Faysal Cali-Waraabe Oo Booqasho Ku Tegay Suuqa Waaheen Ee Hargeysa, Dhaliilana U Xambaariyey Dawladda Hoose Ee Caasimada
Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Booqasho ku tegay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, isla markaana Bulshada ku sugan Suuqaas, ayaa xaaladdooda uga warramay, waxaanay u muujiyeen in adeegyada nadaafadda iyo bilicda ay gabtay dowladda Hoose.
Faysal Cali Waraabe oo si habboon u dhegaystay Dadka la hadlayay ee uu Suuqaa kula kulmay shalay, ayaa ka dib Warbaahinta la hadlay, isla markaana sheegay inaanu filayn in waqtigan ay Hargeysa u darsan doonto iyadoo golayaal la doortay leh, Masuuliyiintii laga soo magacaabi jiray Muqdisho xilligii ay Somaliland ka mid ahayd Soomaaliya.
Faysal Cali-waraabe ayaa eedo u jeediyey dawladda hoose Hargeysa oo uu sheegay inay fadhiidnimadeeda laga dheehan karo caasimada dalku heerka ay taagan tahay maanta, waxaanu yidhi; “horta halkan u maan iman olole, waxaan u imid inaanu eegno xaaladda nadaafadeed ee meesha ka jirta iyo tabashada aydun qabtaan. Waanan u jeednaa oo ishaa noo macallina, waannu aragnay bulaacada socota.
Faysal isagoo ka hadlaya fadhiidnimada dawladda hoose ee waxqabaho la’aanta xukuumadda Somaliland, waxa uu yidhi; “daartan aydun u jeedaan waxa dhistay dawladdii inna xasuuqday, maantana waad aragtaan daartaas tu lamid ah dawladda haatan innoo joogta way dhisi kariweyday. Ismaan lahayn Hargeysi waxay u darsan doontaa dadkii xamar laga soo magacaabi jiray. Kuweenna maanta jooga wax cun mooyaane, waxqabta ma garanayaan.
Guddoomiyuhu waxa bulshada ka ballanqaaday inay ka xisbi ahaan madaxweynaha u tegi doonaan, isla markaana uu kala hadli doono, goleyaashan sharci-darrada ku fadhiya ee deegaanka iyo baarlamaanka ah. “Waxan ballanqaadayaa, madaxweynaha waannu u tegaynaa, waxaanan kala hadlaynaa, hadduu go’aan ka gaadhi waayo Maayirradan bilaa sharciga ah iyo baarlamaankan meeshe iska fadhiya, hadduu go’aan ka gaadhi waayo inanka yare e Saleebaan u dhaarinayo guurtida ee aabihii uga dhintay, waxannu samaynaynaa quwada ugu weyn waa shicibka, maalintaanu nidhaahno soo baxa albaabkaynu ka saaraynaaye yaan laydin waayin maalintaa.” Ayuu yidhi