“Waar Dee Shalayba Halkan Baad Joogteen Oo Xukuumaddo Ayeydun Ahaydeen, Nin Waliba Siduu Xukuumadda Kaga Tegayna Weynu…” Fahmi Cabdi Bidaar
Masuuliyiin KULMIYE Ka Tirsan Oo Jawaab Ka Bixiyey Weedho Xanaf Leh Oo Siyaasiyiin Waddani Ku Biiray Kasoo Yeedhay
Hargeysa (Hubaal) qaar kamid ah saraakiisha sare iyo mas’uuliyiin xisbiga Kulmiye ah ayaa jawaab ka bixiyey hadalo xanaf leh oo kasoo jeedhay siyaasiyiin hore ummada ugu fashilmay oo dhawaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku biiray.
Masuuliyiintan oo shir jaraa’id ku qabtay Huteel Saw ee magaaladda Boorama ayaa Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay afhayeenka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Maxamed Aadan; “ Ismaaciil Yare midh baan odhanayaa, runtii waxa uu xisbiga Kulmiye kusoo biiray isagoo godob badan ka galay oo uu ahaa ninkii xafiiska Kulmiye ka xidhay, nimaad dishay oo aad xil usoo doonatay waa ayaandaro inaad xil usoo doonato oo aad weliba ugu cadhooto xilbuu isiin waayay. Ninka labaad ee aan ku jawaabayaa isna waa Abiib Diiriye, ‘Abiib waa uu caytamayay, madaxweynaha ayuu caayaya oo waxaanu qabina ayuu ku sheegayay, xisbiguu xajiimaynayay. Anigu ma garanayo Abiib nin ka xajiimo badan oo anigu isaga waan garanayaa. Haddii ninkii gobollada iyo degmooyinka qaar aan waji siinayn, uu isagu xajiin bilaabayo oo uu xagxagasho bilaabayo, waar waa lays garanayaaye, Macal Cune Muuqan Doone.” Ayuu yidhi afhayeenka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Maxamed Aadan
Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ahna saraakiisha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa isna ka hadlay hadallada xanafta leh ee kasoo yeedhay siyaasiyiinta ku biirtay xisbiga Waddani, “waxa laga hadlayaa xukuumaddaa cayn kana iyo xisbiga Kulmiye ayaa cayn kan ah. Nin aan xukuumaddihii hore xil kasoo qaban ma leh. Waxaaban mararka qaarkood aan idhaa xisbiga Waddani, waa xisbigii Cadhada, qof alla qofkii ka cadhooda xisbiga Kulmiye Waddani buu gelayaa, waa nasiibdarada ugu weyn, laakiinse waxaan leeyahay, waar dee shalayba halkan baad joogteen oo xukuumaddo ayeydun ahaydeen, nin waliba siduu xukuumadda kaga tegay weynu garanaynaa. Waxa uu berri qabanayo ee uu Cirro doonayo in lagu doorto ee uu xaabada urursanayo, ee uu rabo inuu dabka ku shido, dee waxa weeyi dherigay ii karinayso may shalay ii kariso. Mida kale qabyaalada uu nin xisbigaasi soo galay uu ku hadlayay, ee uu ku eedeynayay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxaan leeyahay horta waxa nasiib wanaag ah isku qoys uun baad tihiin, meel baad kasoo wada jeedaan, haddana karaamada aad ku kala dhex leedihiin labadiinu reerihiina waa mid lawada yaqaano, qariib ma nihin oo shalay dalka maanu iman, maantana maanu soo galin. Haddii uu Kulmiye ku qaabili waayay, bilow iin lahaydee, maxaad u leedahay waa la ii waayay waxba.” Ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar