Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka oo ku Baaqay in la soo afjaro dirirta labada Ardaa ee shaqaaqadu ku dhexmartay degmada Ceel-afweyn
Hargeysa(Hubaal)-Maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa baaq nabaddeed u dirayey beelaha walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martey deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.
“Marka hore aniga oo aad uga xun arrintaas nasiib darrada ah ee galaafatay nolosha dadkii cid isugu xigay ee wada dhashay ee inan iyo abtigii ahaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaranka Somaliland ee sida macno darrada ah ay uga baxeen. sidoo kale waxaan kuwa ku dhaawacmay ee wali nool illaahay ugu baryayaa in uu bogsiiyo oo garan siiyo nabadda iyo negaanshiyuhu wuxuu yahay,”ayuu yidhi Maareeye Ku-xigeenka oo khamiistii shalay xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta.
Maareeye ku xigeenka oo ah masuul ka soo jeeda deegaannadaas, kana mid ahaa dadkii wakhtiga badan iyo dedaalka geliyey daminta iyo soo afjarista shaqaaqooyinkaas muddada soo noqnoqonayey, waxa dareen taabadle uga hadlay sida uu uga xun yahay mashaqadaas.
Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda oo la hadlayay labadan ardaa, waxaa uu xusay inaanu is lahayn mahurtadii is dhashay ayaa xabad isku quudhi doona,waxaannu yidhi; “Waxaan baaq nabaddeed halkan uga dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqada dhimashada iyo dhaawaca sababtay ku dhex martay degaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afwayn waxaanan leeyahay waar caqligu ha taliyo oo caadifada iyo cunfiga yuu talin, maanta oo aynu joogno qarnigii 21aad ismaan lahayn hilbihii is dhalay ee muhuraanka ahaa ayaa isu quudhi xabad, ismaan lahayn way xabaalo badin doonaan balse qadarka lama baajiyo oo waa kuwaa dhiigoodii illaahay xaaraantinimeeyay iyadoon meel kale looga iman iyagu daadiyey.”
“Runtii waa naxdin inteeda leeg. Waxaan dadkaa walaalaha ah ee wada dhashay leeyahay waar kala jooga dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhashee, colaada sokeeye joojiya faa’iido ma dhasho oo waxay dhashaa uun waa oday goblama iyo agoon badatee,”ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan.
Dhinaca kale maareeye ku xigeenku waxa uu mahadnaq ballaadhan u diray madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu ciidammada qaranka amar buuxa ku siiyay in ay xaaladda gacan bir ah ku qabtaan ciddii nabada khalkhal gelinaysana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan, sidoo kale waxa uu amaanay go’aankii uu madaxweyne ku xigeenku muddadii uu ahaa ku simaha madaxweynaha ka qaatay daminta shaqaaqadaa.
Waxa kaloo uu xusay in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu bixiyay gaadhi ku waxyeeloobay colaadii hore oo uu lahaa nin aan ka mid ahayn dadkii colaadu dhexmartay, waxa kale oo uu u mahad naqay wasiirka madaxtooyada oo hormuud u ah masuuliyiinta dawladda ee ku hawlan daminta shaqaaqadan, ugu danbayntii waxa uu maareeye ku xigeenku si guud ugu mahad naqay cid kasta oo af iyo adin si muuqata iyo si qarsoonba uga qayb gashay daminta iyo xal u helida colaadan.
Maareeye ku xigeenku wuxuu digniin u diray wax uu ugu yeedhay fidma walayaasha dhabarku muuqdo ee u xaydan hurinta colaadan isaga oo u sheegay in qaranku ogyahay maalin ay noqotana uu qaban doono oo aanay caddaalada ka dhuuman doonin waxaana uu xasuusiyay kuwa dhagarta sukeeye dhex boodaya in aduunkana ay ku ceebaysanyihiin aakhirana uu xadiiskii nabiga csw ee ahaa “ ka wax dila iyo ka ladilaaba waa ehlu naar” uu sugayo.