GUDDAHA KA AKHRISO BARNAAMIJKA DIINTA IYO NOLOSHA
AFEEF qormooyinkii taxanaha ahaa Cilmiga Xadiiska waxa inaga so dhex galay qormadan kadiska ah, sida ajligeed todobaadka so socda halkiisi ayuu inoga si socon donaan insha Allah.
Qarnigii sideed iyo tobnaad ayey gumaytayaashi reer Yurub u yimadeen qaaradaha Afrika iyo Aasiya gumaysi; waxa ay xoog ku qabsadeen dhulalkii ay yimadeen, iyagoo gurtay hantidoodi, ku dhex fidiyey diintoodi, duleyey duulki ay u yimadeen, uso saaray rag ay jara-bareen oo mabadi’dooda fidiya. Labadaa qaaradood waxa ay ahayeen saldhigi diinta Islaamka, haa waa labada qaaradood ee dunida Muslimiinta u badani joogan, oo maba jiraan labada qaaradod dal aan ahayn oo qaaradaha kale ku jira, sowtan Turkiga hadh iyo habeen la baacsanayo.
Gumaystayaashaasi waxa ay qaybiyeen dalalkii Islaamka oo dalba dal kale ugu faruuryo xidheen. Dabadeedna xadad u xariiqeen, uguna sheegen in dal walba xadkiisu intaa yahay.
Inta badan hadaad u fiirsato dalalka Islaamka dal walba dal kale oo Islaam ah ayey is haystaan, is qabsigaaso ku aadan dhul lagu muran san yahay, dalba leh dalkaasi dhulkaygi ayuu iga haysta, ka kalana waxa uu leeyahay aniga intan gumaystihii ayaa iso raaciyey, waana xad taariikhi ah oo marag leh.
Halkaa marka ay marayso doododu ayaa waxa aad ogaanaysa in ujeedada laga lahaa in qolo walba inta dhul laga so qaado qolo kale loo siinayey ay tahay in ilaa waligood in ay madaxa iskula jiraan oo aanay higsi iyo himilo toona lahaan.
Ku darso gumaystayaashu sida ay u kala qaybiyeen waxa ay ahayd si xirfadaysan oo ay ugu tala galeen in aan waligeed la kala bixin. Qaybtina waxa saldhig u ahayd in qoomiyad walba dhowr dal la kala raaciyo, si awoododu u kala firidhsanto.
(saddexdan khariradood waa qab gumaysigi Ingiriis, Faransiis iyo Talyaani ee Afrika, waan so ururiyey waad kala baxsan karta. Waxa aan kaso helay google-ha ku qor Afrika iyo dalalka kolba mid)
Taariikhda sida ku salaysan inteeda badan inagu waynu ka xog laanahay, oo waxa ina mashquliyey danaheena hoose, inti wax baratayna duulkii kale ayey la maan noqdeen, ma raad raacno sooyaalkii taariikheed ee dunida, iyo keeni khaas ahaneedba. Taaso keentay in aynu shir tagno maxaynu wax iskugu nahay.
Da’yar badan oo dunida inaga qabatay ayaa inoo la so noqday afkaaro ay kaso barteen dugsiyadii afkaaraha ee dunida ka aloosna. Da’yarteenasi waxa ay soo dheegten afkaaraha Calmaaniyada, Caqlaaniyada iyo qaar kaba si darano hadda laso shir tagay in dunidu fulkaano qaraxi ku abuuran tay oo cid samaysay iyo cid lo noqonayaaba aanay jirin Subxanallah. Fikradahaas oo kuwi aamin sanaaba badankoogi inta ay so hungooben afwaynta u dhacay, ayaa ay ino so xambareen dhawaan xolowyo lagu dhaan raranayo.
Doodaha ay keenan raggaasi waa mid madhalaysnimo runti ah, ku salaysan aragti dhow oo aan durugsanayn. Inta badan waxa ay ka faalo-daan meelo ay iska cadahay qeexisnaantedu, sida xukunka Rabbi SWT, taas oo ah runti indho adaygnimo aan aqoon ku dhisnayn iyo maankooga oo layno so dhex marayo, haa maankooga ayaa layno so dhex maraya, mar haddii ay inola imanayaan sidee qof dhan loo dili kara, side qof wax xaday gacan looga jari kara, sidee qof nool dhagax loogu dilaya iwm. Billahi calayk maan layno so dhex marin nimanka sidaa u hadlaya.
Aragtiyaha liita waxa ka mid ah in aynu kala garan waynay wixi wax layskugu ahaa, taas oo ragga qaar maanta leeyihin waxa wax layskugu yahay waa xad iy calan, haa dalkayga kii ila sheeganaya unba wax ii ah. Ka kalana dee mooji bal adba!.
Qiimaynta caynkaas ahi maaha mid saxsan diin ahaan, Muslimiintu waxa ay wax iskugu yihiin waa diin, labada qof ee Muslimnimo wada sheeganaya haba kala durug sanadeen’e. hase ahaate in la yidha xigtanimadu waa dalnimo maaha mid saxsan, dalka aad ku nooshahay haddu gaal kugula nool yahay macnaheedu maaha inu kaasi kaa xigo muslimka ka durugsan.
Magaaladii Madiina wakhtigii Rasuulku CSW ka dhigay magalo madaxdi Muslimiinta waxa ku wada noola magaalada Muslimiin iyo gaalo Yuhuud ah, ma dhicin maalin kaliya inay xigto noqdeen labada kala diinta ah ee ku noola, lama arag yadoo laga so dhawaysanayo Muslimiinti durugsana ee magaalada ka fogaa. Sida si la mid ah xuquuqdi nimanka gaalada ahii ku lahaayeen maalin kaliya Rasuulku CSW ma duudsiyin, oo kuma gar daroon ilaa iyagu ay uso raaceen gaalo kale.
Aragtida ku aadan side laysku xiga waa mid hoos imanaysa caqiidada Islaamka. Islaamku wuxu ina leeyahay waxa wax layskugu yahay waa diinta eeg bal aayada Qur’aanka ah ee Alle SWT ku leeyahay “mu’miniintu iyaga ah walaalo”, laguma kala xidhin dal dhow iyo qaarad toona, qof kasta oo Muslim ah meesha uu doono ha jooge Muslimka kale waa walaalkii. Eeg hadana xidiiska Rasuulka CSW ee sugan “mu’minku mu’minka kale wuxu u yahay dhis, badhkiiba badhka kale adkaynaya”. Wax isku ahaanshuhu waa caqiido, sidaa ajligeed baa badhba badhka kale tirinaya. Mar kale Rasuulku CW wuxu lahaa “muslimiintu waa jidh kaliya, haddii mid damqado waa ay wada damqanayaan”. Waxa aan filaya in intaasi wax ku qaadasho ugu filan tahay cidda taasi shaki ka gashay, maba ahaa wax shaki gali kare.
Waxa jira mawduc dhan oo culimada Islaamku ka hadlaan oo la yidha Al Wala Wal Bara. wax kalana maahe waa in qofku kala garto yaa xiga yaan se xigin, iyo sido kale sababta xigsashanimo.
Rasuulku CSW wuxu yidhi “guntinta iimaanku waxa ugu muhiimsan in qofku Illahay darti wax u xidhidhiyo, Illahay dartiina wax u goyo”. Mar kale wakii xadiiski ahaa “in aad Alle darti wax u jeclaato, iyo in aad Alle wax u necbaato”, markaa maxa wax layskugu yahay waa su’aale haddi aan diin wax lays kugu ahay. Dee anuu diin kama hadal ee dal ayaan ka hadlay, oo waxa aan idhi dalkayga ka ah diintu doono ha hayste ka aan dalkayga ahayn se muslimka ah wu iga xiga. Haaye waxa wax layskugu yahay dal maaha ee taa ila ogow, qofku dalku doono ha jooge haddu diinta Islaamka haysto waa walaalka. Haddii aanu diinta Islaamka haysan gurigiinaba ha jooge waa gaal aydan waxba isku ahayn. Odhana kari maysid diin kama anan hadal, waayo sodigan leh diintu doono ha haysto.
Dhalinyarada u heelan qoraalada ragga dar jidhka miidhan ah waxa aan kula talin lahaa, in aydan isku mashquulin qof laso dooriyey oo aan inaga ahayn, se layno so dhex marayo. Idilkiinba waa in aydun diifaacdaan diinta, taas oo ah xaq idin wada saaran, qof kasta oo arka maqaal sidaa u liita waa inu u jawaabo.