadgudub kale ayaa ka jira xoolahii ummada oo ninkii masuul looga dhigay odhanayaa maanta ayey ku soo gashaye, xusuladana iska leef, lugahana ka subko, shacabkiina tii ayey la qabsadeen, oo laaluushkii ayaa shandado lagu sidaa, oo leeyahiin, dhulkan ii xukun, anniga ii horeysii, khasnada waxa ku jira, taasoo diinta islaamku ka digtay, Ilaahayna madaxda iyo shacabka isagoo la hadlaya waxuu yidhi; ‘Ha ku cunina Xoolaha dhexdiinna xaq-darro. Shacabkana ha ku laaluushina Madaxda Xoolaha’ ayuu Illaahay yidhi.” Sheekh Maxamed, ayaa ku soo gebagebeeyey, in Ilaahay inoo nimceeyey, balse bulshadu noqotay kuwo ku xadgudbaya nimcada Illaahay siiyey. “Intaa aynu soo sheegnay iyo inkale oo ka mid tahay, waa mushkilad inna haysta oo loo baahan yahay in lays weydiiyo sababaheeda, Ma Ilaahay baan waxba inna siin mise innagaa xadgudbaya. Islaamku waxuu faray qofka iyo dawlada islaamka inay isku filaansho gaadho, oo kharashkiisa iyo dakhligiisa isku miisaamo, si aanu dadka kale u baryin,  Ilaahay baa mada lehe, wuu inoo nimceeye, yeynaan ka caban.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here