Faysal Oo Sharraxay Cidda Shacabka Ku Ababisay Inay Siyaasadda u wada Hanqan taagaan
Dubai:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sharraxay sababaha keenay dhaqanno muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland kusoo badanaya oo salka ku haya in cid waliba siyaasadda ku lug yeelato, isla markaana ka hadasho arrimo aan siyaasadda ka fogayn.
Faysal Cali-waraabe oo xilligan ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa xusay in dhaqankaas laga dhaxlay Rajiimkii Siyaad Barre, isla markaana ay xiligan bulshadu gaadhay heer la isku tolo dawladda iyo qoyska uu kasoo jeedo ninka hoggaanka hayaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Islaanta caanaha iibisa ee reer Somaliland waxa ay doonaysaa inay ogaato waxa uu madaxweynuhu xalay Qabtay, Maxamed Siyaad Barre-na waxa uu dadka ku abuuray in la is aamini waayo oo qofka madaxda ah iyo haybtiisii la kala saari waayo oo dawladdii lagu magacaabo hadba ninka xukunka haya qabiilkiisa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Soomaaliya xilligan ka hormartay dhiggeeda Somaliland dhinaca xulashada shakhsiyadda umadda danteedu ku jirta, halka ay reer Somaliland weli qabyaalad halbeeg ka dhiganayaan,“nimanka Soomaaliya lagu doortay lacag laguma dooran oo qabiil laguma doorane, wayna inaga hor mareen, inaguna maanta ayeynu bilownay yaa GARXAJIS AH IYO YAA SUBEERIYA AH”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiye Faysal waxa uu xusay in qorshihii fashilmay ee Rajiimkii Siyaad Barre uu kamid ahaa in bulshada reer Somaliland la tirtiro oo ay intooda kalena qaxooti noqdaan, balse aanay taashi hirgelin, waxana uu yidhi, “Qorshihii Siyaad Barre waxa uu ahaa in sida Falastiiniyiinta dhulkeena dadka kale lagu abuuro inaguna aynu qaxooti noqono, laakiin inkasta oo uu khasaare badani ina gaadhay haddana ciideenii baynu helnay.”