“Kol hadaannad geerida horteed Geesiga aqoonsan, Goblan weeye Soomaaliyeey Garashadaadii”
Hargeysa (Hubaal):-Alle haw naxariistee waxa shalay galabnimadii magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas) oo ka mid ahaa abwaaniintii hobollada waaberi. Alle haw naxariistee abwaan Basbaas ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa, isaga oo xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas) waxa uu ka mid ahaa jiilkii fanka ku biirey horraantii 1950-yadii, waxa uu ahaa majaajilayste ka qaybgelay riwaayado badan. Waxa uu sameeyey heeso badan, waxa ka mida heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacadaha Soomaaliya , hadana la maqlo ka hor wararka idaacada Radio Muqdisho iyo Telefiishanka SNTV.
Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas wuxuu ka mid ahaa Shakhsiyaadka Tirada Yar ee Fanka iyo Masraxa Soomaalida ku soo dhex jiray Tan iyo Markii Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska,Wuxuu Abwaan iyo Majaajilayste Maxamed Cabdi Basbaas uu ka mid ahaa Fannaaniintii kaalinta muga leh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka. Sideedaba Fannaanku ma dhaqdo hanti balse Waxaa Hanti uu ku meel maro u ah Bulshadiisa,iyo Dawladiisa,Taas oo macnaheedu yahay hantidiisu Waa Magac qudha,Iyadoo ay Sidaas tahay ayaa badhtamihii bishii MAY ee sanadkii 2016kii qormo qaylo dhaan ah oo uu wargeyska HUBAAL bulshada u baahiyey waxaa uu kaga hadlay xaallada marxuum Basbaas oo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay illaa shalay oo uu xijaabtay ku sugnaa isagoo Xaalad Caafimaad u Jiifay Cisbitaalka Guud ee Caasimada hargaysa. Qormadaas waxaa uu HUBAAL ku iftiimiyey ballanqaadyo hal bacaad lagu lisay oo marar kala duwan ay xukuumadii Siilaanyo u samaysay marxuumka iyada oo sheegtay inay xaalladiisa caafimaad wax ka qaban doonto hase ahaatee illaa xilligaas marxuumku intii uu xanuunsanayyay Muu helin Xurmadii uu ka Mudnaa Qarankiisa, Muu helin daryeelkii Waayeelnimo ee uu Mudnaa. Maxamed Cabdi Basbaas Wuxuu ahaa bukaan socod iyadoo xitaa aanay Wasaaradii uu ka tirsanaa ee Warfaafintu xaalladiisa u kuurgalin. Alle ha u Naxariistee Abwaankii Caan baxay ee Cali Sugule ayaa hore u Yidhi.
Haduu Geel ilmihii Korsado Gobina Meecaado Gabadhii ku Maahmaahday
Waa Gaari la Hubaaye, Kol hadaanad geerida horteed
Geesiga aqoonsan, Goblan weeye Soomaaliyeey Garashadaadii?.
Alla ha u naxariisto Marxuum Ismaaciil Cabdi Basbaas maanta aya ala filayaa in lagu aaso magaallada Hargeysa. Bahda HUBAAL iyo qalinleydeeduba waxaa aytacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaanna bahdii fanka, dhaqanka iyo murtida ee uu abwaanku ka baxay…. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.