Ismaaciil Buubaa Oo Soo Jeediyay In La Soo Celiyo Wada Hadalada Burburay Ee Ka Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya

0
21

Hargeysa (Hubaal)-Ismaaciil Hure Buubaa, oo ah Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse Somaliweyn aaminsan, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan burburay, waxaanu soo jeediyey in wixii khilaaf ah ee soo kala dhex galay wada hadaladaas in la dhammeeyo.

 ismaaciil buubaa

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, “Waxa jira inay Somaliya iyo Somaliland  dhawr jeer wada hadleen, oo wada hadaladaasi marxalado kala duwan ayey soo mareen, ugu dambeyntiina waa lagu kala kacay, oo khilaaf ayaa soo kala dhex galay labadii dhinac ee ka kala socday Somaliland iyo Somaliya, markaas anigu waxa aan soo jeedin lahaa in dib loo soo celiyo wada hadaladii, oo wixii khilaaf ah ee jira la dhameeyo, lagana saaro meesha, si is afgarad ah meesha u yimaado, oo halkaas laga sii ambo qaado wada hadalada”.  Ayuu yidhi Buubaa oo ka hadlayay wada hadalada.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey xaalada  Siyaasayada Somaliland iyo Axsaabta Qaranka ayaa yidhi “Waa lagama maarmaan in dadku yeeshaan aragtiyo kala duwan, lana eego cida ugu haboon ee hoggaanka Wadanka qabanaysa, dadka Somaliland ku noolina aragtiyo kala duwan ayey leeyihiin, oo haddii la tartamo, in cidii guushu raacdo lala shaqeeyo ayaa wanaagsan ama Somaliland ha noqoto ama qeybaha kala ee  Somalida ha noqotee, in la isku dulqaato ciddii aragtideeda soo jeedisa in lala yaabo maaha, oo cidii aragti soo jeedisa in laga dhegaysto weeye, oo yaanay cidi is odhan aragtidiina oo qudha ayaa shaqaynaysa, aragtida dadka kale ee la nool ee Wadanka la jooga, in la iska indho tiro oo la yidhaahdo macna ma leh, maaha wax wacan, sidaas ayeyna dimuqraadiyada wanaagsani ku timaada, taas ayeyna ila tahay inay Somaliland u soo jeedsato.

Halka ay Somaliland u baahan tahay waxa weeye Saddexda Xisbi ee jira aragti siyaasadeed oo fog oo ay ku kala duwan yihiin ma jiraan, Saddexda Xisbina waxa ay qabaan inay Somaliland;  Somaliya inteeda kala ka go’do, Saddexda Xisbi xoogoodu waxa uu ka soo jeeda Beelaha dhexe, markaas Axsaabta Siyaasada Somaliland, waxa wanaagsan inay isku noqdaan oo Siyaasadooda dib ugu noqdaan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here