Ismaan lahayn! – W/Q. Mustafe Cabdiraxmaan

0
35

Eeddo, mararka qaar, markaan laabta ku geliyo, waxaan soo xusuustaa oo maskaxdyada hor timaadda Hodan, Udgoonkeedii ayaan kaa uriyaa. Waxaan xusuustaa oo aan marnaba niyaddayda

 

ka baxayn, qaabkii foosha xumaa ee ay u geeriyootay, waliba galabtaa waan ooyayey. Walaalkay oo adigana aabbahaa ah, ayaa i aamusiinayey. Isku da’ ayaad ahaydeen Hodan.

mustafe

Waxaan xusuustaa bartii aan kaga tagay, xitaa waanu aasi kari waynay, waayo haleelba umaanu hayn, oo dagaal culus ayaa socday, geed ayaanu maydka saarnay oo aanu kaga dul tagnay, waliba waa la iga kaxayn kari waayay. Bari dhawayd ayaan geedkii soo eegay, laakiin kuma uu yaalin meeeshii oo waa la gooyey.

 

Hodan waxay ku dhalatay, dhakhtar weyn oo aad u qurux badan oo ku yaalla dalka Sucuudiga, waxaan ku fikiri jiray inantaada yari ha ahaato, tan ugu nasiibka badan hablaha dunida ku nool, fiicnaan lahaydee in aad ubadkaaga nasiibka u keeni karto, hadday taasi dhacayso, saw qof waliba ubadkiisa nolosha ugu fiican umuu sameeyeen.! Haa dabcan, markaasaad ubadku waxa ay jeclaystaan ba aad hortooda keeni lahayd, dhibaatadana aad ka fogayn lahayd.

 

Run ahaantii, waan koolkoolin jiray, mar walbana in aan gacanta hayo ayaan jeclaan jiray. Aniga iyo Aw Axmed ubad aan Hodan ahayn ma aanu lahayn, wax walba iyada ayaa noo ahayd, farxadayada oo dhami iyada ayay ahayd. Aw Axmed markii ay shaqadu ka dhammaatay, Hodan waxay ahayd saddex iyo toban “13 sanno” jir.

 

Ka dib waxa aanu go’aan ku gaadhnay, in aanu u soo guurno dalka oo aan Sucuudiga ka soo guurno. Dalkii ayaanu u soo guurnay, isla jeerkaa magaaladii aanu soo degnay waxaa ka bilaabmay dagaal. Waxa aanu damacnay in aanu qaxno, balse markii aanu yaacaynay ayay rasaas habaar qabtaa laabta ka haleeshay, oo ay halkaa ku naf wayday inantaydii Hodan. Arxan darnaydee rasaastaasi, may aniga igu dhacdo, may iska dayso inanta yar ee ay noloshu u cusub tahay. Hadday aniga igu dhacdo saw murugadan i laasimtay kama aan raysteen, aheey ah, xanuun badanaa xusuusta maalmaha qadhaadh ee qalbiyadeena dhex jiifaa.

 

Geed u dhawaa halkaanu yaacaynay ayaanu kaga dul tagnay. Kolay haadka ayaa hilibkeedii quutay, mise waraabe. Mooyi.! Waxaan marnaba qalibigayga sina uga baxayn ereyadaan lahaa markii la iga dul kaxaynayey ee ahaa “Hooyo Hodaneey halkaad ogaydna waan kugu umulay, geedkaana waan kaaga dul tagey”

 

Ismaan lahayn Hodan sidaas ayay u nasiib xumaan doontaa, ismaan lahayn sidaa fudud ayaad ku waayi doontaa, balse waa qaddar Illaahay oo naf go’day iyo roob galbeed midna ma soo laabto. Waxaan ku dadaalaa in aan xusuusahaas oo dhan ka tirtiro laabtayda, laakiin taas ma awoodo, Waan dhoolo-caddeeyaa, balse caloosha iyo uurka kama faraxsani. Waxan isku dayaa in aan ahaado sida dadka oo kale, laakiin waan ahaan kari waayay. Wakhti kastana uurka wax baan ku qarsadaa.

 

Aw Axmed maalintaa ayaa hadalba ugu danbeysay, dib uma uu hadlin. Madaxa ayuu ku tilmaamaa marka uu wax rabo, ama diidayo. Waxaad moodaa in aan anigu dhaamo, uurka ayaan murugada ku qarsadaa, balse isaga noloshiisii oo dhan ayaa baaba’day, oo wixii dhacay ayaa ka xoog roonaaday. Waad dareemi kartaa in aanad marna ilaawi karayn qof noloshaada ku jiray oo kaaga tagay si fudud.

 

Sideedaba dhaawaca qalbiga qofka soo gaadha, ayaa boqol jeer ka xoog badan, kana cimri dheer dhaawaca laxaadka kale soo gaadha. Qofka gacmaha, indhaha, lugaha, iyo xubnaha kale ee jidhka ka dhaawacma, haddii xubnahaa kuwa la mid ah oo dad samee ah (Artificial) loo galin kari waayo, wuu iska noolaan karaa isagoo faraxsan, laakiin bal ka waran qofka qalbiga ka dhaawacma ee uu mooralkiisii gebi ahaanba tago, ma loo helayaa qalbi dad samee ah (Artificial) oo qalbigiisii loogu baddalo!

 

Maalintaa wixii dhacay maankayga waan ka saari kari waayay, Laakiin waxaan is waydiiyaa, Immisa waalidiin ah ayaa caynkaagan oo kale murugada la nool.? Immisaa hablo Soomaali ah, oo Hodan la mid ah ay sidani ku dhacday.? Immisaa hablo Soomaali ah aduunkan ku dul silcay dagaalada awgood? Immisaa hablo Soomaali ah tahriibay oo ajnabi u af duuban? immisaa jaan iyo cidhib meel ay dhigeen la la’yahay? Immisaa waalidkoodii dagaalada dartood waayay oo geed ay qabsadaan la’ oo dhirbaaxooyinka mawjadaha noloshu kolba dhinac u tuurayaan! Maxay sidani u dhacaysaa tolow..?

 

Mustafe Cabdiraxmaan Sharmaarke

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here