Aqoonyahan Maxamed Siciid GEES Oo Ka Warramay Dhacdo 14 Sanno Ka Hor Somaliland Soo Martay Oo Mar Kale Haatan Xiisad Ka Dhex Abuurtay Golaha Wakiillada Somaliland
“Haddaan Sacabka Xeelladi Ku Jirin Maxaa Habeenkii Loo Tumaa Ayaa La Yidhi, Maxaa Muranku U Yimaadaa Marka La Damco In La Qabto Ee Inta Kale Looga Aamusan Yahay”
Dharaaro Xusuustood (41AAD)
“Reer Degaynna, Tis Ood ah Ayaa Loo Ritaa, Dad Is-hayana Hadal Ayaa Lagu Darsadaa”- Odhaah Somaaliyeed
Waddamada dimuqraadiyadda sheegta ee ku dhaqma habka doorashooyinka ee xukunka dalka lagu kaltamo ee codka dadweynaha lagu kala guulaysto, waxay leeyihiin xeer doorashooyin oo tafatiran oo loo raaco habka doorashada ee golayaasha qaranka oo dhan. Iyada oo halkaas laga ambaqaadayo ayaa xukuumadii Cigaal u gudbisay golaha wakiilada xeerka doorashooyinka qaranka oo ka koobnaa Doorashada golayaasha degaamada, golayaasha wakiillada iyo guurtida iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo isku dhan sannadkii 1999 horaantiisii, si loo ansixiyo marka laga doodo sida dastuurku dhigayo. Waxa soo habeeyay xeerkaasi guddi golaha wasiirrada ka koobnaa oo uu guddoomiye u ahaa Cumar Nimcaale (Cumar-yare) oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee waqtigaas, waxaana Guddigaasi kaashaday garyaqaan Marxuun Faysal Xaaji jaamac oo mar dambe noqday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare. Marxuunkaasi waxa uu ka mid ahaa guddigii isku-shandhaynta labada nuqul ee dastuur uu u xilsaaray Shirweynihii Qaranku ee 1996-97. Marxuunkaas oo dastuurka jira ee aftida loogu codeeyey gacanta weyn ku lahaa.
Sannadkii 2001-dii dabayaaqadiisii markii aftida dastuurku qabsoontay ee la ansixiyey, ayaa Golaha Wakiilladu guda-galeen doodda Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo is huwan. Ayaan darro waxa markiiba muran ka bilaabmay qaybtii ku saabsanayd Golaha Wakiillada oo saami-qaybsiga kuraasida golaha ee lixda gobol ee Somaliland oo hore u ahaa lixdii degmo ee maxmiyadddii Somaliland ee Dawladda Boqortooyada Midawday (United Kingdom) ay maamuli jirtay. Kuwaas oo kala ahaa Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanod Iyo Ceerigaabo. Waxa soo jeedintu ahayd in lagu dhaqmo saami-qaybsigii 1960. Arrintaas ayaa xildhibaanadii Boorame ka boodeen. Waxa ku soo biiray kuwa kale oo ka soo jeeda Hargeysa. Halkaas oo arrintu marayso ayaa Marxuun Cigaal socdaal ugu baxay illaa Ceerigaabo, isaga oo ku dhaarsan inuu kala diro Golaha Wakiillada. Intuu safarka ku maqnaa ayaa golihii ansixiyey qayb ka mid ah xeerkii oo ku saabsanayd Doorashada Golayaasha degaanka iyo Madaxweynaha. Markii Marxuun Cigaal safarkii ka soo laabtay ayaa loo keenay qaybtii xeerka ee la ansixiyey taas ayaa hakisay go’aankii uu watay ee ahaa kala diridda Golaha Wakiillada oo uu dib u dhigtay. Isaga oo ku talagalay marka waqtigoodu dhammaado oo ahaa Mey, 2002-dii inay iska kal tagaan, oo doorasho la qabto, tii ilaahay ayaa ka soo horaysay oo geeridii ayaa ku timi madaxweynaha isla bishii Mey 3deedii.
Sidaaasi ayaa uu ku kala furfurmay xeerkii doorashooyinku cidina dib isuguma tolin dirqi ayaa 2005 xeer ku meel gaadh ah oo ilaa maxkamadda sare gaadhay ayaa lagu galay doorashadii Golaha Wakiillada. Wataa maantana uu soo baxay murankii . Muddadaas 10-ka sanno ah ciddina iskama xilsaarin sidii loo maarayn lahaa murankan. Waxa jeebka loogu haystay waa yaab eh. Maxaa guddiga doorashooyinka, xukuumadda, golayaasha iyo xisbiyadu ay u soo qaadi waayeen waqtigaas dheer?, Bal adba.
Haddaan sacabka xeelladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ayaa la yidhi, Maxaa muranku u yimaadaa marka doorasho la damco in la qabto inta kale looga aamusan yahay. Sheeko Soomaliyeed oo male’awaal ah oo kaftan ah ayaa sheegaysa in gabadh lagu sameeyey gudniinkii dhaqankii fircooniga ahaa la aroosay, deeto gelmadii ayaa dhici weyday iyada iyo saygeedii sababo farsamo awgeed. Kadib Islaantii [markii hore sancaysay] ayaa tiroba laba jeer lagu soo celiyey gabadhii, si ay wax u nefisiso. [deeto] Islaantii waxay markii labaad tidhi; “Waar fidiya ayuun baa la leeyahay, ee miyaa la garan waayay ka kale jeeba!!?.
Tanaasula ayuun baa la leeyahay goballada ee maxaa xeerka loo jeebi waayey, oo wax looga beddeliwaayey. Bal hadda dheeho soo-jeedintan akhriste.
1- Golaha wakiilladu waa gole qaran ee ma aha gole gobol, xeerka ay ansixiyaan waxa uu saameeyaa qaranka oo dhan ma aha mid gobol (Sida dastuurku dhigayo weli waa maqan yihiin golayaashi goballadu ay yeelan lahaayeen).
2- Saddex xisbi ee qaranku waxay ku tartamaan 82 kursi ee golaha wakiillada. Sidaas darteed waxay soo gudbinayaan saddex liis oo min 82 musharrax ah oo Musharax kastaa uu leeyahay calaamadiisii gaarka ama summadii geellooda.
3-Goobaha codaynta ee dalka oo dhan ayaa looga codaynayaa xisbiga iyo musharraxa.
4- Tirada guud ee codadka la codeeyey oo dhan ee doorashada ayaa la isu geynayaa. Wadarta soo baxda waxa loo qaybinayaa 82 kursi ee golaha wakiilladu ka kooban yahay. Waxa soo baxaya tirada codadka ee kursigu ku fadhiyo.
5- Tiradii codadka ee guud ahaan xisbi weliba helay ayaa loo qaybinayaa codadka uu ku fadhiyey kurisiga golaha wakiiladu . Waxa soo baxaya xisbi waliba inta uu ka helay kuraasi doorashada.
6- Tirada kuraasida uu xisbigu ka helay 82kursi ayaa gudahiisa lagu kala qaybsanayaa sida musharixiintiisu u kala codad badan yihiin sida haddaba lagu dhaqmo. Murankii kuraasidu waa kala codad badan yahiin iyo gobal hebel ayaa codad badan ayaa sidaas loogaga baxayaa. Hayaanka loo hayaamo goballada marka doorashada golaha wakiilladu dhacayso, waa laga raysanayaa, meeshii aad joogtid ayaad uga codayn karaysay musharaxii aad jeclayd. Waxa uun waajib ah inaad iska diiwaangelisid goobtaas aad ka codaynaysid.
“…Aan ka raysto hawshee ma I raacday haaa….. Ma I raacday” Heesta Marxuun Axmed Mooge. Marxuunku markii aanuu fasalka koowaad dugsiga Riis ku jirnay ayaa waxa uu qaadi jiray hees soodaani ah oo la odhan jiray “ adayr almuhaajir”, Shimbir hayaan.” Ayuu qormadiisa ku soo gunaanaday Prof. Maxamed Siciid Maxamed (Gees).